Joojinta Adeega Saadku ee Madaxweyne Muuse Biixi Waxay ka Dhigan tahay Nin Dhergay Dan Kama Laha Dan-yartii u Codeysay?.

0
Monday March 19, 2018 - 02:44:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1761
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Joojinta Adeega Saadku ee Madaxweyne Muuse Biixi Waxay ka Dhigan tahay Nin Dhergay Dan Kama Laha Dan-yartii u Codeysay?.

    Hadii aad awal koobka shaaha ah ee Kafayga ah siisan jirtay 0.5-hada waxa laga qaadaya 6000 oo shilinka Somaliland ah, taasina waa dhibaato kale, sidoo kale hadii aad awal ku quraacan jirtay 1-dolar, hadda hadii aad sidato Kaash, waxa laga qaadaya 12

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadii aad awal koobka shaaha ah ee Kafayga ah siisan jirtay 0.5-hada waxa laga qaadaya 6000 oo shilinka Somaliland ah, taasina waa dhibaato kale, sidoo kale hadii aad awal ku quraacan jirtay 1-dolar, hadda hadii aad sidato Kaash, waxa laga qaadaya 12000 oo Shilinka Somaliland ah. Teeda kale goob kastaa oo baahiyihii aas-aasiga ahaa kaaga xidhmaa waxa laga raba Dolar, sida Laydhkii, Biyihii iyo Waxbaraashadii, hadii aad awal Ilmahaaga waxbarashadiisa ku bixin jirtay $20 Dolar,

Xaaladda nololeed ee bulshada dan-yarta Somaliland waxay wehel u noqdeen inay ku dhex-dhintaan oo ay kala goostaan Ganacsade manaxa-yaal ah oo badeecooyinkoodii ku jaan-gooyey Dolar iyo Xukuumad Dagaal ku haysaa adeeg hawl fududeeye ah oo sahlaayey in kolba muddo meel lagu sii hayo Sixir-bararka Doolarka, oo ah adeegga Saadka oo ay bixiso Shirkadda Telesom. Tan iyo maalintii Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ku dhawaaqday in la joojiyey isu dirista Lacagta Dolarka ee Saadka wixii ka yar $100, waxa sii laban-laab may jaho-wareerkii Sixir-bararka ee aafadda noqday ee haystay dadka dan-yarta ah, kuwasoo culeysyo nololeed ay fuuleen markii goob kastaa oo ay istaagaanba Doolar lagu waydiiyey, isla markaana sixirka badeecadda ay Iibsanayaana lagu qaali-gareeyey marka loogu bedelo Kaashka Shilinka Somaliland. Tusaale ahaan waxan booqanay Cisbitaallada dalka oo ay ku dhibaateysan yihiin umadda dan-yarta ah, Tigidhkii awal Shanta Dolar loogu goyn jiray waxa hadda qofka aan sidan lacag Dolar ah loogu bedelayaa ama laga qaadaya oo ay jaan-gooyeen Cisbitaaladdu in Tigidhka loo jaro markuu bixiyo 60,000 oo shilinka Somaliland ah, cadadka ku kordhay qiimaha Tikidhka loogu gelaayo dhakhtarka waa hal Dolar markaan bedelo.

Hadii aad awal koobka shaaha ah ee Kafayga ah siisan jirtay 0.5-hada waxa laga qaadaya 6000 oo shilinka Somaliland ah, taasina waa dhibaato kale, sidoo kale hadii aad awal ku quraacan jirtay 1-dolar, hadda hadii aad sidato Kaash, waxa laga qaadaya 12000 oo Shilinka Somaliland ah. Teeda kale goob kastaa oo baahiyihii aas-aasiga ahaa kaaga xidhmaa waxa laga raba Dolar, sida Laydhkii, Biyihii iyo Waxbaraashadii, hadii aad awal Ilmahaaga waxbarashadiisa ku bixin jirtay $20 Dolar, hadda marka doolar laguu diro ee aad soo waydo waxa uu ka qaadaya Iskuulkaasi 24000 oo Shilinka Somaliland ah. Arrimahan iyo kuwo kale oo aad u qalafsan iyadoo ay jireen markii horeba waxa sii sababay hadda waa go’aanka aan laga fiirsan, isla markaana aan cilmiga badan ku dhisnayn ee ay ku tallaabsadatay Xukuumadda tallada haysaa ee u hoggaaminayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Haddaba, waxa is-weydiin leh, oo u baahan in si caadifad iyo qabyaalad ka madhan looga jawaabo, go’aankani wax maka qabanaya Sixir-bararkii dadka haystay mise wuu kasii daray. Su’aashaas qaybaha bulshaddu waxay kaga jawaabayaan inay kasii dareen waxay soo kordhineyso daa’yoo. Xaaladda labadii maalmood ee u dambeysay ay dhex-heehaabayeen bulshada jilicsan ee Somaliland waxay ahayd mid warwarkeeda leh oo aan lagu sii jiri karayn, adeega la joojiyey ee Saadku waxa uu ahaa mid bulshada isku xidhaayey oo kii wax haystay iyo kii bila shaqada ahaa xeedho waxku wada cunaayeen.

Qoysas badan oo reer Somaliland ah, oo ay saamaysay dhibaatada shaqo la’aanta dalka ka jirtaa waxay hadda wehel mar kale la sii noqdeen inay quus iyo werwer kasii qaadan rajada noloshooda, kaddib markii la joojiyey adeeggaas. Dadka taageersan sii jiritaanka adeega Saad waxay doodooda ku salaynayaan inay ehelladooda iyo asxaabtooda ay kaga heli jireen adeega masaariffaha noloshoodu ku tiirsan tahay, oo maalintii qoyska ehelkiisa ka hela 5 Dolar, hadda aanu helayn ama hadii qofkaasi wax usoo diranaa aanu marnaba usoo dirayn wax u dhigma, maadaama oo qofku markan u arko waxa uu dirayaa inay badan yihiin, hase-yeeshee markii hore hal xaraf oo tiro ah uu di’raayey.

Ma jirto cid u maqan bulshada bay-hoofsan, Xukuumaddu waxay cashuuraha badan kooda ku qaada Dolar, sidoo kale ma jirto wax adeeg dadweyne ah oo ay dawladdu gacanta ku hayso sida Laydhka, biyaha, waxbarashadda intaba waxa maamula ganacsatado dhiigmiirato ah oo iyagga waxay arkaanba uu yahay Dolar, marka xaalku sidaas yahay sideebay shacabka Somaliland ee dan-yarta ah u dan ah. Dad badani waxay qabaan in Xukuumadda dib usoo celiso adeega Saad oo ah midka lacagaha lag qaato Mobelada. Kuwasoo ku doodaya hadii aan dib loo soo celin inay dhici karto kacdoon dadweyne oo saameeya dalka oo lagu diidan yahay go’aanka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, markaa ay guri walbaa aafadda sixirbararku albaabka uga gasho.

Culimada ku takhakhustay Cilmiga dhaqaaluhuu waxa ay sheegeen in adeegga Saad uu yahay, mid si toos ah ula dagaalama kolba kor u usii kaca Dolar, waxanay tusaale ugu soo qaatan in Lacagta lagu qaato Mobelku lamid tahay Doolar, oo waqti kastaa uu Dolarku badan yahay, sidoo kale waxa ay arrinkaa markhaati cad uga sii dhiggaan, hadii aanu jiri lahayn adeegga Saad in Halka Dolar maanta mari-lahaa 20,000 oo Shilinka Somaliland ah, maadaama oo Dolar cad oo khaliya uu noqon lahaa, hase-ahaatee adeegga Saad-ku waxa uu suuqyada ku kordhiyey Dolarka, sidaas daraadeedna waxa uu dabar weli hor-taagan u yahay inuu sii socdo doolar. Waxa’se ugu badan ee dhawrkii biloodba mar Dolarka sii kiciyaa, arrimo iskugu jira hawl-gabnimada Banka iyo ganacsatada wax soo dejisa ama kuwa Lacaga Sariifka




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured