ZAAD Iyo E-DAHAB Waa Adeegyo aan Laga Maarmi Karin!!. Qalinkii: Naasir Saleebaan (Naasir-gargaar)

0
Sunday March 18, 2018 - 03:22:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1458
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ZAAD Iyo E-DAHAB Waa Adeegyo aan Laga Maarmi Karin!!. Qalinkii: Naasir Saleebaan (Naasir-gargaar)

    ZAAD Iyo E-DAHAB Waa Adeegyo aan Laga Maarmi Karin!!. Qalinkii: Naasir Saleebaan (Naasir-gargaar)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ZAAD Iyo E-DAHAB Waa Adeegyo aan Laga Maarmi Karin!!. Qalinkii: Naasir Saleebaan (Naasir-gargaar)

Sida aan wada ogsoonahay waxa bulshada Somaliland ku habsaday sicir barar iyadoo lacagta shilling Somaliland uu qiimaheedu hoos u dhacay tan iyo waqtigii xukuumadda xisbiga kulmiye talada la wareegay.ee 2010, iyadoo marwalba marka ka danbaysay lacagtu sii qiimo dhacaysay ilaa markii la soo daabacay lacagta noodhka 1000 $ 5000 kun ee shiling Somaliland iyadoo ay dabar go’day lacagtii noodhka ahayd ee 5,10,20,50.100 shilling Somaliland.

Badanaa waddan kasta dawladdiisu waxay culayska saartaa siday lacagtooda u tayayn lahaayeen, waddamada hore u maray ee warshadaha iyo wax soo saarka dhaqaalaha leh way ku dhacdaa in sicir barar ku dhaco iyagoo Waddamada iyo daafaha dunida u dhoofiya alaabada kala duwan sida dalalka Japan, Egland, Russia, China iyo Nigeria.

Waddamo badan oo qaaradaha Adduunka ka mida maaha sicir bararku mid ku cusub dunida iyo Somaliland toona, waddamada wax soo saarka dhaqaalaha Leh siyaabaha ay ula tacaalaansicir bararka ee lacagta qiimo loogu yeelaa waxa tahay

1. sell foreing exchange assets and buy their own currency, markaa lacagahaa qalaad ee ay iibiyaan waxay sababtaa inay qiimaha lacagtooda kor ugu soo qaadaan hoosna u ridaan lacagta dollar ka ah

2. Higher interest rates, waddamada hore u maray waxay had iyo goor central bankoodu kaantaroolaa dhaqdhaqa lacagta waddanka, iyagoo kaydiya si ay kor ugu soo qaadaan kobcinta dhaqaalaha dalka, iyagoo wax soo saar badan ( productivity growth economic and political stability ) sameeynaya, runtii siyaaba badan ayay loola tacaala sicir bararka taasi oo central bank ku joojiyo in wax lacaga soo daabacdaan.

Anigoo kusii dheeraanayn waddamada hore u maray, aan u soo laabto Somaliland maanta warshado wax soor leh oo ay Adduunyada u dhoofiso malaha waynu wada ogsoonahay in sicir bararka lala taacalo oo lacagta noodhka shilling Somaliland la isticmaalo waxay inoo tahay sharaf lacagteenana qiimo u yeelno.

Dawladdii siilanyo ee maamulkii hore ayaa sabab u ahaa sicir bararka Somaliland ka dhacay markii lasoo daabacay lacagta noodhkadabargooyay noodhkeedii hoose laha, Xukuumadda maanta ee Madaxwaynaha u yahay Mudane Muuse Biixi Abdi looma nisbayn karo arimahan sicir bararka, laakiin waxa lagu wareejiyay dal aan waxba dhex oolin oo madhan iyo ummad midnimadoodii daciiftay oon isku duubnayn, haddii qofka masuul looga dhigo guri madhan oo u baahan in la qalabeeyo muddo ayay ku qaadanaysaa, Marka horta Madaxwayne Muuse Biixi waxaan ilaahay uga Rajaynayaa in Xilkaa ilaahay ku Asturo Hawlaha Qaranka Somaliland ilaahay u fududeeyo, waa qof wanaagsan oo qalbi fiican oo Ilaahay Dulqaad siiyay jecelna in uu dalkiisa iyo ummadiisa wax ugu qabto. Haddaba waxaan Madaxwaynaha u soo jeedin lahaa dhibaatooyin badan ayaa xukuumaddii xisbiga kulmiye maamulkii hore kaa horeeyay ee Madaxwayne Siilanyo maamulkiisii hoose ka tageen ayaa jiray, in Shirkadahawaawayn ee ganacsatada Somaliland ay kaga cabanayeen qaarkood tusaale ahaan, iyadoo ay sida Shirkada Telesom ee Adeedga telefoonada gacanta bixisaa ku cabanayeen Sanado badan in Cable-ka bada hoosteeda mara in ay beriga keenaan, runtiina cadaalad-daro ka tirsanayeen maamulka kulmiye ee Xukuumaddii Madaxwaynihii kaa horeeyay sida uu Caddeeyay Wasiir ka Tirsanaa Xukuumadda hore xisbiga Kulmiye Mudane Abdilaahi Geel-Jire inuu ka mid ahaa waqtigaa gudida hawshaa gashay sheegayna in cadaalad-daro jirtay markii loo diiday Shirkadda Telesom ayna xaq u lahayd sida muwaadiniinta Shirkadaha kale. Waxa hadda jirta in aad maalmahan aad loo hadal hayo hakinta xadiga lacagta la iskugu diro ee Adeegga Zaad ee Shirkadda Telesom & E-dahab ee shirkadda Somtel, amaro cusub aad ka soo saartay Heshiisyana wada gasheen Shirkadaha bixiya adeegda kor ku xusan, iyagoo fuliyay Amarkii Madaxeynaha iyo Guddoomiyaha Bankiga dhexe Mudane Maxamed Cabdi Dhoobale,idinkoo dhamaan Xukuumad iyo Bank iyo Shirkadaha Telesom iyo Somtel ku dadaalayseen sidii sicir bararka looga bixi lahaa iskuna af garateen.

Haddaba, Madaxwayne kolay waad ogsoontahay in dollar dalka soo gali jiray yaraaday iyo sida lacagtii dollarka ahayd ee kasoo noqon jirtay XoolahaDalka Yemen loo dhoofin jiray aanay jirin iyo lacagta Dekedda ka soo xeroon jirtay waayadii hore, iyadoo hadda gacanta ku hayso Shirkadda DP.World dollar Dekedda ka soo baxa.

Haddaba iyadoo yaraanta dollar soo gali jiray Dalku haddana in badan ku dadaasheen sidii ummada reer Somaliland sicir bararka uga yarayn lahaayeenBulshada iyagoo suuqa dollar u iib gaynayaan si qiimaha shilling kor ugu soo qaadaan, laakiin uu ka awood batay Bank Guddomiyahaa Bangiga dhexe Mudane Maxamed Abdi Dhoobale iyo Agaasimaha Guud mudane Abdilahi Xasan Aden, iyagoo ganacsatada kale duwan ee Somaliland la kaashaday, iyadoo Bulshada danyarta ah ay dhibtu taabatay inta abaaraha iyo sicir bararku ku habsaday, waynu wada dareemi karnaa xanuunka, ilaahayna ha inaga saareee dalkuna wuxuu u bahan yahay in laga shaqaysiiyo lacagta waddanka qiimaheeda, idinkoo la kaashanaya Cid kasta oo aad ku tuhmaysaan inay wax idin kala qaban karto.

lacagta Somaliland haddii la kaydsato oo suuqa laga yareeyo oo qiimaha dollarku hoos ayuu u dhacayaa, waa haddii la helo lacag dollar ah oo lagu soo xareeyo, wax soo saar malaha Somaliland oo shay kasta waddamada dibadaha ayaan ka soo iibsanaa, waxa ugu yar ee xataa aan beeran karno sida khudrad hadday tahay kalluun, milix ayaa dollar lagu soo iibiyaa, Markaa Madaxwayne dalkan Somaliland waa ( Barwaaqo Baahan ) run ahaan Isticmaalka labada Adeeg ee Zaad & E-dahab waxay danyarta reer Somaliland u fududaysay gurmadka deg-degga ah oo qof kasta faa’idadeeda iyo faa’iida daradeeda waxa dareemaya Bulshada baahan ee danyarta ah, hadday miyi iyo magaalaba joogaan, waad ogayd siday Abaarihii Dalka soo maray Gurmadka loogu gaadhsiin jiray Adeegga Shirkadaha Telefoonadu bixiyaan ee lacagaha la iskugu diro, markaa waa adeeg loo baahanyahay ilaa hadda oo aan Bulshada Somaliland ka marmayn, markaa waxaan kaa sugaynaa in aadBoogihii hore ee maamulkii tagay aaddhaydo oo sinaantii, midnimadii iyo wada jirkii ku soo celiso Dalka, laakiin ha raad-raacin Wasiiradii hore amarada iyo cabudhinta Xukuumaddii hore Ganacsatada reer Somaliland qaar ku hayeen , Mudane Madaxwayne Shirkadaha dalkana hoos u eeg oo dhegayso cabashadooda oo waxay tabanayaan si loo helo Xal.

Qalinkii: Naasir Saleebaan (Naasir-gargaar)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured