mugdiga iyo Madmadowga ku gedaaman Heshiisyada DPW kuma xalaaloobayaan Somaliya ayaa inoo diidan!.qalinkii A/rahman Fidhinle

0
Wednesday March 21, 2018 - 02:22:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    mugdiga iyo Madmadowga ku gedaaman Heshiisyada DPW kuma xalaaloobayaan Somaliya ayaa inoo diidan!.qalinkii A/rahman Fidhinle

    Heshiiskan waxaa asbuucii la soo dhaafay lagu kala saxeexday dalkaU.A. E. Taas oo Saamiyadana loo qeybsaday51% DPW, 30% Somaliland iyo 19% Ethiopia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Heshiiskan waxaa asbuucii la soo dhaafay lagu kala saxeexday dalkaU.A. E. Taas oo Saamiyadana loo qeybsaday51% DPW, 30% Somaliland iyo 19% Ethiopia.
Shirkada DPWorld waxay Somaliland heshiish la gashay9/5/2016taa soo ilaa iyo maanta aan hawl muuqata oo la taaban karo ka qabanDekedii Berbera oo ay sanad maamuleysay . Hadaba su’aasha qarnigu waxay tahay maxay shirkadu ka qabatay Dekeda Berbera mudadaa sanadka ah ee ay maamulaysay ?Mise waxay la sugaysay Heshiiskan Ethiopia ee ku hoosqarsoonaaheshiiskii Somaliland iyo DPW aywada galeen9/8/2016oo ahaaheshiis30sanadood oo( Bilateral Contract agreements)Waxaana ayka dhawaajiyeenin heshiiskaas ayku bixi doontolacag dhan$442 Milliondollar.Waxaana lagu heshiiyey in DPW yeelato saami dhan65%oo udhiganta lacag ahaan$280 million.Somaliland yeelato Saami dhan35%oo u dhiganta lacag ahaan$162 Milliondollar.Heshiiskanoo aan dhameystirneyn oo ahaa nuxur qabyo qoraal ah ayaa laga ansixiyey Golaha Baarlamaanka Somaliland ka dib markii dhaameel badan loo daadiyey ee ay ku balaloodeen, Sidaas ayaana ay DPW Dekedii Berbera ku hantiday kulana wareegtay taariikhdii1/3/2017.
Mudadaa sanadka ah ShirkadaDPWorldwaxay ku fashilantay dhamaan qalabeyntii iyo horumarintii Dekeda Berbera waxaana aad hoos ugu dhacay intii ay maamulka Dekeda hagaysay bedeecadihiika soo degijiray iyo heerkii hawl gudashada adeega bulshada ee Dekeda, Waxaa dekeda ka dhacay mudadii ay DPW dekeda maamuleysay shilal iyo khasaare badan oo naf iyo maalba leh, waxaa isku duqeeyey maraakiib Dekeda dhexdeeda, waxaa dab qabsaday Dekeda iyo Maraakiib ku xidhan, waxaana ku dhintay barxada Dekeda laba shaqaale, waxaana ku dhaawacmay shaqaale badan oo aanmag-dhaw la siin.Waxaa iyana shaqadoodii iyo xuquuqdoodiiba ku waayey shaqaale tiro badan oo mudo dheer Dekeda ka xagafsan jiray.
 
Iyada oo mudaada sanadka ah shirkadaDPWku fashilantay horumarintii Dekeda Berbera ayey hadanaEthiopiainoo soo qeyd xanbaaratay ooheshiiskii uuisu bedelay mid sadex geesood ah. (Tri-letral contract agreements) Taas oo dalka Ethiopia la siiyey saami dhan19%oo14 %ka mid ah laga soo jaray DPW , Saami kale oo dhan5%laga soo jaray Somaliland. Heshiiskan waxaa asbuucii la soo dhaafay lagu kala saxeexday dalkaU.A. E. Taas oo Saamiyadana loo qeybsaday51% DPW, 30% Somaliland iyo 19% Ethiopia.
Waxaana lagama maar maan ah in Baarlamaanka la horkeeno heshiiskan cusub si loo ansixiyo.!

Shirkadan lagu magacaaboDubai Port World ( DPW) Waa shirkad weyn oo macaash doon ah oo ku caan baxday in ay laba listooo maal ka urursatoDekedaha dayacan ee qaaradaha aduunka ku filiqsan laakiin waxay ku fashilantay oo fadeexad qaawani ka raacday Dekado badan oo mandaqadeena ku yaala sida: Dekeda Daaroole eeJabuuti,DekedaSinigaal,DekedaLubnaan, DekedaCadaniyo DekedaIndonisiaku waas oo ay dhamaan maxkamado caalami ah isla galeen oo lagaga guuleysatay dacwadii shirkada DPW.

Shirkada DPWorld waxay ku caan baxday in ay kala xado oo kala laaluushto madaxda ay heshiisyada la geleyso waxaa kale oo ay ku caan baxday in ay dabino u daadiso madaxda ay kala xaajoonayso heshiisyada Dekedaha iyada oo isticmaalaysa mar kasta gacan-wadaag, xaqul qalin iyo kala laaluush ay xadhkaha ugu soohanayso si kasta oo ay heshiisyada u kala khiyaamayso sida ayJaboutiku samaysay,Cadanku sameysayeeUSAlagaga eryey hadana ay damacsan tahay in ay Somaliland oo aan la ictiraafinku khiyaameyso.
 
Bal ka warama lacagtii$240million aheyd ee ay ku balan qaaday in ay ku maalgeliso mashruucii dhismaha wadada Berbera ilaa Wajaable (Berbera Corridor )oo ay ku leedahay waxaan awoodaa$80million dollar oo keliya? Bal ka warama iyada oo aan fulin balan qaadkii heshiiskii ay hore Somaliland ula gashay9/8/16eeay laheyd sanad gudahood ayaanu ku dhisaynaa Dekedii400oomitir ah,kuqalabeynaynaaoo kudayac tiraynaaDekedii hore ? Freezone iyoAirportkii madaniga ahaa ayaanu idiindhisaynaa? ayeyiyagu iska dhisteen Dekad Ciidan iyo Saldhig Ciidanoo aynuxaqul qalin yar kadhaafsanay.Muwaadin ma ogtahay in sanadihii1981 ilaa 1991ShirkadiiUSA ee NASAayAirporka Berbera oo keliya oo Saldhig Ciidan u ahaanooweliba Dayaaradahamadaniga ahi la isticmaalayeen ay ku kireysteen lacag dhan$40 Millionoo dollar sanadkiiba maantana DPWorld waxay ubadheedheen inay faro guudkood iyo xaqul qalin yarinaga dhaafsadaan Saldhig Ciidan oo40 km2iyo Dekad Ciidan oo Dhererkeedu yahay50km2.waxaana ay ubadheedheen in ay weliba sheerkoodii qayb Ethiopia ka sii iibiyaan oo hantidii ma guurtada aheyd ee Somaliland ay iyagiisii dilaalaan.


Gunaanad:Waa in nuxurka dhabta ah eeHeshiiska sedexgeesoodka ah Baarlamaanka la hor keenaa si ay uga doodaan una naaqishaan faa'idada iyo khasaaraha uu heshiisku u leeyahay Somaliland. waana lama huraanin caadka iyo ciiradaqarsoon ummadda looga qaado mashaariicda badan ee carabka ummadda loogu cel-celiyey ee lagu canqarinaayo ee aan la garaneyn goorta ay bilaabmayaan iyo goobta ay ka bilaabmayaan.

Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London

 
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured