Waxqabadka 100-ka Maalmood Madaxweyne Muuse ee Dekeda Berbera Iyo Doorka Maareeye Siciid & Shirkada DP Worl..

0
Saturday March 24, 2018 - 03:34:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1844
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxqabadka 100-ka Maalmood Madaxweyne Muuse ee Dekeda Berbera Iyo Doorka Maareeye Siciid & Shirkada DP Worl..

    kusoo-celinta Gacanta Dawladda ee Dhulka Raasiga Dekedda Berbera, Kororka dhaqdhaqaaqyada Ganacsi ee Dekedda Berbera iyo hordhaca qalabyo cusub & Firfircoonida Maareeyaha iyo isla Jaan-qaadka maamulada Shirkadda DP World…

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

kusoo-celinta Gacanta Dawladda ee Dhulka Raasiga Dekedda Berbera, Kororka dhaqdhaqaaqyada Ganacsi ee Dekedda Berbera iyo hordhaca qalabyo cusub & Firfircoonida Maareeyaha iyo isla Jaan-qaadka maamulada Shirkadda DP World…

Hargeysa(Xogreebnews)-Hoggaamiye kastoo Somaliland soo maray waxa uu qaranka Jamhuuriyadda hana-qaaday soo gaadhsiiyey meel, mana jiro hoggaamiye aan waxqaban, hase-yeeshee Nin-ba meeshuu gaadhsiiyey ayuu kan ka dambeeyana kasii dhaqaajiyaa, waana tusaale fiican oo ku dayasho mudan oo lagaga daydo Somaliland oo aan, iyaddu weli aqoonsi ka helin aduunweynaha intiisa kale.

Haddaba, qormadan Maanta oo ah mid kooban, waxaan kusoo qaadan doona 100-ka maalmood ee ugu horaysay Xukuumadan Madaxweyne Muuse Biixi qodobada muhiimka ah ee durba taarikhda u galay waxa kamid ah, inuu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, gacanta qaranka dib ugu soo celiyey dhul aad u muhiim ahaa, oo ay lahayd dekedda Berbera, isla markaana hore uga baxay gacanta Xukuumadda oo loo gacan-geliyey shacab iyo ganacsato, kuwasoo iyaggu siffooyin khaldan ku qaatay.

Hase-yeeshee Madaxweynaha Somaliland arrinkaa Raasiga Dekedda Berbera waxa uu si geesinimo leh dib ugu keenay qaranka iyo dekedda Berbera oo aan iyaddu ka maarmayn, isla markaana halbowlayaasha Dekeddu leedahay ama dhulka u kaydsan ee lagu balaadhinaayo. Tallaabadaas iyo go’aankaas uu qaatay madaxweyne Muuse Biixi waxa shacab weynaha Somaliland u arkaan guul iyo waxqabad muuqda oo lagu faano, taasoo shacabku madaxweynaha uga mahad-celinaayo, gaar ahaanna shacabka Saaxil si gaar ah madaxweynaha ugu boggaadiyeen.

Dhinaca kale, waxa xusid mudan 100-kii maalmood ee Xukuumadda Cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi in aanay maalin keliya shaqadda Dekedda Berberi istaagin, isla markaana waxa guul ah oo lama ilaawan noqon doontaa in Dekedda Berberi 100-kii maalmood ee lasoo dhaafay uu kor u kacay dhaq-dhaqaaqeeda ganacsi oo si weyn kor ugu kacay. Qodobkaas ayaa isna laga tilmaami karaa guulaha ay gaadhay Xukuumadda Madaxweyne Muuse biixi 100-kii maalmood ee laso dhaafay.

Waxa kaloo guulaha aanay hore Somaliland u gaadhin, balse Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi gaadhay 100-keedii maalmood ee u horaysay kamid ah, heshiiskii sadeex geesoodka ahaa dhex-maray Dawladaha Somaliland, Itoobiya iyo Shirkadda DP World ee iyaddu hadda gacanta ku haysaa Dekedda Berbera, isla markaana dib u dhis iyo casriyeyn ku samayn doontaa Dekeda qaranka Somaliland ee Berbera, sidoo kalena daba-yaaqada sannaadkan la bilaabi doono dhismaha deked cusub oo laga garan-yagliili doono dekedda dalka.

Geesta kale, guulaha Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ee dhinaca Dekedda Berbera, waxa kamid ah nidaamyada cusub ee shaqada iyo hawlaha dekedda Berbera oo u si weyn oo cilmiyeysan isaggu duba riday Maareeyaha Hay’adda Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi iyo sidoo kale dalabyadii uu ku keenay qalabyo ay baahi weyn u qabtay Dekeddu, oo ay kamid ahaayeen cagaf-cagafyo shan xabbo ah oo midkiiba rogayso min-laba Koontiinar. La soco qaybaha dambe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured