Xidhiidhka Diblumaasiyadeed ee Jabuuti Iyo Somaliland Sii Xumanaya.. Jabuuti oo u Yeedhatay Safiirkeedii u Fadhiyey Hargeysa, Joojisayna in Baasaboorka Somaliland lagu Galo Dalkeeda Iyo Siyaasiyiin waaweyn ay Hore u Siisay Basbor Jabuuti ay Dib ula Noqotay...

0
Tuesday March 20, 2018 - 03:23:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2590
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xidhiidhka Diblumaasiyadeed ee Jabuuti Iyo Somaliland Sii Xumanaya.. Jabuuti oo u Yeedhatay Safiirkeedii u Fadhiyey Hargeysa, Joojisayna in Baasaboorka Somaliland lagu Galo Dalkeeda Iyo Siyaasiyiin waaweyn ay Hore u Siisay Basbor Jabuuti ay Dib ula Noqotay...

    Xidhiidhka Diblumaasiyadeed ee Jabuuti Iyo Somaliland Sii Xumanaya.. Jabuuti oo u Yeedhatay Safiirkeedii u Fadhiyey Hargeysa, Joojisayna in Baasaboorka Somaliland lagu Galo Dalkeeda Iyo Siyaasiyiin waaweyn ay Hore u Siisay Basbor Jabuuti ay Dib ula N

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidhiidhka Diblumaasiyadeed ee Jabuuti Iyo Somaliland Sii Xumanaya.. Jabuuti oo u Yeedhatay Safiirkeedii u Fadhiyey Hargeysa, Joojisayna in Baasaboorka Somaliland lagu Galo Dalkeeda Iyo Siyaasiyiin waaweyn ay Hore u Siisay Basbor Jabuuti ay Dib ula Noqotay...
Hargeysa(Xogreebnews)-Ilo Wareedyo Diblumaasiyadeed oo u Dhuundaloola dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed ee Mandaqada oo ay heshay Shabakada Wararka ee Xogreebnews, ayaa shaaca ka qaaday in Jamhuuriyadda Jabuuti joojisey in dalkeeda lagu galo Baasaaboorka Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kalena Wararku waxay intaa Ku dareen in dalka Jabuuti uu u diray yeedhay Safiirkiisi u joogay Somaliland.
Waxa kaloo ilahan Diblumaasiyadeed daaha ka faydeen inuu maalinba maalinta ka dambaysay uu si xummaanayo xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti, isla markaana dalka Jabuuti dagaalo Dublumaasiyadeed oo Ku jiheysan Somaliland Ku hawlan yahay labadii bilood ee u dambeeyey, kaddib markii Somaliland si rasmiya heshiis ula gashay Shirkadda Dekedaha maamusha ee DP World, taasoo ay dhowaan Xidhiidhka u jareen Dalka Jabuuti oo ay ma'amuleysay Dekeddeeda weyn ee Dooraale.
Docda kale, Wararku may sheegin wax fal celin ah oo ay Somaliland kaga gashaamanayso xidhiidhka Diblumaasiyadeed ee labada dal noocu doonaba ha ahaadee, hase-yeeshe xogo laga helay dalka Jabuuti waxay sheegayaan in Dalka Jabuuti uu Baasaabooradii kala noqday Ashkhaas badan oo reer Somaliland ah oo weliba sita Baasaabooro Diblumaasiyadeed ahna Siyaasiyiin waaweyn oo u dhashay Somaliland, kuwasoo haystay baasaaboorada Jabuuti inay kala boqotay, isla markaana si toosa Siiriyaal Number kii Baasaabooradaas si toosa hawada uga saartay, amarna Ku siisay laamaha socdaalka Jabuuti inay sistamyadooda ka saaran.
Lama ogga halkay Ku dambayn doono weerarada Diblumaasiyadeed ee dalka Jabuuti Ku hayo Somaliland, haseyeeshee waxa La filaayey oo bulshada Somaliland ka wada war qabtay inuu jiray xidhiidh wanaagsan oo Xididnimo iyo Saaxibtimaba lahaa oo ka dhexeeyey Madaxweyne Muuse Biixi oo ay taageero mug iyo miisaan leh la garab istaagtay Jabuuti waqtigii uu musharaxa Madaxweyne Xisbiga Kulmiye ahaa, Sidoo kalena Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa isna safarkiisii koowaad Ku tagay Jabuuti markii u tallada LA wareegay. Si kastaba ha haatee Wararku ma sheegin wax waan-waan ah oo labada dal cidi ka dhex wado, haday tahay Siyaasiyiin iyo hadii ay tahay dawladaha kale ee daneeya Mandaqada geeska Africa



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured