Daawo Xogreeb Tv: "Xukuumadihii Kala Dambeeyay Ee KULMIYE Ayaa Qiimo-tiray Shilinka Somaliland.. Go'aannada dhaqaale ee Dalka gudihiisa ka socda Dad badan oo dano lahaa ayaa Biriij ka dhigtay, dabadeedna keenaya inay Dadka timaha iskugu wada xidhaan iyaga oo ujeeda Dad tartan ka dhexeeyo oo ay gaadhi waayeen". Sheekh Aadan Siiro

0
Saturday March 24, 2018 - 03:19:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Xogreeb Tv: "Xukuumadihii Kala Dambeeyay Ee KULMIYE Ayaa Qiimo-tiray Shilinka Somaliland.. Go'aannada dhaqaale ee Dalka gudihiisa ka socda Dad badan oo dano lahaa ayaa Biriij ka dhigtay, dabadeedna keenaya inay Dadka timaha iskugu wada xidhaan iyaga oo ujeeda Dad tartan ka dhexeeyo oo ay gaadhi waayeen". Sheekh Aadan Siiro

    Daawo Xogreeb Tv: "Xukuumadihii Kala Dambeeyay Ee KULMIYE Ayaa Qiimo-tiray Shilinka Somaliland.. Go'aannada dhaqaale ee Dalka gudihiisa ka socda Dad badan oo dano lahaa ayaa Biriij ka dhigtay, dabadeedna keenaya inay Dadka timaha iskugu wad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daawo Xogreeb Tv: "Xukuumadihii Kala Dambeeyay Ee KULMIYE Ayaa Qiimo-tiray Shilinka Somaliland.. Go'aannada dhaqaale ee Dalka gudihiisa ka socda Dad badan oo dano lahaa ayaa Biriij ka dhigtay, dabadeedna keenaya inay Dadka timaha iskugu wada xidhaan iyaga oo ujeeda Dad tartan ka dhexeeyo oo ay gaadhi waayeen". Sheekh Aadan Siiro

Hargeysa (Xogreebnews) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay Arrimo ay ka mid yihiin dhibaatooyinka ka dhasha Wararka Khaldan ay Madaxda u gudbiyaan Dadka ka ag-dhow.

Sheekhu waxa kale oo uu khudbadda Jimcaha si faahfaahsan ugaga hadlay Sicir-bararka Dollarka, Hoos u dhaca Qiimaha Shilinka Somaliland iyo Go’aannadii Xukuumaddu ka soo saartay Sicir-bararka.

Sheekha oo ugu horreyn ka hadlaya Dadka Wararka u gudbiya Madaxda ayaa yidhi "Hoggaamiyeyaashii wanaasanaa ee Muslimiinta hoggaamiyey ee garanayey Maalinta Qiyaamaha waxa la iswaydiinayo, Dadka ka ag-dhow ee ama u warrama ama ay Talada ka qaataan Saddex Shay ayay ku odhan jireen, waxay ku odhan jireen markaad Bulshada Dadka dhex ka timaaddo ee aad Aniga ii timaaddo si aan hadalkaaga u dhegaysto ama aad ii raali-geliso (Awgeed) ha ii sheegin been ama waxaan ka dhex jirin Bulshada Muslimiinta ah, Dadkaa Muslimiinta ah ee aan Masuulka ka ahay waxba ha iiga sheegin (markaad iga tagto), Anigana ha i amaanin. Saddexdaa Qodob waxay ahaayeen Dadkii Madaxda ahaa ee wakhtigaa Talin jiray, si ay Dadkooda wanaag ugu hoggaamiyaan ay kala talin jireen (Dadka ka ag-dhow), laakiin intaasiba waa inta ay (Maanta) ku macaashaan kuwa doona inay wax fushadaan ama Cid ku diraan ama ay Mu’asasaad dumiyaan marka ay Madaxda Warka siinayaan. Xadiis uu Ibnu Xabbaan yidhi waa Saxeex, wuxuu Rasuulku ku sheegay ‘Waxa iman doona Madax ay daboolaan Qaar ka ag-dhaw oo Warka siiya, kuwaasi been bay u sheegayaan Amiirka, iyaguna been bay isku sheegayaan, marka ay Warka siinayaan (Madaxda) Warkooda Dad Muslimiin ah ayay ku dulmiyayaan. Kuwa Madaxda ah ee Rumaysta Warkaa beenta ah ee ku kaalmeeya Warkaa beenta ah, kaasi igama mid aha, Aniguna kama mid ahi.”

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu ka hadlay Go’aannadii Xukuumaddu ka soo saartay Sicir-bararka "Dhacdooyinka Dalka ka dhacaya, sida Go’aannada dhaqaale ee Dalka gudihiisa ka socda Dad badan oo dano lahaa ayaa Biriij ka dhigtay, dabadeedna keenaya inay Dadka timaha iskugu wada xidhaan iyaga oo ujeeda Dad tartan ka dhexeeyo oo ay gaadhi waayeen. Rasuulku (CSW) wuxuu yidhi ‘Xasadku wuxuu dhameeyaa wanaagga uu Qofku leeyahay’.. ayuu yidhi Sheekhu, waxaanu intaa ku daray Cidda ay tahay in Madaxdu kala tashadaan Masiirka Ummadda "Markaad goynayso arrin Ummadda khuseeya, Waar (La tashada) Qof aan lacag doonayn, Qof aan kursi doonayn, Qof waxaa uu kala talinayo Xukuumadda wax Maslaxad ah oo isaga Khaas u ah oo ugu jirtaa aanay jirin. Haddaad Qof Maslaxad leh ama Cid u jeeda ama markiisa horeba Iska barakaysan aad talo ka waydiiso Masiir Ummaddu leedahay waaka lagu jabayo.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud waxa kale oo uu sheegay "Saxaabadii ayaa u yimid Rasuulka (CSW), waxay ku yidhaahdeen Rasuulkii Allow Xaaraantii iyo Xalaashii waad noo sheegtay, ee Nebi Allow miyaanad wax kasta oo aanu kala iibsanayno Sicir u jarayn.? Markaas ayuu Rasuulku (CSW) Saxaabadii ku yidhi ‘Orda suuqa gala oo Xalaal miirta, Suuqu isagaa Sicirka sameeya’e..’ ayuu yidhi Rasuulku (CSW)….” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey "Dawladdii Daahir Rayaale ee sida khaldan loo beddelay Miisaaniyaddeedu waxay ahayd $ 48 Milyan, wuxuu Madaxweynahaasi ka tagay 1 ka dollar oo ah 6500 Shilin, markaa maxaa keenay in Miisaaniyaddii oo gaadhay 300 Milyan inta Xukuumadihii kala dambeeyay KULMIYE in Dollarku gaadho 1 Milyan iyo 6 boqol oo kun oo Shilin. Intaas oo goor baa inta Lacagtii la soo daabacay ayaa Dollar loo beddelay, lacag illaa 300 Boqol oo Milyan oo Dollar ah oo wixii Ummaddu lahayd ah ayaa laga dhex saaray, taasina waa sababta, markaa Qof dedaalay ama Sarifle ha u noqdo ama Shirkad ballaadhan ha noqdee in lagu dul war-wareego waa arrin foof-daran habaabin ah. Waxaanu leenahay Dadka yaan Timaha la iskugu xidhan ee idinka ayay Masuuliyaddu idin saaran tahay ee Cudurku halkuu yahay ka baadha. Xukuumadihii kala dambeeyay ee KULMIYE ayaa qiimo-tiray Shilinka Somaliland, waar idinka ayay idinku maqan tahay ee dib u habeeya. Waxa kale oo aanu Xukuumadda kula talinaynaa in aanay Cid u maqal Cid (kale) ama Mu’asasaado tartamaya.”

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured