Wiil Dhallinyaro ah oo Qaab asluubaysan ula Gar dhigtay Wasiir Guri barwaaqihii Buugiisa Ku Aflagaadeeyay Hablaha Somaliland Iyo Xujooyin uu Hor dhigay dadka Difaacaya Khaladka Wasiirka

0
Sunday April 01, 2018 - 03:27:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1808
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil Dhallinyaro ah oo Qaab asluubaysan ula Gar dhigtay Wasiir Guri barwaaqihii Buugiisa Ku Aflagaadeeyay Hablaha Somaliland Iyo Xujooyin uu Hor dhigay dadka Difaacaya Khaladka Wasiirka

    Wiil Dhallinyaro ah oo Qaab asluubaysan ula Gar dhigtay Wasiir Guri barwaaqihii Buugiisa Ku Aflagaadeeyay Hablaha Somaliland Iyo Xujooyin uu Hor dhigay dadka Difaacaya Khaladka Wasiirka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wiil Dhallinyaro ah oo Qaab asluubaysan ula Gar dhigtay Wasiir Guri barwaaqihii Buugiisa Ku Aflagaadeeyay Hablaha Somaliland Iyo Xujooyin uu Hor dhigay dadka Difaacaya Khaladka Wasiirka

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaaladda hargaysa ayaa si xigmadi ku jirto u qaadaa dhigay khilaafka ka dhashay buug uu qoray Wasiir guri barwaaqaha warfaafinta kaas oo ay xoog u dhibsadeen haweenka beesha ciidagale oo sheegay inuu meel kaga dhacay sharaftii hablaha beeshaasi leeyihiin.

Xasan Cabdiqaadir Galaydh ayaa qoraal dheer oo garnaqsi iyo sixid ah waxa uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Shabakada xidhiidhka bulshada ee Facebook taas oo u dhignayd sidan:-

Buugga Sooyaal: Ina Cabdile Xasan ma Sheekh buu ah mise ..... ? Wuxuu ahaa buuggii aan ugu jeclaa buuggaagta soomaliga ku qoran maalin taan soo iibsanaayey waxaan hayey lacag aan ugu talla gallay inaanu ku iibsado buuggaagta jaamacadda laakiin waxaan ka hor mariyey buuggan kuwii jaamacaddana dib ayaan ka iibsaday , xamaasaddii aan u hayey awgeed waxaan ku akhriyey habbeen qudha.

Sababta oo ah wuxuu ka hadlaayey muwduuc aan aad u xiisaynaayey. illaa maalintii aan ka baxay dugsiga hoose ee aanu u gudbay dugsiga sare waxaan xiisayn jirray taariikhda Ina Cabdile Xasan. Deeggaankii aan ku noolaaa oo ahyd Hargaysa dadka caamada ah iyo kuwa aan wax badan dhaamini way iska kala dhacsanaayeen taariikhda Ina Cabdile Xasan haddana wax xog ah kama hayaan oo waxay ku garaadsadeen uun iyadoo Ina Cabdile Xasan la amaanaayo badi na waxay dhasheen ama gaashaan qaad noqdeen wakhtigii uu Kacaankii Siyaad Barre dalka xukumaayey laakiin dadka Indheer garadka ahi lama qabaan caamada amaantan mutaxan oo waxay hayaan dhaliilo badan oo Ina Cabdile Xasan lahaa , waxay si cad kuugu sheegayaan in taariikhda Sayidka la afduubay oo la marin habaabiyey si gaar ahna loogu daneystay , ummaddana si jujuub ah loo galiyey , waxay ku taabsiinayaan waxayaabo badan oo ka qaldan taariikhii Sayidka ee l qoray wakhtigii Kacaankii Maxamed S Bare.

Aragtida kooxdan aqoonyahanka ahi waxay ahyd mid maankayga gashay dabadeed qolladan ayaan la qabsadey una noqday Arday dhago fudud. Waxaan BBC da kala socon jirray Barnaamij uu Idajaa soo saarijirray oo uu kaga haddali jirray Sugaanta iyo dhaqanka. Axmed Faarax Idajaa wuxuu ahaa qofka labbaad ee ay macallimiintaydu ku eeddayn jireen taariikhda dhinaca ka raran ee Kacaanku maalgaliyey siddaa daradeed waan u fiirsan jirray. Idajaa inta qof la amaano iyo dheerraad ba wuu aamani jirray Sayidka iyo Daraawiish , labbadii barnaamij ba mid buu ku jirraa magaciisu iyo gabaygiisu , waxaan aad ula yaabi jirray erayda xagjirnimada ah ee ku sifan jirray soomalidii mucaaradsanyd Daraawiish ta eraydaas waxaa ka mid ahaa Tolkii gaalada raacay , Ingriis iyo caawankiisa .

Siddoo kale waxaan la socon jirray barnaamijyo taxane aha oo TVga Jabuuti ( RTD ) ka socon jirray oo lagaga sheekayn jirray taariikhda Sayidka , waa barnaajimkii TIX-MAAL oo ay marti ku yahiin AHN Aw Jaamac Cumar Ciise , Yam Yam iyo Idaajaa oo wadda daran doorrin jirray Isla beryahaas waxaan isna hellay buugga "Diwaanka Gabayada Ina Cabdille Xasan" oo uu qoray AHN Aw Jaamac C Ciise.

Nasiib darro buugga "Sooyaal" si fudud ayuu gacantayda uga baxay dhowr jeer oo dambe oo aan raadiyey maan hellin , waxaaba u dambaysay maalmahii olalaha doorashadu socday ayaan waydiiyey RED SEA oo aan ka waayey isaga iyo buugga " Deelleey: Saadaal rumowday". Haddaba aan ku soo dhowaado sidduu berigaas iigu muuqday gabaygii buugga ku qornaa ee dareenka dhaliyey. Runtii annigu wax dareen diiddmo ah kamaan qabin in gabayadaasi ku qornaayeen buugga cididaa in leeg na dhahoo , seddax sababood awgood.

1. Ugu horeyn gabayadu may ahyn kuwa igu cusub dhammaantood , kan sida gaarka ah la iskugu qabsadayna hore ayaan sheekadiisa u maqlay kuwa kalna waxaan ka akhriyey buugga " Hadimadii Gumeysiga" cutubkiisa 5aad oo ka hadlaayey Is barbardhiga labbada Maxamed waa Siyaad iyo Sayidkee , W/Q AHN Oromo.

Dhinaca kale akhriskooda iyo halka ay buugga ka jirraan ba macno weyn iiguma fadhiyan oo waxaan aad ula dhacsanaa mowduuca guud ee buuggu gudbinaayo oo ahaa ku aan aad ugu xiiso qabay aaminsanaa kuna doodi jirray.

2. Shaqsiyan wax macno ah iima sameeyan guud ahaan ba gabaydii qabiil weererka ahaa ee beryaha hore la tiriyey oo waxaan u aqaanaa niman iska hadlayaal ahaa mana aaminsani in gabaygoodu wax saaman ah ku leeyahiin hab nolaleedka maalin laha ee bulshada haddii laga tagi waayo in kaftan uun lagu koobo welliba ciddii isku calalool fayow ee isla taqaana. Dhinac kale haddii aan xataa in yar oo dareen ah ka qabo gabayga buugga ku qoran kollay ba annigu kama hadleen oo Illaahay amarkii waa necebahay dacwadda xataa haddii layga gardaran yahay , waxaan ka jeclahay in aan iska cafiyo oo sida badan ah amba inta aan waayahayga laabta ku haysto oo jaanis la eegto. Dabadeed hadduu hore guri yar igu soo dumiyey anna aan dabaq dhan ku soo dumiyo si uu isagu u soo dacwoodo intaan annigu dacwoon lahaa.

3. Xasan ahaan waxaanu isku beel hoose nahay Gabayaa Cabdi Gahayr. Waxaan ku garaadsaday iyadoo ninkaas gabaygiisa laga cabanaayo oo dad badani aanay jeclayn .

Runtii Annigu laftaydu waa necbaa maqalka gabayo lagu duraayo qabiilo oo ummaddu isku nacayso welliba waxaan madluun ka ahaa maqalkooda kuwa uu tiriyey beelaha deggan magaalada Hargaysa , waxaan u arkaayey kuwa wax manfaca laga dheefin sheegistooda aakhiro iyo adduunba , dadkuna aanay raali ka ahyn wallow ay ahaayeen taariikh dhab ah oo inna soo martey. Marmar badan waxaad la kulmaysaa qof si dhab ah kuugu jiidh diiddaya in ninkaa qarnigii hore noolaa aad isku beel tahiin. tani waxay i dhaxalsiisay in aan noqdo qof far ku gabad ah oo sheekada ka hadha markuu hasaawaho soo gaadho gabaydii C/gahayr ka faalloodkooda.

Waxaan soo baadhay in reer walba oo uu Cabdi Gahayr gabay ku maagay ay u soo jawaabeen oo ay welliba si ka xun gabaygiisii ugu soo jawaabeen. Waxaan is waydiiyaa niyow ninka reer waliba wuu iska celiyee maxaa laga sii wada wadaa gabaygiisa ee loo sheegi waayey gabayadii loogu jawaabay si loogu qanco oo loogu bogsado. Bal aan tuducyo kale duwan ka xuso gabayda loogu jawaabay C/Gahayr iyo tolkiiba. Cumar Usteeraliya "abidkiinba kuma hiil baxdaan halaca maadhiine". Hurre Badhetuug "Malaa idinku kiinnii qudh-baxa waabad qalataane". Cige Aw Cali "Qasab waxaan ku yeelsiiin karaa qaada buuraha". Dallaayad "Anigoo Banyare jooga, baan kaa biyey jiraye". Timacadde " Hadduu Garowgu ceeb yahay maxaad nooga gadateen ?".

Cabdi Gahayr waxba kagama duwaneyn gabayaaga kale soomaliyeed iyo ummaddii casrigaa noolayd , aan ahyn innuu ahaa nin Daalacan dhashay oo warkiisu meel fog gaadho.

Haddaba aan u soo noqdo mowduuca ee mar haddii dareen ahaan aan ahaa qofkaa aan qoraalka ku sawiray , suurtagal ma ahyn in aan ka hadlo gabaygan oo aan ka cowdo xataa haddii uu i gallay wax dareen diidmo ahi. Malahayga waa sababta aanay murankan ugu hadlin haldoorka Ciidagale ee ay dhabarka u sii jeediyeen , waxay u muuqata innuu nin weliba gartiisa sii akhrisday oo waano iyo wax hala wada toosiyo mooyee haddii la is qabto oo gar cadaaw la qaado waxay ka baqeen in deyn loo raacdo iyagii soo dacwad tagey.

Intanan ka baxin sheekada Cabdi Gahayr aan kaftan yar raacsadee , siddaan hore u sheegay ma jecli gabayada uu Cabdi Gahayr ku weeraro beelaha Hargaysa degan laakiin waxaan uruuriyaa ilaa maanta kuwa uu tiriyey jufada Cabdi Ciise , beesha HY iyo Ogaadeen , hadda H/yoonis ta aan ka hadlaaya kuma jirraan nimankaa Isaxaaq Carre ee aanu walaal nahay isku reer Hargaysa ah.

Haddii aan u soo daadago qaabka ay buugga ugu qoran yahiin gabayadu iyo waxa aan Guri-barwaaqo hadda ku diiddanahay iyo wax aan ugu garaabayo ba.

Horta 4 sanno ka hor ayaa iigu dambaysay buuggan akhirskiisa markaa xasusuustayda iyo siddii aan berigaa u fahmay ayaan arinka ugu hadli doonaa. Sooyaal waa buugga ka hadlaaya qaybtii aan wanaagsaneyn taariikhda Sayidka oo awal aynu maqli jirray amaantiisa oo qudha dadkana laga qariyey khaladaadkiisii , markaa isagoo qoraagu daba socda ciwaanka buugga ee ah " Ina Cabdile Xasan ma Sheekh buu ahaa mise ..." wuxuu soo bandhigayaa dhacdooyin uu ku kacay Sayidku oo aan ka suurtagal ahyn innuu qof Sheekh ahi ku kaco , dhacdooyinkaas waxaa ka mid ah gabayo fool xun oo uu Sayidku u tiriyey haween dhowr ah. Qoraaga buuggu wuxuu uga jeedaa innuu akhristaha si dadban ugu yidhaahdo " kani ma yahay dhaqan Sheekh lagu yaqaaney ?". wuxuu barbardhigayaa rag kale oo gabay noocaas ah u tiriyey haween kale , wuxu xusayaa in ay kala duwan yahiin sidda laga yeellay caydii Sayidka iyo tii ragga kale oo qaarna lagu foogeeyey gabayadooda xumaa awgeed halka Sayidkani aan waxba loo raacin.

Guri-barwaaqo wuxuu sheegay innuu gabayadaa Sayidku u tiriyey dumarka ka soo xigtay buuggaag ay qoreen AHN Yaasiin Cismaan Kanadiid iyo Aw Jaamac Cumar Ciise oo ahaa afhayeennada idman ee maanta Ina Cabdile Xasan. Intaanba waan ugu garaabay Guri-barwaaqo laakiin halkan ayaan ku haystaa oo ah isla gabayga dhaliyey muranka gaadhay Shir guddoonka Gollaha Wakiilada ka dib markii aan xog cusub hellay oo anan hore u hayn.

Xaasha !! hiil uma ihi hablahayga ka gadooday gabayga. Xaqa bay iigu leeyahiin in aan u hiiliyo laakiin nacasnimo na ha igu ahaatee annigu maanta hiil ma ihi ee Guri-barwaaqo ayaan aqoontayda iyo garashadayda itaalkay kula gar naqsanayaa. Illaahyow eexna ha naga tagin aqoon daran ha nagu cadaabin.

Ugu horreyn aan af buuxa ku idhaahdo " Gabaygani ma aha mid jirra" sababto oo ah ninkii gabayga loo tirinaayey oo ahaa Xaaji Guulleed Dhoola yare isaga oo nool oo xay ah ayuu iska baraxay eeda gabaygan oo meel iskaga tiiriyey oo waana lagu kala farxashay arrintan. Haddaba waxaa is waydiin muddan sababta uu Guri-barwaaqo buuggiisa ugu qoray gabay aanu jirritaankaasu sugnayn ? Waxaa kaloo is waydiin leh sababta uu nabaayo ee uu ugu been abuuranaayo marxuunka berri hore dhintay ee isaga oo nool iska baraxay wixii lagu tuhmay ? Haddii uu Guri-barwaaqo qirsanyahay in gabaygan la xayriyey oo aanu ahayn kii saxda ahaa maxay xeerarka qoraalka ugu dhigan tahay in qoraal rasmi ah oo welliba xasaasi ah loo adeegsado wax aad adigu qirsantahay in aanu sax ahayn oo uu yahay suuqdi? .

La waayi maayo gabay uu tiriyey qof aan xilkas ahyn ambaba gabay suuqdi ah oo lagu aflaagadeynaayo hablaha sharafta muddan ee ay Guri-barwaaqo isku deegaan ka soo jeedaan ee talow iyagana muxuu ugu hiilin waayey oo gabaydaa buugga ugu soo qori waayey ? Illeen isagaa innoo sheegay in sababta uu gabaygan xun buugga ugu qoray ka ahayd hablo u hiilan ee aanay

ka ahayn hablo xumayn . Ciyaarta maxaa habbeenkii loo tumaa haddaanay xeeladi ku jirrin ayuu yidhi ninkii jirray. Waar bal su'aalaha hala waydiiyo Wasiirka oo waxuu kaga jawaabo ha la eego. Ilyaas Cartow indr waa adigii budhka sitay ee sidda adag u difaacayey wasiirkii , bal dhowrka noo soo waydii oo hanaga qanciyo annaga ba difaacayee.

Haddaba intaanan qoraalka ku soo gabagabeyn tallada aan u jeedinaayo Wasiirka aan eray ka yidhaahdo dhibaatada haysta Guri-barwaaqo. Dhamaanba qorayaasha Soomaliyeed markay ka faalloonayaan arimaha dhaqan dhaqaale ee masiiriga u ah qoomiyadda Soomalida mid welliba waxa ka eega sidda arrinka looga arko deeggaanka uu ka soo jeedo tusaalahaan sidda looga arko deeggaannada beesha daarood , Ciise , Raxanweyn , Samaroon , Isaaq , Hawiye iyo beelaha kala ba waxay kaliya ku kale duwan yahiin asluubka loo dhigo qoraalka. way adag tahay innaad aragto qoraa si dhexdhexaad ilaa heer ah uga hadlaayo arimo lagu kala fikir duwan yahay sidda taariikhda Daraawiish ta oo kale.

Haddaba C/raxmaan Faarax Guri-barwaaqo wuxuu ka mid yahay qorayaasha heerka koobaad ee welliba si dhiiran ugu faallooda arimaha lagu muransan yahay laakiin wuxuu kaga duwan yahay asxaabta ay qoraalka ku loolamaan booska uu ka istaago amba cidda uu afkooda Ku hadlaayo ragga kale xagga sare kama soo deggaan oo hoos wax uma soo fiirayaan laakiin Guri-barwaaqo maalin ba meel ayuu ka dagaal gallayaa , maalin waa nin Isaaq ah oo wuxuu la xiiqsan yahay doorkii Muuse Galaal Ku lahaa qorista AF Soomaliga mar waa Awal-lay sanyahay ama heer ka hoosaysa waa kaa welli dul jooga xabaashii marxuun Gaariye , Oo waynu wadda oggnahay dagaal kii uu ka gallay Murankii Miisanka Maansada siddii geelloodii la qaaday. Siddaa daradeed Qoraa C/raxmaan Guri-barwaaqo isagoo rabo innuu jilabka u aasto qammaamurta waaweyn sidda Axmed Faarax Idaajaa ayaabu ku sii dhex dhimanayaa dagaalku uu gondihiisa ka kiciyey ee ay Isaaq iskaga hor imanayaan , Guri-barwaaqo iskuma waddi karo labbadaas dagaal ee mid uun haw badheedho oo ragga ha kala hambaysto. Guntii iyo gabagabadii waxaan qoraa Guri barwaaqo kula talin lahaa seddexdan qodob.

- inuu shuruud la'aan ugu saaro gabaygan buugga sababta ah maha gabay uu sugan yahay jiritaankiisu siddoo kale waa gabay taabanayaa magac qabiil halka kuwa kale ee buugga ku jirraa ay kooban yahiin ashkhaas ayna yahiin kuwa jirra oo tixraac leh.

- Innuu raaligaliin iyo xaalba siiyo qoyska reer Xaaji Guuleed ee ku gafey isagoo wiilkoodii ah.

- inuu si caam ah u raaligaliyo Hablaha Ciidagale una muujiyo innuu khaldamay.

FG: Haddii Wasiir Guri-barwaaqo ku adkaysto go'aankiisi hore maalin aan dheerayn waxaa la arki doona in qof aan xilkas ahayn intuu xayiro maansooyinkii AHN Gaariye oo ku badello maanso lagu aflaagadaynaayo isla hablaha beelaha reer Somalilaan in mid kale na si aan hubsiimo lahyn uu buug u qorto oo uu yidhaahdo" waxaa maansadan laga soo dheegay tu Gaariye laha". Dabadeed xaalku noqodo maanso la xayiraa , maanso la xayiro leedahay , Marxuum la xayiraana Murxuum la xayiruu leeyahay. AHN oo jannooyinkiis waasaca ha siiyo Xaaji Guuleed iyo Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye oo ahaa laba halgamaa oo ummaddan tacab badan gashaday.

FG: intii muranka gabaygani soo shaac baxay waxaynu ka baraney arrin cusub oo ah innaan marnaba tolnimada lagu kala hadhin xataa haddii ay gaadho meellahii lama taabtaanka innoo ahaa ee ina middaynaayey sidda Haween keenna qaaliga ah oo kale.

Waxaa yaab ah in Guri-barwaaqo si tollnimo leh loo difaacay oo illaa maanta la la'yahya ciddi garowdo oo arimaha isku soo dhaweysa xaalku walalaheen wuxuu ka noqday " Nafta dooji mooyee xarrago laga dawaaree" iyaba waa taariikh qorantay. Siddoo kale aan jawaab siiyo inamadii foolxumada dhacday ku xalaalaysanayey: buugga waxaa la qoray 6 sanno ka hor ee maxaa loo arki waayey ama looga hadli waayey wakhtigaas ?. ‘’Walaal ummadda waxay ku mashquul saneyd mowduuca guud ee buuggu gudbinaayo oo cidna hoos umay eegin xaashi yar oo wax lagu hoos qariyey iyadoo lagu kalsoonaa qoraaga buugga , cidba kamay filan innuu gabay been abuur ah u adeegsado qoraal gaadhsiinan heer buug laakiin tuugga maalinta la qabto ayuun baa lala xisaabtamaa cidna kama dhagaysto waxaan wax xaday 6 sanno ka hor ee maxaa maanta lay haystaa ?.

Wabillah Tawfiiq

Waxaa Qoray Hassan Abdiqaadir Garnayl

https://www.facebook.com/hassan.abdiqaadir/posts/1800718099992223




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured