Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil oo Burbur Qarka u Saaran iyo shaqaale Isugu Jira Saraakiil Mashruuca loo qoray iyo Kuwo la Taba-tabaray oo Iscasilay

0
Saturday March 17, 2018 - 02:24:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1188
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil oo Burbur Qarka u Saaran iyo shaqaale Isugu Jira Saraakiil Mashruuca loo qoray iyo Kuwo la Taba-tabaray oo Iscasilay

    Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil oo Burbur Qarka u Saaran iyo shaqaale Isugu Jira Saraakiil Mashruuca loo qoray iyo Kuwo la Taba-tabaray oo Iscasilay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil oo Burbur Qarka u Saaran iyo shaqaale Isugu Jira Saraakiil Mashruuca loo qoray iyo Kuwo la Taba-tabaray oo Iscasilay

Berbera(Xogreebnews)-Warar lagu kalsoon yahay, oo u dhuun-daloola mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil ay ka wadday Shirkadda Ras Al Khaimah ayaa shaaca ka qaaday inay iska casileen hawladeenadii mushruucaasi ka hawlgeli lahaa ee u soo xushay Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Md. Jaamac Maxamuud Cigaal kasoo qoray deegaanada gobolka Saaxil, gaar ahaana dhinaca shidaalka laga baadhayo ee gubanka Berbera.

Wararka, ayaa sheegay inay shaqada ka tageen Koox Dareewaladda Gaadiidka ah oo mashruucaas loo Tabo-baray, sidoo kalena waxa xogguhuu intaas raaciyeen inay shaqada faraha ka qaadeen afar Madax-waaxeed oo mashruucaas ka hawlgeli lahaa. Arrimahan ayaa lala maamul xumo iyo wax is-damarin lagu eedeynaayo Wasiirka Macdanta Md. Jaamac Maxamuud Cigaal.

Eedeymaha uu la dhaqaaqi waaweyey mushruucu ee dhinaca Wasiirka, ayaa tilmaamay in Wasiirku musuq-maasuq dhinaaca maamulka mashruucaas cid gaar ah oo Beeshiisa ah ku naas-nuujiyey sidoo kalena waxa jiray eedeymo hore oo ahaa in shaqaalaha mashruucaas uu kasoo qoray deegaankiisa Wasiirku iyo eedeyntan haddana ay la xidhiidho in aan dhaqaalihii loo qoondeeyey inuu ku baxo shaqaalaha mashruucaas uu Wasiirku badhka u deegaankiisa kasoo qorayna uu kordhiyey badhka kale ee Deegaanada Saaxil uu ka qorayna u qoray wax aan kala badh ka noqoney dhaqaalaha lagu bixin jiray mashaariicda Sahaminta shidaal ee sananaadihii lasoo dhaafay laga soo sameeyey Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil, ayaa waxa dul-hogganaya caqabado waaweyn oo u la dhaqaaqi kari la’yahay mashruucaasi, kuwaasoo intooda badan masuuliyadiisa lala xidhiidhinayo wasiirka, hase-yeeshee waxa uu mashruucaasi u gudbi kari la’yahay dhinaca deeganada laga samaynaayo baadhista Shidaal, kaddib markii Wasiirku u sheegay deegaanada Gubanka Berbera in Shirkaddu qofka shaqaalaha ah ee Kuuliga ah ee deegaankaas laga qoraayo uu ku bixin doono ama maalintii qaadan doono Lacag $5 Dolar ah, taasoo ay la yaabeen waxgaraadka deegaanadaas, oo iyaggu ku doodaya inaanay macquul ahayn inay Berbera oo Kuleyl ah, isla markaana duruufo badani oo baahiyeed qofka la kulmayaan, hadana Kuuliga la qoray inuu ka Yoom-yaraado Kuuliyadii hore ee kasoo shaqeeyey deegaanada Caynaba, Oodweyne iyo Waraabeeye.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured