Fariintii Sarbeebta Ahayd ee Madaxweyne Muuse Biixi Guusha Dabadeed Yidhi " Fartayda Eedayeeybaa Iman doonta" oo Gobolka Saaxil Kaalinta koowaad ka galay....Saaxil oo wayday Lix Xil wax Usoo Kordha Iska Daayo....

0
Tuesday April 03, 2018 - 02:24:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2024
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fariintii Sarbeebta Ahayd ee Madaxweyne Muuse Biixi Guusha Dabadeed Yidhi " Fartayda Eedayeeybaa Iman doonta" oo Gobolka Saaxil Kaalinta koowaad ka galay....Saaxil oo wayday Lix Xil wax Usoo Kordha Iska Daayo....

    Fariintii Sarbeebta Ahayd ee Madaxweyne Muuse Biixi Guusha Dabadeed Yidhi " Fartayda Eedayeeybaa Iman doonta" oo Gobolka Saaxil Kaalinta koowaad ka galay....Saaxil oo wayday Lix Xil wax Usoo Kordha Iska Daayo....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fariintii Sarbeebta Ahayd ee Madaxweyne Muuse Biixi Guusha Dabadeed Yidhi " Fartayda Eedayeeybaa Iman doonta" oo Gobolka Saaxil Kaalinta koowaad ka galay....Saaxil oo wayday Lix Xil wax Usoo Kordha Iska Daayo....
Hargeysa(Xogreebnews)-Tan iyo intii Nidaamka Dimuquraadiyaddu si toosa uga hana qaaday dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxay Xisbiyadu taageero ka kala haysteen gobolada dalka, iyadoo xisbi kastaaba uu lahaa gobolo gaar ugu xidhan oo laga taageero, isla markaana markay doorashada gaadho codadka ugu badan uu ka heli jiray gobolkaas.
Tusaale ahaan Xisbigii Udub ee Aabaha u ahaa hirgelinta nidaamka Dimuquraadiyaddu waxa uu haystay taageerada afar gobol oo kamid lixda gobol ee Somaliland, isagoo labada kalena ka geli jiray kaalinta labaad, afartaas gobol waxay kala ahaayeen Saaxil, Awdal, Sanaag iyo Sool, sidoo kale Xisbiga Kulmiye waxa uu isna lahaa oo u xidhnaan jirtay laba gobol oo u ka haystay taageero xoogan, isla markaana mar walbaa kaalinta koowad ka geli jiray, labada Kulmiye haystay waxay kala ahaayeen Maroodi jeex iyo Togdheer. Halka xisbiga sadexaad aanu weligii gobol ka gelin kaalinta koowaad iyo labaad toona.
Haddaba shaxdaas hore ee taageeradda Xisbiyada gobolada waxay isbedeshay Doorashadii 13-kii Novomber ka dhacday Somaliland ee Madaxtooyadda, waxana Kulmiye lagaga adkaaday gobol uu weligii geli jiray kaalinta koowad, sidoo kale waxa uu hantiyey oo u Codad aad u badan ka helay gobolo hor leh. Tusaale ahaan gobolka Togdheer waxa taarikhda Somaliland markii ugu horaysay laga muquuniyey Cududii xooganayd ee u ka haystay Togdheer, iyadoo uu kaalinta koowaad galay Xisbiga Waddani, kulmiyena galay taa labaad, sidoo kale Waxa taarikhda tartanka Xisbiyadda markii ugu horaysay Kulmiye hantiyey Gobolka Saaxil oo aanu weligii hore uga gelin kaalinta koowaad, waxa kaloo xusid mudan in gobalka Awdal faro cididood lagag qaaday Kulmiye oo Wadani helay, haseyeeshee Cod aad u badan uu ka helay.
Halka gobolkii maroodi jeexna uu Kulmiye sii laba jibaartay taageeradii uu ka haystay, Sanaagna sidii dhinac uga ahayd, sidoo kalena Sool Kulmiye hantiyey waqtigii dhowaa.
Haddaba su'aasha Iswaydiinta mudan, ayaa waxay tahay Goboladii Kulmiye taageerada cusub uu ka helay maka macaasheen isbedelkii ay qaybta ka ahaayeen?. Waxaynu gaar ahaan qormadan koowaad u dul istaagi doonaa Kulmiye iyo Saaxil.
Saaxil iyadoo doorkii aan la arag ka ciyaartay Guushii Kulmiye ee sanaadkii tagay, haddana taageeradaasi waxay u horseeday in la duudsiyo oo ay waayan xuquuqdoodii iyo saamigii ay haysteen amaba u qalmeen, gobolka Saaxil waxa uu waayey lix mansab oo ay ka haysteen Xukuumadii tan ka horeysay, iska daa wax usoo kordhee waxay waayeen wajiyo cusub iyo saamigoodii, halka gobolka maroodi jeex uu sii laba jibbaartay saamigii uu lahaa iyo badh lagu daray oo hor leh.
La soco.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured