Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo Saddexdii Todobaad ee u Dambeeyey ku Mashquulay Shirar Beeleedyo uu Beeshiisa la lahaa, Kaddib Markii uu ku Fashilmay Shaqadii Maaliyadda ee Loo Diray+ Fadeexado Is-barkan oo Hadheeyey Iyo Cabsida uu ka Qabo In Seefta Xilka qaadistu la Tagto oo Hurdada u Diiday…

0
Sunday April 01, 2018 - 04:55:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo Saddexdii Todobaad ee u Dambeeyey ku Mashquulay Shirar Beeleedyo uu Beeshiisa la lahaa, Kaddib Markii uu ku Fashilmay Shaqadii Maaliyadda ee Loo Diray+ Fadeexado Is-barkan oo Hadheeyey Iyo Cabsida uu ka Qabo In Seefta Xilka qaadistu la Tagto oo Hurdada u Diiday…

    Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo Saddexdii Todobaad ee u Dambeeyey ku Mashquulay Shirar Beeleedyo uu Beeshiisa la lahaa, Kaddib Markii uu ku Fashilmay Shaqadii Maaliyadda ee Loo Diray+ Fadeexado Is-barkan oo Hadheeyey Iyo Cabs

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo Saddexdii Todobaad ee u Dambeeyey ku Mashquulay Shirar Beeleedyo uu Beeshiisa la lahaa, Kaddib Markii uu ku Fashilmay Shaqadii Maaliyadda ee Loo Diray+ Fadeexado Is-barkan oo Hadheeyey Iyo Cabsida uu ka Qabo In Seefta Xilka qaadistu la Tagto oo Hurdada u Diiday…

Hargeysa(Xogreebnews)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md. Yuusuf Maxamed Cabdi Raage, ayaa saddexdii todobaad ee u dambeeyey si weyn ugu mashquulsanaa shirar Beeleedyo uu la qaadanaayey Beesha uu kasoo jeeddo.

Ilo wareedyo u dhuun-daloola dhaq-dhaqaaqyada Wasiirka Maaliyadda Somaliland ee Xukuumadan Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa shaaca ka qaadday in Wasiirku kulamo is-daba joog ah la qaadanaayey Beeshiisa guud (Garxajis) shirar doceedyo, kuwasoo la sheegay inuu kaga dalbanaayey in lagu sii hayo Kursiga uu fadhiyo ee Maaliyadda, isla markaana lagala shaqeeyo dagaal uu damacsan yahay inuu kaga hortago xilka qaadis laga yaabo inuu Madaxweyne Muuse Biixi ku bedelo.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md. Yusuuf Maxamed, ayaa gooni-gooni ula kulmay dhalinyarada, aqoonyahanka, odayaasha, sallaadinta Beeshiisa iyo Saraakiisha Ciidamada iyo Siyaasiyiinta kale ee ay Xukuumadda ka wada tirsan yihiin ee ay isku beesha yihiin, kuwasoo uu ka codsaday in lala badbaadiyo kursigaas. Wasiirka ayaa beeshiisa la sheegay inuu u sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Kursiga Wasaaradda Maaliyadda la damacsan yahay shaqsi kasoo jeedda bariga Burco, sidaas daraadeedna uu wadnaha farta ku hayo in seeftu qaadato.

Wararka ayaa intaa ku daray in tallaabooyinkan Beeleysan ee Wasiirka Maaliyadda Somaliland ka dambaysay kaddib markii sida la sheegay fadeexado faashil maamul ah ay hadheeyeen shaqadiisii, isla markaana uu tahli kari waayey inuu soo sameeyo Miisaaniyad sanadeed ka turjumeysa Xukuumadan cusub, oo u kasban kari waayey golaha wasiiradda iyo madaxweynaha inuu ku qanciyo miisaaniyadda 2018-ka , hase-yeeshee intaa golaha wasiiraddu celiyeen uu xil ka gaadhay Madaxweyne Biixi iyo waxka bedel iyo kaabis ku sameeyey, sidoo kale fadeexadaha faashilkiisa shaqo ee Wasiirka Maaliyadda ayaa lagu sheegay inay kamid tahay Sixir-bararka wasaaradda Maaliyaddu waxba ka qaban kari wayday iyo arrimo kale oo badan, kuwasoo wararku tibaaxeen inuu ku haftay guud ahaanba shaqadii wasaaradda Maaliyadda Somaliland. Xoggaha kale ee la xidhiidha faashilka shaqo ee wasiirka Maaliyadda, ayaa waxa kamid ah in aanu lahayn khibrad dhaqaale iyo mid maamul toona markii horeba wasiirka Maaliyaddu, hase-yeeshee madaxweynuhuu ka filaayey inuu leeyahay khibrad shaqo. La soco qaybaha dambe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured