Dhaq-dhaqaaqa Dekedda Berbera oo Kor Usii kacaaya Maalinba Maalinta ka Dambaysa iyo Isla Jaan-qaadka Maamul ee Maareeyaha Dekedda Iyo Shirkadda DP World

0
Monday March 19, 2018 - 02:28:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2612
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaq-dhaqaaqa Dekedda Berbera oo Kor Usii kacaaya Maalinba Maalinta ka Dambaysa iyo Isla Jaan-qaadka Maamul ee Maareeyaha Dekedda Iyo Shirkadda DP World

    Dhaq-dhaqaaqa Dekedda Berbera oo Kor Usii kacaaya Maalinba Maalinta ka Dambaysa iyo Isla Jaan-qaadka Maamul ee Maareeyaha Dekedda Iyo Shirkadda DP World

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhaq-dhaqaaqa Dekedda Berbera oo Kor Usii kacaaya Maalinba Maalinta ka Dambaysa iyo Isla Jaan-qaadka Maamul ee Maareeyaha Dekedda Iyo Shirkadda DP World

Umaddii waxay Guul ku gaadhaa, marka uu dhex-deeda ka dhasho is faham iyo wadasheyn ku jaan go’aan hiigsiga iyo horumarka la qorsheeyey in la gaadhsiiyo qaranka loo shaqeynaayo. Dekedda Berbera waxay kamid tahay meelaha la cabiro mustaqbalka Somaliland iyo hana-qaadka qaranimo qaan-gaadh ah oo ay ku talaabsatay jamhuuriyadda 30-ka sanno cago-cageynaysaa.

Somaliland dal ahaan iyo dad ahaanba waa xor, waa dal Dimuquraadiya oo aan cidna fikirkeeda loo cabudhin iyo aragtida uu qabo, sidoo kale waa dal nasiib badan oo leh nidaam la mahadiyey oo lagula kala wareego hoggaaminta dalka, isla markaana waa dal ay ka dhacaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah, waxa kaloo intaa dheer waa dal ay dadkiisu mucaarid iyo muxaafid wada aamin san yihiin jiritaankiisa qaranimo iyo dufaacistiisaba.

Hadii aan usoo noqono dhinaca kori-taanka ganacsi iyo isku xidhnaanshaha ganacsiga mandaqadda Somaliland ku taalo waa mid ay maalin walbaa, maalinta ka dambaysaa wax usii korayaan. Dekedda Berbera waa muraayada laga cabiro astaanta dalkan, Dekedani Maanta waxay mashquul ku tahay ganacsi isdhaafsiga badeecooyinka, iyadoo ay hadda %51 ay maamusho Shirkadda horumarisa Dekedda caalamka, haddana waa Dekedd Somaliland leedahay, waxana jooga maamul metella oo maalin iyo habeen ku hawlan horumarintaa dekeddaas.

Faraca badda ee Dekeda Berbera waxa maareeye ka ah masuul hawlkar ah oo ilahay hibo u siiyey horumarinta meel kastaa oo u tago, masuulkani waxa uu si weyn uga shaqaysiiyey oo u kor u qaaday hanaanka ganacsi ee Dekedan, sidoo kale waxa uu Maareeyaha faraca bada ee Somaliland is-waafajiyey nidaamka macaamil ee ganacsatada iyo Shirkadda maamusha Dekedda ee DP World. Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu sumad u noqday dorba sansankeedi ka muuqda hiigsiga Dekedda Berberi leedahay ee ah inay lamid noqoto Dekedaha waaweyn ee ku yaala Dalalka Imaaraadka Carabta. Teeda kale Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu noqday shaqsi u hagar baxaya dib u casriyeynta iyo dhismaha Dekedda cusub ee la filayo in daba-yaaqadda sannaadkan aynu ku jirno gaadho Dekedda Berberi hadii alle Idmo, waxa uu noqon doonaa masuul himiladiisa iyo hamigga qaran ee u leeyahay gaadhsiiya dalka Somaliland-na doorka ciyaara mustaqbalka wanaagsan ee u rajeynaayo sannadaha soo socda.

qalinkii

Farxan Guuleed Warsame.

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured