Gardarada ıyo Gefka Joogtada ah Halaga Daayo Telesom

0
Friday March 30, 2018 - 20:03:40 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1619
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gardarada ıyo Gefka Joogtada ah Halaga Daayo Telesom

    Haddaba dhamaan bulshadii shirkadda ka cabanaysay qof keli ah oo ka cabanaya tayada adeegga Telesom, maan arag qof si caddaalad ah u axadhaya xumaan iyo samaan midka Telesom soo kordhisay. Dhammaan dadkii aan arkay waxa ay si xilkasnimo darro ah u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddaba dhamaan bulshadii shirkadda ka cabanaysay qof keli ah oo ka cabanaya tayada adeegga Telesom, maan arag qof si caddaalad ah u axadhaya xumaan iyo samaan midka Telesom soo kordhisay. Dhammaan dadkii aan arkay waxa ay si xilkasnimo darro ah ugu hadaaqayeen Telesom waa dhiig miirato!! mana arag qof leh anaa dhibbane u ah. Arrinkaasi waxa uu ceeb ku yahay is aaminaadda umadda.
Aqalkaaga hortii ood weyn baa la dhigtaa 
Hadalkaaga hortiina afeef baa la dhigtaa.
Kama mid ahi shaqaale weynaha Shirkadda Telesom, kumana qabo gunno gaar ah. Keliya waxa aan ka mid ahay shacabka macmiisha u ah Telesom. Halkanna waxa aan ku cabbirayaa fikirkayga shakhsiga ah oo aanan cidnnaba wakiil kaga ahayn. 


Dharaarahan waxa baraha bulshadu isku aragto lagu naqdinayay  laguna maagayay Shirkadda Telesom. Waxa aynu maqaalkan kooban si kor ka xaadis ah u dul is taagaynaa  adeegyada taban ama togan ee shirkaddaasi bixiso. Waxa kale oo aynu qormada dhexdeeda si maangal ah ugaga jawaabaynaa dhaliisha geedsare waabka ah ee loosoo jeediyay Telesom maxaa run ah ? maxaa se been ah.
Hor iyo horraanba waxa muhiim ah In aynu maanka ku haynno Telesom In ay tahay shirkad ganacsi oo faa'iido doon ah ee aanay ahayn haayad u taagan ka jawaabista baahiyaheenna tiro beelka ah. Telesom xaq looguma laha lacagta aad faa'iideen cid ku caawiya, Telesom xaq looguma laha abaaraa dhacay ee soo gurmada, Telesom xaq looguma laha qaadhaan qaran baa la ururinayaa kusoo darsada, Telesom xaq looguma laha carruurta garoomo u dhisa, Telesom xaq looguma laha iskuullo caawiya, Telesom xaq looguma laha waddooyin noo dhisa. Ugu dambaynta Telesom xaq dhaafsan adeegga ay umadda u hayaan laguma laha. 
Telesom dawladda ayaa cashuur ku yeelan karta, shacabkana dawladda ayaa ka wakiil ah oo ka masuul ah baylahdooda iyo baahidoodaba. Markan waxa aynu u baahannahay In aynu ogaanno ama baranno  cidda u qoollan dejinta maciishadeenna, ilaalinta shilinkeenna, adkaynta amnigeenna, odoroska mustaqbalkeenna iyo isku haynta umadeenna. Cidda intaaba i noo xilsaarani waa dawladeenna iyo dirawalkeeda qaranka u dhaartay. 
Cudurka kaa  gala fardaha 
Haddii laga gubo dameeraha 
Dawada lama gaadhayee..

Mushkiladda ugu waa weyn ee i na haysata ayaa ah innaga oo aan garanayn halka i na xanuunaysa ,cidda dawadeeda haysa iyo goorta aynu dawoobaynno. Si fudud waxa aynu dawoobaynnaa marka aynu ogaanno halka i na xanuunaysa iyo halka dawadeennu taallo. Waan qalin taraaraye aan u soo noqdo mawduuceenna:

Waxa wacan inta aynaan cid xajiimayn Cidna dhiig miirato ku sheegin in ay doodaheennu aqoon ku salaysnaadaan islla markaana caddaaladi sal u noqoto.  Telesom haddii aynu ablla abllaynno maxaynu xaq ugu leennahay ka shacab ahaan? Si fudud waa In ay ilaaliyaan hantideenna islla markaana ay diyaar ahaataa mar kasta oo aynu u baahanno. Telesom waxa aynu xaq ugu leennahay In ay isu miisaanaadaan lacagta ay i naga qaadeen iyo hawsha ay i noo qabteen. Ugu dambayn waxa aynu xaq u leennahay In aynu kula gorgoratanno adeegga ay i noo hayaan, In aynu dhaliilno khadka ay i naga iibiyaan, In aynu dhaliilno tayada kaadhkeeda iyo khadkiisa. Shirkaddana xaq ayaa loogu leeyahay In ay shaafido wixii tayada adeeggeeda khuseeya.

Haddaba dhamaan  bulshadii shirkadda ka cabanaysay qof keli ah oo ka cabanaya  tayada adeegga Telesom, maan arag qof si caddaalad ah u axadhaya xumaan iyo samaan  midka Telesom soo kordhisay. Dhammaan dadkii aan arkay waxa ay si xilkasnimo darro ah ugu hadaaqayeen Telesom waa dhiig miirato!! mana arag qof leh anaa dhibbane u ah. Arrinkaasi waxa uu ceeb ku yahay is aaminaadda umadda. 

Faa'iiddoyinka Telesom Dawladda iyo Shacabba ugu fadhido Waxaa ka mid ah:
1. Telesom waxa ay dalka u abuurtay shaqo abuur ballaadhan, gaar ahaan dhallinyarada.
2. Waxa ka qayb qaataan dhammaan mashaariicda khayriga ah ee waddanka ka socda.
3. Waxa ay ka jawaabaan musiibooyinka deg deggan ah dalka soo food saara.
4. Waxa dawladda soo geliyaan cashuur badan.
5. Waxa ay dawladda u fududeeyaan arrimaha amniga iyo dabagalka.
6. Waxa ay door weyn ka ka qaataan ilaalinta amnnigeenna iyo maalkeenna.
7. Waxa ay isku xidheen dhammaan gobollada dalka iyo degmooyinka. 
8. Waxa ay soo kordhiyeen adeegyo naadir ku ah dunida saddexaad 
9. Waxay keeneen adeegga Zaad oo dhammaan gobollada dalka kuu sahlaya inaad bilaash lacagtaada ku xawilato.
10. Waxa ay sahleen in debedda si sahlan lacag lagaaga soo diri karo.
11. Waxa ay door weyn ka qaataan dhiirrigelinta dhallinyarada, siiba kuwa ganacsanaya.

Kama dambaystii waxa aan qormadan gole ka fuulka kusoo af meerayaa dalku waxa uu soo galay doorasho xadaafiir iyo xan badan reebtay. Waxaana lagu kala aammin baxay arrimihii siyaasiga ahaa; sidaas oo ay tahay waxa aan shaki weyn ka qabaa nidaamkii Jeegaanta ama giraanta ee siyaasadda fasahaadiyay in uu ganacsiga galo taas oo sababi doonta In la kala ceeshi waayo. Ganacsadena reerkoodu kuma filna.
La iskama tiraaboo 
Tuhun lama maleeyee 
Tayo Telesom weeyaan.
Eng yahye awil mohamoud
Yahye.awil27@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured