Hayadda shaqaalaha dawladda ee Somaliland oo Buuhoodle ka daahfurtay Hawlgalka Diwaangelinta iyo Madaxtaabashadda shaqaalaha
Somaliland Oo Mudo 27 Sanno Ka Dib Ay Maanta U Suurto Gashay La Diwaangeliyo Shaqaalaha Dawladda Ee Reer Buuhoodle + Hay'adda Shaqaalaha Oo Ka Iba Furtay Hawlgalka Madaxtaabashadda Iyo Tirinta Degmadda Buuhoodle
Buuhoodle(Xogreebnews)-Shaqaalaha dawladda ee Somaliland, ayaa markii u horaysay 27-ka sanno ee Somaliland jirto laga hirgeliyey Deegaanka Buuhoodle, waxaana hawlgalkii madax taabashadda iyo tirinta ee hay’adda shaqaalaha dawaladdu 2-dii bilood ee u dambeeyey goboladda dalka ay ka waday uu gaadhay magaaladda Buuhoodle iyada oo diwaangelinta shaqaalaha dawladda ee halka ku sugan tiraddooda lagu sugaayo halka hay’adda shaqaaluhu ay ka bilawday. Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo tafaasiil ka bixiyey hawlgalka madax taabashadda iyo tirinta ee lagu diwaangelinaayo shaqaalaha dawladda ee Somaliland inay ka bilawday hay’adda uu madaxda ka yahay deegaanka Buuhoodle, waxaanu farta ku fiiqay guddoomiye sharmarke geelle inay hawlaha shaqo ee ay gacanta ku hayaan si xawli iyo xamaasad ah u wadaan shaqaalaha loo igmaday waxaana uu u dhignaa qoraalkiisu sidan. Leave a comment |
|