Bah-weynta Beelaha Hoodaale oo Toronto ku Caleemo Saaray Suldaan Mahdi Muxumed Nuur

0
Sunday April 01, 2018 - 04:57:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2174
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Bah-weynta Beelaha Hoodaale oo Toronto ku Caleemo Saaray Suldaan Mahdi Muxumed Nuur

    Bah-weynta Beelaha Hoodaale oo Toronto ku Caleemo Saaray Suldaan Mahdi Muxumed Nuur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bah-weynta Beelaha Hoodaale oo Toronto ku Caleemo Saaray Suldaan Mahdi Muxumed Nuur

Toronto(Xogreebnews)-Munaasibad Balaadhan oo 31-kii Bishii 3aad (Habeen hore) ay isugu yimaadeen Bah-weynta Beelaha Hoodaale ee ku dhaqan Toronto, ayaa lagu caleemo saaray Suldaanka Bah-weynta Hoodaale Suldaan Mahdi Muxumed Nuur oo noqon doona Suldaanka beelahaas.

Munaasibadda Caleemo Saarka Suldaanka Bah-weynta Beelaha Hoodaale, ayaa waxa kasoo qaybgalayWax-garaad, Siyaasiyiin, Aqoonyahan, dhalinyaro iyo Haween tiro badan, kuwasoo Toronto ku boqray Suldaanka Bah-weynta Beelaha Hoodaale Suldaan Mahdi Muxumed Nuur, oo ah waxgaraad Biyo-ma daadshe ah oo si weyn uga qayb-qaata middeynta qaybaha Bulshada Somaliland, isla markaana caanku ah samo-talisnimo.

Caleemo Saarkii Suldaanka Bahweynta Hoodaale, ayaa waxa ka hadlay Waxgaraadkii kasoo shaqeeyey caleemo-saarka, iyo sidoo kale shaqsiyaadkii tiro badan oo kasoo jeedda Beelaha Hoodaale, kuwasoo dhamaantood ku dheeraaday xulushadooda Suldaanka cusub ee Bulshadda Hoodaale, waxanay dhamaan dadkii goobtaa ka hadlay ku dheeraadeen in Suldaankan Cusubi noqon doono mid ay kalsooni badan ku qabaan inuu dabooli doono baahiyaad badan oo ay qabeen bah-weynta Beelaha Hoodaale, sidoo kale waxay Ilahay Uga baryeen inuu ku asturo xilka culus ee loo Igmadday.

Siyaasiyiintii doorka ku lahaa caleemo saarka Suldaan Mahdi Muxumed Nuur, ee bulshada Hoodaale, waxa kamid ahaa Siyaasi Sayid Cabdikariin Al-isaxaaqi, oo ah Siyaasi Ruug-cadaaya, isla markaana saameyn badan ku leh dalka gudihiisa iyo dibediisaba, gaar ahaana Toronto iyo nawaaxigeeda. Docda kale Siyaasiyiintii miisaanka Culus lahaa ee goobtaa ku sugnaa waxa kamid ah Siyaasiga caanka ah ee Axmed Cali Sabeyso oo kamid ah Odayaasha Nusdambeedka Xisbiga Kulmiye ee North America, isla markaana ah shaqsi il dheer oo doorweynka ciyaaray oloolihii doorashadii ka dhacday Somaliland 23-kii Novomber sannaadkii 2017-kii.

Gabo-gabadii Munaasibadaas waxa ka hadlay Suldaanka Cusub ee bah-weyn Beelaha Hoodaale ku midoobeen Suldaan Mahdi Muxumed Nuur, oo u mahad celiyey qaybaha bulshada ee Caleemo saartay, isla markaana waqtigoodii siiyey sidii ay uga qayb-qaadan lahayeen caleemo saarkiisa, sidoo kale waxa uu Suldaanka Cusub Suldaan Mahdi Muxumed Nuur uu Ilahay ka baryey inuu ku asturo xilka culus ee loo igmadday, isaggoo bulshada Belaha Hoodaale-na ka Codsaday inay gacanka siiyaan shaqada loo doortay oo aanay halkaas kaga hadhin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured