Waar tolow colka jooja. Qore Eng Yahye awil mohamoud

0
Thursday April 05, 2018 - 02:27:14 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1978
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waar tolow colka jooja. Qore Eng Yahye awil mohamoud

    Waar tolow colka jooja. Qore Eng Yahye awil mohamoud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waar tolow colka jooja. Qore Eng Yahye awil mohamoud
Waxan halkan tacsi uga diraya intii ku dhimatay isku dhaca labada beelood ee walalalaha ah ee shaydaanku isu hujuumay (انا لله وانا اليه راجعون), ilaahay samir iyo iimaan saadiq ah ha ka siiyo eheladii iyo asxaabtii uu ka baxay, waxan iyana inta dhaawacan ilaahay uga baryayaaa inuu shifeeyo.
Hadan aragtidayda ka dhiibto o wax ka taataabto colaadan,cunfigan iyo caqiibo la'aantan ay ku cidhib tirmeen curadada iyo ciroolaha cadhadu kala geysay ee ceel iyo caws wadaagta ah, Caqliga hadaan lagu cabirin cawaaqibka ka imanaya ficilka aad curinayso waa caqiibo beel, 
Waxa tihiin inan iyo abtigi,aabe iyo awowgii, hòyo iyo habaryarteed, waxa tihtihin biyo bur wadaag,awr iyo aqal wadaag,hido iyo hayb wadaag,hiil iyo hillow wadaag,dad iyo duunyo wadaag,dugsi iyo dagal wadaag,diir iyo dub wadaag ma tihidin dad aan ka damqanayn duruufaha iyo daleelaha ka taagan deegaankina waxad wada degan tihiin dagal walba iyo dooxo walba, ilaahaybaa iskiin dugsiiyey oo idinka dhigay dad iyo dab wadaag waxii reer u darani ka kalana wa ka damqanayaa, waad ka siman tihiin cadawga waa u siman tihiin caqliga,
Waad ogaydeen inta jeer ee la iskiin hor fadhiisiyey ee cuqaal, dawlad iyo caqli la idiin adeegsaday ee uu shaydaanku idinka buriyey, hadaan lakala roonaan roob ma da'o waxii lakala tirsado waa la dhamaystaa,
Reerna reer ma maquumaquunin karo aduunkana kama dhicin in reer meel laga maquuniyey reer kalena dago,
Balanka iyo millada aad gasheen ee weliba cuqaashiinu xariiqday xurmeeya, milladu waa shayga keliya ee aduunkan lagu kala xadaysmo ee la isku aamino waayo waa dhaar illaahay oo muqadas ah kii buriyana sunaheeda iyo waajibkeeda laga rabo.


Qofku qof muslima inuu dhiigiisa si aan sharci ahayn u daadiyaa waa xaaraam, waa laydin weydiinaya qiyaamaha, kuma jirtaaan jihaad oo midkiina gaalo maaha, ilaahay qawlkiisa ha beenaynina.( وَمَن يَقْتُلْ مُؤْمِنًا مُّتَعَمِّدًا فَجَزَاؤُهُ جَهَنَّمُ خَالِدًا فِيهَا وَغَضِبَ اللَّهُ عَلَيْهِ وَلَعَنَهُ وَأَعَدَّ لَهُ عَذَابًا عَظِيمًا )
Ruuxii u Dila Mu'min si Kas ah, Abaalkiisu waa Jahannamo oos ku Waari dhexdeeda, wuuna u Cadhoon Eebe wuuna Lacnadi wuxuu u darbi Cadaab wayn.
Waxan ilaahay ka baryayaa inuu burcad beerkiina isu mariyo balaayada aad baafinaysaana bar bar idinka mariyo.

امين امين
Eng yahye awil mohamoud
Yahye.awil27@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured