Gudoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawlada Sharmarke oo Xaaji Saalax u Jooga Diiwaangelinta shaqaalaha dawlada iyo Tiro-koobka shaqaalaha dawladda oo Gobolka Togdheer afartiisa Jiho ka socda…

0
Thursday March 22, 2018 - 04:12:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1374
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawlada Sharmarke oo Xaaji Saalax u Jooga Diiwaangelinta shaqaalaha dawlada iyo Tiro-koobka shaqaalaha dawladda oo Gobolka Togdheer afartiisa Jiho ka socda…

    "..Foorihii Xaqiiqo raadiska oo soo gaadhay degmada Xaaji-Saalax iyo Xog xaqiiqo ku salaysan oo Shaqaalaha Dawladda laga helayo. Ma-daalayaasha xoq-qabadka ku hawlan ayaa mardhawayd soo gaadhay degmada Xaaji-Saalax oo Oodweyne u jirta in ku sima

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"..Foorihii Xaqiiqo raadiska oo soo gaadhay degmada Xaaji-Saalax iyo Xog xaqiiqo ku salaysan oo Shaqaalaha Dawladda laga helayo. Ma-daalayaasha xoq-qabadka ku hawlan ayaa mardhawayd soo gaadhay degmada Xaaji-Saalax oo Oodweyne u jirta in ku siman 120Km isla markiina horay ka bilaabay diiwaangelinta shaqaalaha degmada ku suggan". Gudoomiyaha Hay'ada Shaqaalaha Dawlada Somaliland Md. Sharmarke Muxumed Axmed Geelle

Burco(Xogreebnews)-Gudoomiyaha Ruuxiga ah ee Hay’ada Shaqaalaha Dawlada Somaliland Md. Sharmarke Muxumed Axmed Geelle iyo shaqaalaha Hay’addaas, oo ku gudo-jira shaqada culus ee tirokoobka shaqaalaha dawladda, ayaa hadda diiwaangelinta shaqaalaha dawladda ee Gobolka Togdheer afarta jiho ee gobolkaasba degmo-degmo iyo geed-geed kusoo diiwaangelinaya shaqaalaha rasmiga ah ee dawladda, ee iyaggu ku sugan meelaha ka baxsan gudaha degmada Burco.

Gudoomiyaha Hay’ada shaqaalaha oo ah masuulka si mucjiso ah ugu adeegaya nidaamkan shaqaalaha dawlada, ayaa cagihiisa kusoo diiwaangelinaya shaqaalaha dawlada ee deegaanada Oodweyne iyo xaaji-saalax, Duruqsi, Dhoqoshay iyo Balli-dhiig halka wafti kalena ku jihaysan yihiin deegamada kale ee Qoryaale, Qurulugud, Widhwidh iyo Buuhoodle. Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal kooban oo u bartiisa soo dhigay Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Md. Sharmarke Muxumed Geele, kaasoo u dhigan sidan.

"..Foorihii Xaqiiqo raadiska oo soo gaadhay degmada Xaaji-Saalax iyo Xog xaqiiqo ku salaysan oo Shaqaalaha Dawladda laga helayo.

- Ma-daalayaasha xoq-qabadka ku hawlan ayaa mardhawayd soo gaadhay degmada Xaaji-Saalax oo Oodweyne u jirta in ku siman 120Km isla markiina horay ka bilaabay diiwaangelinta shaqaalaha degmada ku suggan.

- Shaqaalaha dawladda ayaa meel fog loogu yimi iyada oo daal iyo duruuf walba ka waabin wayday in xogtooda iyo xaalkooda lasoo ogaado, waxaana lagu waraystay dhago laab u daloola. Hawl-wadeenadan ayaa u sii dhaafi doonna deegaamada Duruqsi, Dhoqoshay iyo Balli-dhiig halka wafti kalena ku jihaysan yahay deegamada kale ee Qoryaale, Qurulugud , Buuhoodle iyo Widhwidh

Diyaar garow, duruuf walba, daal kasta iyo deegaan walba wa tubta loo maro dal dadkiisa dib loo habaynayo”.

Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 3 people, people standing and outdoorImage may contain: car, sky, outdoor and natureImage may contain: sky, outdoor and natureImage may contain: 3 people, people sitting, table and indoor




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured