Guri-Barwaaqo waa denbiile,Macalin Bedel isna waa denbiile anigu se waxan ahay Dhibane. W/Q Xuseen Xasan Badmaax

0
Friday March 23, 2018 - 18:56:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guri-Barwaaqo waa denbiile,Macalin Bedel isna waa denbiile anigu se waxan ahay Dhibane. W/Q Xuseen Xasan Badmaax

    Guri-Barwaaqo waa denbiile,Macalin Bedel isna waa denbiile anigu se waxan ahay Dhibane. W/Q Xuseen Xasan Badmaax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guri-Barwaaqo waa denbiile,Macalin Bedel isna waa denbiile anigu se waxan ahay Dhibane. W/Q Xuseen Xasan Badmaax
Buuga uu qoray wasiirka warfaafinta Md.Guri-barwaaqo eek u soo qaatay dhawr gabay oo erayo aflagaado ahi ku jiraan isagoo ku hihaysan dhaliilahii iyo gabayadii cayda ahaa ee uu tiriyay M.A.Xasan.

Gabayada uu tusaalaha u soo qaatay waxa ugu fool xumaa ka lagu caayay hablaha Ciidagale,kuwa kale ku may jihaysnayn hablo ka soo jeeda beelaha Somaliland. Taasina waa gaf uu qoraha buugu u badheedhay. Waxa isweydiin mudan waa maxay ula jeedada uu ka lahaa Guri-barwaaqo?. Qof kasta oo akhrista buuga waxuu baranayaa gabayga lagu caayay hablaha Ciidagale. Qodobkaa ayuu ku noqday denbiile.

Hadaan eego dhinaca Macalin Bedel waxuu ummada u soo bandhigay gabayga lagu caayay hablaha ciidagale kadib 6sano markii buugan hargeysa lagu soo bandhigay.Macalin Bedel waxuu ku cadeeyay mid ka mid ah clips-kii uu kaga hadlaayay buuga inay isaga iyo guri-barwaaqo dhex mareen isku dhacyo sahayday shaqooyinkiisii. Halkaa waxa inooga muuqda macalin Bedel colaadoodii inuu la kaashaday hablaha ciidagale ee buuga lagu caayay.Arrinkana waxa ka dhashay gadood hablahii la caayay iyo beesha ay ka soo jeedaanba,waxa abuurmay isku dhac beesha dhexdeeda ah. Talaabadaa kicinta ah ayuu Macalin Bedel-na ku noqday denbiile.

Arrinkaa cayda hablaha ciidagale waxuu ku fiday dibad iyo gudaba,dabcan hablaha ciidagale inay kacaan xaq ayay u leeyihiin maadaama sharaf toodii iyo karaamadoodiiba uu guri-barwaaqo ku baabiiyay buugiisa.

Gadood-kaasi anigana waxa iga soo gaadhay weeraro wadareed igu keenay nabaro iyo karaamadaydii oo la dilay.Qoraal iyo hadalo been abuura ayaa keenay beesha ciidagale oo aan ka soo jeedaa inay iga hor timaado.Been abuur kaasina waxuu keenay in Layla beegsado dil baadil ah.Sidaa ayaan aniguna ku noqday Dhibane aan garanayn waxaan ku mutaystay falalka dilka ah ee laygula kacay.

Hadaba sharci haduu jiro waxaan soo jeedinayaa:

1.Guri-barwaaqo in sharciga la hor geeyo,cadeeyana sababta uu

   Gabayga lagu caayay buuga ugu qoray.

2.Buuga in laga mamnuuca dalkan jamhuuriyada Somaliland.

3.Buuga laga soo ururiyo meel kasta oo uu dalka yaalo,kadibna

   Lagubo.

4.Macalin Bede loo abuuray gadood dadweyne waa in sharciga

   La hor keenaa.

5.Keyse koosaar oo qoray qoraalka been abuurka ah faafiyayna,

   Dilna nala beegsaday in sharciga la hor keeno cadeeyana waxa

   Ku kelifay inuu abuuro isku dhac beesha dhexdeeda ah.

 

Allaa Mahad Leh.

 

Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa?JSL

0634026100

0659309105




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured