"...Markii Maxkamada Ay U Cadaatay In Dhaxal Aan La Kala Qaybsan Oo Dadkii Dhaxalka Lahaa Ay Kala Maqan Yihiin Oo Sidaasi Ay Noogu Xukutay Gurigaasi Uu Nagu Qabsaday Ninkii Aanu Ka Kiraynay, Ayaa Hadana Fulintii La Hortaagan Yahay" Naasir Cabdilaahi Nuur 

0
Saturday March 17, 2018 - 21:45:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1333
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "...Markii Maxkamada Ay U Cadaatay In Dhaxal Aan La Kala Qaybsan Oo Dadkii Dhaxalka Lahaa Ay Kala Maqan Yihiin Oo Sidaasi Ay Noogu Xukutay Gurigaasi Uu Nagu Qabsaday Ninkii Aanu Ka Kiraynay, Ayaa Hadana Fulintii La Hortaagan Yahay" Naasir Cabdilaahi Nuur 

    "...Markii Maxkamada Ay U Cadaatay In Dhaxal Aan La Kala Qaybsan Oo Dadkii Dhaxalka Lahaa Ay Kala Maqan Yihiin Oo Sidaasi Ay Noogu Xukutay Gurigaasi Uu Nagu Qabsaday Ninkii Aanu Ka Kiraynay, Ayaa Hadana Fulintii La Hortaagan Yahay" Naasir C

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"...Markii Maxkamada Ay U Cadaatay In Dhaxal Aan La Kala Qaybsan Oo Dadkii Dhaxalka Lahaa Ay Kala Maqan Yihiin Oo Sidaasi Ay Noogu Xukutay Gurigaasi Uu Nagu Qabsaday Ninkii Aanu Ka Kiraynay, Ayaa Hadana Fulintii La Hortaagan Yahay" Naasir Cabdilaahi Nuur 
Hargeysa, (Xogreebnews) – Naasir Cabdilaahi Nuur Dirir ayaa sheegay in Guriga labaad (Makhsinka 2) oo ay ka kireeyeen Axmed Cali Xaaji Maxamed oo isna mudo labaatan sano ah ku jiray Gurigaasi oo ku yaala faras-magaalaha Hargeysa uu ku qabsaday, kadibna markii Maxkamada Degmadu Hargeysi ay kiiskaasi gashay ay u xukuntay qoyska ilma Cabdilaahi Nuur Dirir ee guryahaasi leh, isla maarkaana aanu jirin xiligaasi cid xukunkaasi rafcaan ka qaadatay.
 
Hase yeeshee Naasir Cabdilaahi Nuur waxa uu intaasi ku daray in ilaa iyo hadda la hortaagan yahay in la fuliyo xukunka Maxkamada, waxaanu yidhi isagoo arimahaasi faahfaahinaya "Guriga Labaad ee dhaxalkii Aabahay ee aanu ka kiraynay Axmed Cali Xaaji Maxamed ee uu labaatanka sano ku jiray ee uu maxkamadihii la heshiiyey oo uu gurigaasi uu dib u sii iibiyey isagoo si sharci daro ah ku doonay inuu gurigii ku qaato.
Waxa jira xukunkaa Maxkamada Degmada Hargeysi ka soo baxay, oo sheegaya in dadkii dhaxalka wada lahaa ee Walaalaha ahaa uu ku yidhaahdo guriga anigaaba iibsaday oo bishii u dambaysay markii uu kirada diiday inuu bixiyo, iyagoon dhaxalna kala qaybsan Maxkamada degmadu xukunkaasi ayay samaysay oo ay ku sheegtay in ninka isbeenfariimay ee yidhi ‘way iga iibiyeen ay cadaatay inaan wax laga iibiyey jirin.
Waxa Maxkamada u cadaatay in dhaxal aan la kala qaybsan oo dadkii dhaxalka lahaa ay kala maqan yihiin, dhaxalna aan la iibin karin ilaa loo dhan yahay waxaana sidaasi naloogu xukumay gurigaasi uu nagu qabsaday ninkii aanu ka kiraynay.
Markaa waxay noqotay in xukunkii naloo fuliyo oo ninkiina meesha nalooga saaro, taas ayaanu isnidhi Maxkamadii Degmadaa ayaanu xukunkii la tagnay markii aanu fulintii weynay, Maxkamada Degmadu way diiday in aanu xukunkaasi gali karin oo waxa uu noo sheegay wax aan caqli gal ahayn oo sharci daro ah.” Ayuu yidhi Naasir Cabdilaahi Nuur Dirir, waxaanu intaasi ku daray "Caadiyan sida uu sharcigu yahay ee ay Maxkamaduhu yihiin ee Cadaaladu ay tahay, xukunka Maxkamada degmada waxa isla taga, cid wax isla leh oo dhaxal ah ama dad isqaba ayuunbaa isla tagi kara cid kalena ma soo gali karto, waxa dhacday xukunkaa labadii dhinac ee is-hayey kalsooni ayay ka qabeen xukunkaa oo waxa weeyaan cid diidanayd may jirin, bacdamaa cid wax ka iibisay aanay jirin waxay noqotay in xukunkii labadii dhinac cid Rafcaan ka qaadatayba aanay jirin, fulin ayuu xukunkii galayaa mar hadii labadii dhinacba aanu Rafcaan ka qaadan, markaa fulin in ninkii meesha nalooga saaro ayaanu dalbanay oo xukunkii aanu isticmaalno bileys ayaanu soo kaxaysanay in aanu ninkii ka bixino tiina way dhici wayday, waxaana dhacday in lacago la adeegsado oo dad masaakiin ah oo dumar uun ah lagu joogsado.
 
xukunkaa Maxkamada Degmada markii uu soo baxay, cida xukuno kale samaysatay ee aan labada dhinac ahayn anagu waanu fahmi weynay, markii aanu aragnay ee nala soo hordhigay ee nalagu yidh ‘Xukunkiina Lama Filinayoo, Xukuno kale ayaa jira oo been abuur ahoo kan beeninaya’ oo wax ay ku baabiiya oo sharci ahina aanay jirin oo cid labadan dhinac ka qaadatay Rafcaan aanu jirin, taasina waa mid ku cusub Somaliland oo inta uu Gudoomiyahan cusubi uu yimid dhacay.
Maxkamada Degmadu markii ay xukunkii in naloo fuliyo la diiday waxay noo sheegeen in gudoomiyaha Maxkamada Sare inuu kiiskan ku lug leeyahay oo uu gacanta ku hayo in aanu isaga u dacwoono hadii uu sax ka yahay fulinta wuu soo ogolaan doonaa oo waanu u tagnay, sidiibaanay u dhacday oo Maxkamada Sare ayaa u qoranay dacwad aanu leenahay xukunka noo fuliya, xukun uu noo fuliyo daaye, xukunadii kale ee Foojariga ahaa ee naloo samaystay ayuu nagu socodsiiyey.
Hadaba maanta oo ay sidaasi tahay waxaan doonaya inaan hadalkayga ku socodsiiyo Madaxweynaha, Gudiyada shuruucda Baarlamaanka in waxan maanta dhacay ay tahay wax aan dhicin intii Somaliland jirtay oo cajab ku ah Somaliland.” Ayuu yidhi Naasir Cabdilaahi Nuur Dirir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured