Duruufaha Adeg Ee Siyaasada Dibbada Somaliland Waxay Tabaysaa Dibloomaasi Garanaya Oo Ka Dabaalan Kara. Qalinka: C.S.F(Jeesto).

0
Friday March 23, 2018 - 20:02:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1646
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duruufaha Adeg Ee Siyaasada Dibbada Somaliland Waxay Tabaysaa Dibloomaasi Garanaya Oo Ka Dabaalan Kara. Qalinka: C.S.F(Jeesto).

    Duruufaha Adeg Ee Siyaasada Dibbada Somaliland Waxay Tabaysaa Dibloomaasi Garanaya Oo Ka Dabaalan Kara. Qalinka: C.S.F(Jeesto).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duruufaha Adeg Ee Siyaasada Dibbada Somaliland Waxay Tabaysaa Dibloomaasi Garanaya Oo Ka Dabaalan Kara. Qalinka: C.S.F(Jeesto).
Dabcan  dalkii  yaraa  ee  dunidu  ka  dhaga-adeygtay  Ilaahey  baa  u  soo  dubeeyey  Caalamka   dhamaantiina  waxa  uu  ku  hayaa  Isha,  Sababtuna  waa  marinka  Ilaahey  ku uumey, Soomaalidaa  tidhaahda  (Ilaahey  Ninkuu  Xoolo  Siinayo  Dadkeeduu  Siiyaa),  Macno  ahaan  marka  wax  lagula  doonayo  meel  wacan  iska  filo  si  aad  waxaasi  u  hesho  manfaciisa.


Ha  ka  nixina  kalmada  Duruufaha  ee  aan  soo  qadimey  waayo  ma  jiraan  dhibaatooyin  waaweyni  balse  waxa  jirta  in  maanta  dalkan  Somaliland  kaalin  muhiima  ku  jiro  oo  uu  horumarey,  Isagoo  ka  mid  ah  Garabyada  siyaasada  caalamka  isku  hayey  waliba  Garab-weyn  uu  la  safan  yahay,  Hadaba  tani  ayaa  u  baahan  Siyaasada,  Istaraatajiyad,  Qorshe  iyo  iney  wax  uga  yaalaan  Umuuraha  Geeska  iyo  kuwan  Caalamkaba.

Maanta  ma  xuma  Hay,ada  dalkan  u  qaabilsan  Arimaha  Dibbadu  balse  waxa  ka  dhiman  hogaamiye  khabiir  ah  oo  Dajiya  Umuuraha  macaamilaadka  khaarajiga  maadaama  aan  la  macaamilayno Dunida,  Kaasoo  khabiir  u  ah  sida  uu  Dr. sacad  cali  shire  khabirka  ugu  yahay  Shirkadaha  iyo  dajinta  Horumarinta  (Planing  Development),  Markaa  taasi  uun  baan  kaga  dabaalan  karnaa  wixii  mad-madaw  inagaga  soo  hagaaga  Xulafooyinka  aan  kala  raacney,  Waayo  waxa  dabino  maleegi  doona  dawlado  jaarka  ah  oo  qaarkood  u  adeegaan  dhinacyada  kale  arinteenana  ka  xun.

Markaa  si  looga  sii  foojignaado  dulaankaa  siyaasiga  ah  ee  Duwelka  jaarkeena  qaar  damacsan  yihiin  waa  in  aan  helaa  qorshe  cad  (Definate  Articles  Of  Foreign  Policy),  Ama  ay  umadeenu  uga  bad-baadaan  sharka  ka  aloosma  hinaasaha  horumarka  Somaliland,  Hada  waxa  la  arkayey  diyaarado  jasiiradaha  Somaliland  dul  heehaabaya  kuwaasoo  ah  macnahoodu  dhoola-tus  cid  aan  si  toosa  u  ogahay  Dawladuna  ila  fahmayso,  Waana  bilawga  dagaalada  siyaasiga  ah  ee  soo  waajahaya  horumarka  iyo  darajada  Somaliland  ay  gaadhey.

Wasaarada  Khaarajiga  Somaliland  waxay  jaanis  u  heshay  martabad  caalamiya  lama  areg  wali  yadoo  cid  wax  weydiisanaysa,  Imika  hadii  ay  dawlada  Imaaraadka ka  dalban  lahayd  Diyaaradihii  Difaaca  wey  helaysay,  Balse  waxaan  jirin  ama  aan  u  oolin  wax  qorshe  abaabulan  ah  kaasoo  la  xidhiidha  horumarka  amniga  gudaha  iyo  kan  dibbada,  Maxaa  yeelay  horta  dibbadu  ha  danbeysee  waxa  muhiimada  leh  tan  gudaha  aad  baaney  muhiim  u  tahay  inaan  helno  Diyaarado  difaac.

Amuurta  xaas-xaasi  ka  dhigtey  iney  wadamada  inaga  soo horjeedaa  dagaal  inala  galaan  waxa  weeyaan  Dawlada  Itoobiya  waxay  Dunida  ka  qaadatey  Qandaraaskii  (Afro-International  Trade), Ama  iney  noqoto  Suuqa  jaan-gooya  ganacsiga  Afrika  halka  aan  inagu  (Somaliland  ahaan), Nahay  wadadii  wax  soo  marayeen  waliba  tii  ugu haboonayd  ama  caalamka  meel  kastaba  ugu  dhaweyd  een  lahayn  wareeg  iyo  waxyaalahaasi.

Markaa  sababta  arintani  waxay  dhalinaysaa  markaan  noqono  Marinkii  Ganacsiga  afrika  ineynu  yeelano  Cadawyo  siyaasadeed  oo  jaarkeena  ah  kuwaasoo  dhinaca  kale  taageersan  sida  hada  muuqata,  Sidaa  darteed  waxa  lagama  maarmaan  ah  iney  Wasaarada  KHaarajigu  dadka  ka il  horeyso,  Waayo  dunida  kaga  indho-indhaynta  iyo  dul-meerka  waxa  qaabilasan  wasaaradan  hadiise  dadkeedii  ay  waydo  xataa  waxay  inagu  kalifeysaa  inaan  waxaa  yareen  helnay  seegno.

DHinacaasi  waa  istaraatajiyadii  dhinaca  kale  waxa  loo  baahan yahay  Aqoon  Hab-maamuuseed  oo  ku  tacaluqda  (Paratacolka),  maadaama  ay  wufuud  kala  gadisan kala  wadamo  ah  balse  inala  Xulafo  ahi  inagu  soo  wajan  yihiin,  Awaamiirtanaa  waxa  fareysa  Xulafo  ahaanta  ama  isu  dhinaca  aregtida  Dhaqaalaha  Iyo  Siyaasada,  Arinkanina  waxa  uu  u baahan  yahay  dad  aqoontoodii  leh  waayo  xiliyada  qaar  wufuuda  Somaliland  yimaada  qaar  baa  cadhoolda  hab-maamuuska.

Safarada  dibbada  iyo  casuumadaha  wasaarada  khaarajiga  Somaliland  ay  hesho  waxay  intii ugu  danbeysay  qaldayeen  halka  ay  kaga  beegan  tahay  Hab-maamuus  ahaa  ama  baratakool  ahaanba,  Taasina  waxay  muujinaysaa  biseyl  la,aanteena  sidaa  darteed  waxaan  imanayey  wax  maxsuul  ah  ama  ujeedo  ah  in  laga  gaadho  safar  dhan  oo  la  baxay  waayo  waxaa  la  qaldey  Istaraatajiyadiisii ,  Dunidu  sidaa  waxba  kuma  taageerto  ilaa  la  tooso  oo  taxadka  iyo  dhabarka  laga  jabo  taasaa  kuu  sahlaysa  inaad  is-af-garataan  cidaad  u  tagto.

Hadaba  si  aan  uga bad-baadno  waxyaabo  badan  oo  halis  ku  ah  Siyaasadeena  Amuuraha  Dibbada  waa  inaan helnaa  khabiirkeedii  inaga  saari  lahaa  Kaderta,  Xaga  wasiir  Sacad  Cali  Shirana  hoos  u  dhacu  waa  isaga  waayo  ma,aha  dublamaasi  maareyn  karaya  xaladahaa  murugsan  ee  u  baahna  in  loo  babac-dhigo  oo  la  galiyo  maskax  iyo  juhdi  la  mida  kan  cadawgeenu  inagu  soo  qaadeen.

Bal  aan  soo  qaato  tusaale  yar  oo  gaaban  bilawgii  muranka  marsada  caalamiga  ah   ee  Ber-bera  ayaa  waxa  inagu  dayey  duufaano  la  xidhiidha  dacwado  caalamiya  Wasiirka  Khaarajiga  Soomaaliya  Mr.cawad,  Halka  dhigiisa   Somalilandna  iskaa    jawaabe  xataa  anuu  ogeyn  markaa  waxaan  soo  jeedin  waa  halkii  ninkiiye  inenta  Saluugaye  (Gacalnimo  Hadaad Naga  Rabtaan  Gosha  Noo  Doorsha), Oo  u  dhigan  Sacad  Cali  Shire  Noo  Doorsha.

Waxa  yadna  maalintii  dhaweyd  Ee  Safarka  Madaxweyne  Biixi  ee  imaaraadka  ka  muuqatey  Inaanu  Wasiirku  waxa  maamuusa  ama  door  ah  ku  lahayn  arimaha  qaranku  u  xushay  isaga  ee  ay  ka  mid  yihiin ,  Ku  hadalka  afka  xukuumada  iyo  ka  war-bixinta   wufuuda  baxaysa  iyo   kuwa  soo   galaya  inataba  waxa  ka  war  bixiyey  Wasiir  aan  shaqadaa  lahayn, Halkaa  waxa  nooga  muuqatey  inuu  Sacad fashilmey  isagoo  dhawr  jeerna  salaanka  ka  siibtey.

Arintan  Xukuumada  Madaxweyne  Biixi  kuma  dhaliilna  ee  waxa  ku  dhaliilan  oo  ku  ceebaysan  ninka  khibrada  loo  tuhmayey  ee  wasaradan  loo  igmadey  oo  noqdey  shakhsi  sidii  shaqaalaha  oo  kale  ah,  oon  waxba  ku  soo  biirin  Wasiiradii  loo  dhiibey  intuu  joogey,  Halka  uu  meelaha  kale   ahaa  hawl-kar  balaadhan  oo  aad  u  shaqeeya  waajibkiisana  guta  balse  wasaaradani  muujiyey  inaanu  Aqoon  Iyo  Af-garad  u  lahayn.

Ugu  danbayntii  waxaan  talo  ahaan  soo  jeedin  lahaa  anigoo  in  badan  darsay  oo  baadhey  dhamaan  hooska-liiga  Amuuraha  Dibbada  dalkani  inuu  yahay  arintaasi,  Waa  in  la  keenaa  nin  dibloomaasiya  oo  garanaya  dhagax  walboo  soo  dhaca  dhagaxii  loo  dhigi  lahaa  dalkana  u  sameeya  si  taariikhda  u  gasho  (Strategy  Of  Foreign  Relations  And  Policy  Decipline), Kaasoon  cid  walba  kula  macaamilo.
Qalinka:  C/raxmaan   Sayid  Faarax (Jeesto)
Diplomatic  Annalism.
Gabiley/Somaliland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured