Tira-koobkii Shaqaalaha Dawladda Somaliland: Hawl-gal U Baahan Hirgelin.W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

0
Tuesday April 03, 2018 - 06:56:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 428
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tira-koobkii Shaqaalaha Dawladda Somaliland: Hawl-gal U Baahan Hirgelin.W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

    Lama ahayn dalxiis, waxa loo guclaynayay gudashada waajib baaxaddiisa leh. Haddii aan la toosin qalloocyadii la arkay, haddii aan dhexda loo xidhan qabyooyinka indhaha la soo saaray, haddii aan gufayn wixii daloolo ah, waxa uu qorshe-hawleedkaasi noq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lama ahayn dalxiis, waxa loo guclaynayay gudashada waajib baaxaddiisa leh. Haddii aan la toosin qalloocyadii la arkay, haddii aan dhexda loo xidhan qabyooyinka indhaha la soo saaray, haddii aan gufayn wixii daloolo ah, waxa uu qorshe-hawleedkaasi noqonayaa hal bacaad lagu lisay.
Wax badan ayay ummadda Somaliland maqashay:
1. Shaqaale aan jirin oo lacago lagu qaato "caagle”
2. Qof fadhiga mushahar kaga qaata xarumo dawli ah oo badan
3. Hawl-wadeenno haya xil aanay aqoontiisa lahayn
4. Dad u mushahar doonta kobo kala gooni ah "afar-jeeble” "laca-canleeye”
5. Xafiisyo ay kala badan yihiin hawl-maalmeedkiisa iyo adeegayaasha ku qorani.


Muddo ku dhaw 71 cisho (22kii Jenewari 2018ka illaa 1dii Abril 2018ka) ayay Haayadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland wadday tira-koob, xog-raadin, diiwaan-gelin iyo hubin lagu samaynayo sugnaanshaha shaqaalaha u shaqeeya qaranka. Anigoo ka mid ah bahda ay hawshani sida tooska ah u taabanaysay waxa aan qirayaa in gudashada waajibaadkiisa ahaa mid muggiisa leh. Olole iyo agaasin loo dhabar-adaygay oo culayskiisa leh ayuu ahaa.

Waxyaabaha bogaadinta mudnaa waxa ka mid ah:
1. Waxa la adeegsaday qalab casri ah oo fashilinaya qofka laba jeer isku daya in uu is-diiwaan-geliyo
2. Si buuxda ayaa loo hubinayay heerka aqooneed ee shaqaalaha
3. Waxa la hubinayay runnimada shahaadooyinka shaqaaluhu ay soo qaataan
4. Qofka waxa laga baadhayay in uu ku jiro dadka ka adeega meesha uu ka socdo.
5. Waxa in badan laga gun gaadhay in ay shaqaalaha dawladdu yihiin muwaaddiniin u dhashay dalka iyo in ay yihiin shisheeya qabta wax dadka waddanku fulin karaan.

Buur iyo bannaan, bad iyo berri, bari iyo galbeed, woqooyi iyo koonfur, intii tira-koobku socday waxa ay masuuliyiinta iyo shaqaalihii u xilsaarnaa mareen gobollo iyo degmooyin kala durugsan. Dad kala duruufo, deegaan, dan iyo door ah oo degello kala durugsan ku kala nool, kuna midaysan dalladda shaqaalaha dawladda ayaa mid ba qormadiisii loogu tegay. 

Jarmaade iyo carraabe, guura-gal iyo dheelmad, nooc kasta oo socod ah waa ay mareen. Xilliyadii aan ogaa waxa dirqi ku ahayd in ay helaan kansho ay ku hadhimeeyaan ama nusasaace ugu baxeen. Hawl muggeeda leh oo aan madaxa la qaadin ayay ahayd. Hurdadu waa ay yarayd sida la suurayn karo, hadalku waa koobnaa, hawl-qabadkuna waa uu badnaa.

Iyada oo sidaas adag loo wado geeddiga tira-koobka, haddana waxa aan arkayay dhaliilo la jeedinayo. "Hebel waxa uu lunsaday dhaqaale gaadhaya shan iyo toban milyan oo doollar ($15,000,000)”. Malaayiintu miyaanay ahayn kuwii aynu xaddigooda naqaannay? Tolow halkee ayay waxaas oo lacag ahi yaallaan?. Waxa laga yaabaa in ay dhaleecaynta noocaas ah jeediyaan dadkii uu sida taban u saamaynayay tira-koobku ee afar-jeeblayaasha ahaa. Taas beddelkeeda waxa si togan u soo dhawaynaya cid kasta oo uu si san u taabanayay.

Iyada oo waxaas tacab ah la galay weli fari kama qodna ujeeddadii la lahaa, geeddi u dhigma hayaanka hadda rarkiisa la furayo ayaa ay tahay in weysada loo biyaysto.

Falalka dhiman waxa ka mid ah:
1. In la kala hufo shaqaalaha dhabta ah iyo kuwa dhalanteedka ah
2. In qof kasta loo dhiibo shaqo ku habboon aqoonta uu leeyahay
3. In shaqaalaha xad-dhaafka ah ee meelaha qaarkood ku qoran loo wareejiyo meelaha qabta shaqooyinka muhiimka ah ee ay adeegayaasha qaranku ku yar yihiin
4. In la kobciyo waxbarashada, tayada iyo waayo-aragnimada shaqaalaha dawladda
5. In tallaabo laga qaado cid kasta oo gef ku samaysay shaqaalennimada, sida dadka magacooda lagu arko meelaha kala geddisan.

Ugu dambayntii waxa aan si kal iyo laab ah u bogaadinayaa qof kasta oo kaalin ku lahaa hirgelinta himiladaas weyn. Si gaar ah waxa xurmadeeda leh Guddoomiyaha Haayadda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Md Sharmaarke Axmed Muxumed (Sharmake Geelle) iyo Ku-xigeenkiisa Md Cabdikariin Maxamed Xaaji Cali.

Lama ahayn dalxiis, waxa loo guclaynayay gudashada waajib baaxaddiisa leh. Haddii aan la toosin qalloocyadii la arkay, haddii aan dhexda loo xidhan qabyooyinka indhaha la soo saaray, haddii aan gufayn wixii daloolo ah, waxa uu qorshe-hawleedkaasi noqonayaa hal bacaad lagu lisay. Waxa la sugayn lahaaba waa rumaynta higsigii iyo himiladii laga lahaa tira-koobka shaqaalaha dawladda Somaliland.

"Jirka deyrta hooriyo
Dirirrada gu’gii baan
Dunida u sinnaynoo
Cadi dooja mooyee
Wax kaloo rag deeqoo
Dadka lagaga eed-baxo
Qof u doonay heli waa” Dabataxan, Marxuun Gaarriye, 1997kii.
Walaalkiin
Siciid Maxamuud Gahayr
Hargeysa


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured