Sharmaake Geelle Shamacii Shiddey Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Iyo Shaqaalihii Dawladda Oo Ku Heenseeyey Cidhifyada Bari Ee Somaliland.
Sharmaake Geelle Shamacii Shiddey Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Iyo Shaqaalihii Dawladda Oo Ku Heenseeyey Cidhifyada Bari Ee Somaliland.
Sharmaake Axmed Muxumed Geelle Dacar wuxuu noqdey shamac u iftiimay hay’adda shaqaalaha dawladda.
wuxuuna muddo kooban oo u joogay ku talaabsadey horumar baaxad leh oo guul u noqdey hay’adu oomaneyd hogaan ku haba hilinka toosan ee horumarka si ay ula jaan qaadaan hay’addaha kale ee horumarka ku talaabsadey.
guddoomiyaha hay’adda shaqaala dawladda wuxuu jeexay dariiqx ilays u noqdey shaqaala weynaha dawladda si loo sugo xuquuqda iyo xaqa muwaadino ee qarankan ku lee yihiin muwaadiniinta shaqeeyayaasha ah ee hoyga u noqdey baylahda dhan walba ka cidey ee dariska la noqotay wuxuuna bilaabay mashruuca ugu weyn qaranka ee si hagraso la,aan ah u socda iyagoo la baylaha tiray baylahdii shaqaalaha dawladda mashruuca tirinta iyo tayeynta shaqaalaha oo bar bilow u ah habsami u socodka hoggaaminta tolmoon ee guddoomiyaha hay’adda shaqaaluhu iba furay waxay noqotay mashruuc ay mahadiyeen shaqaalaha weynaha dawladda iyagoo ku sifeeyey in guddoomiye sharmaake bilaabey mashruuc ay ku dhac u yeelan waayeen masuuliyiin soo maray hay’adda shaqaaluhu waxaaney ku sifeeyeeninuu noqdey masuul ku dhac u yeeshay inuu u badheedho dayr la dumin kariwaayey.
sharmaake wuxuu noqdey johorad usoo baxdey usoo baxdey Somaliland gaar ahaana hay’adda shaqaalaha maadaamu salka u dhigey nidaamka shaqada ee xafiiska uu maamulo isla markaana ka dhigey hay’add laga kala faariqi waayey oo isqabsatey si bulshada imanayso loogu qabto hawl maal-meedka shaqo ee aan kala go,lahayn maadaama bulshadu hore ula kulmi jiratay xafiis gaab ka muuqdo.
Sharmaake geelle waxaa u suuro gashay inuu bilo shaqaale ka aradan nidaamka dalacsiinta darajada oo hayb lagu soo xulan jiray wuxuuna dhabaha u xaadhey in aqoon laydu noqoto kuwo darajadooda lagu qiimeeyo si ay u hirgasho ballan qaadkii sarayn aan sinji lahayn oo dhawr caano maal kadib markii uu majaraha u qabtay hogaanka mansabka uu hayo halku dhig uga dhigay isagoona ka dhabeeyey in haybtu sarayn ee qalinku sareeyo waxaana taabo qaad noqdey nidaamka tirinta shaqaalaha miyi iyo magaalo iyagoo shaqaale loo carbiyey ay dhexda u xidheen xaqiiqo raadinta nidaamka madaxtaabashada oo ay isqabsadey miyi ,magaalo, bacaad iyo buur si ay uga midho dhaliyaan hawsha ay igmanayaasha u yihiin oo ay daris kula noqdeen duruufo adag oo adkaysi lagaga bixi karo.
waxaanad arkaysay muuqaalo iyo musawiro muujinaya xaqiiqda dhabta ah ee ay ku qotonto daacadnimada shaqaalaha loo carbiyey inay dhamaystiraan tirro koobka shaqaalaha dawlada oo goobo iyo gobolo kala duwan oo kala cimilo ah ka hawl galayey suurta galnimada gaadhida shaqaalaha dawladda ee miyi iyo magaalo waxay ahayd mid adag balse ba,bac dhiga horjoogaha hay’adda shaqaalaha ayaa suurto galiyey in baahiyahooda iyo baylahdoodaba tiraan wuxuuna sugay bari ilaa galbeed inay soo guntaab taan oo dalacsiinta iyo daryeelka xaqooda muwaadinimo aanu duudsi noqon wuxuuna heensaha u xidhay diranayaal xawaarahoodu ku socdo masaafo degdeg ah oo sahay u tahay inay sugaan shaqaale dawladeed oo dhamays tiran si ay u hirgasho hiisi iyo himilo sugaysa horumarka Somaliland.
waana midka muujisay in sharmaake noqdo shamac shidey hay’add iftiinkedu yaraa oo ilays u noqdey iyo gurmad haga dayar hilow u qabtey hoggaamiye dhabaha u xaadha xadhko dabar ku noqdey horu socodkooda, guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha muddo kooban oo ku jiray siyaasada wuxuu noqdey dayax ka dhex ifax rugcadaayo siyaasadeed wuxuu noqdey ballaaqi masraxa ruxa marka uu hadlayo isagoo u doob rita dhawaaqyo laaxiyadeedu ka duwan tahay siiqda siyaasiyiinta waxayna kaas oo ku doobrita siiq suugaamaysan oo halku dhigeedu raad-raac u noqdo.
Leave a comment |
|
Sharmaake Geelle Shamacii Shiddey Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Iyo Shaqaalihii Dawladda Oo Ku Heenseeyey Cidhifyada Bari Ee Somaliland.
Sharmaake Geelle Shamacii Shiddey Hay'adda Shaqaalaha Dawladda Iyo Shaqaalihii Dawladda Oo Ku Heenseeyey Cidhifyada Bari Ee Somaliland.