Ka baddalo Dollar oo u baddalo Shillin adigoo adeegsanaya Saad -ka Telesom

0
Monday March 12, 2018 - 20:10:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1552
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ka baddalo Dollar oo u baddalo Shillin adigoo adeegsanaya Saad -ka Telesom

    Ka baddalo Dollar oo u baddalo Shillin adigoo adeegsanaya Saad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka baddalo Dollar oo u baddalo Shillin adigoo adeegsanaya Saad
Hargeysa(Xogreebnews)-Adeega cusub ee dhawaan shirkadda Telesom soo bandhigtay ee Zaad Somaliland Shillin waa adeeg bulshada reer Somaliland aad u soo dhaweeyeen. Waxaan odhan karaa waa baahi kale oo ummaddu qabtay oo ay ka jawaabtay Shirkadda Telesom. 
Adeegani wuxuu dhiirigeliyaa isticmaalka Shillinka Somaliland waana talaabo ay ku amaanan tahay Dawladda Somaliland ee uu hogaamiyo Mudane Muuse Biixi Cabdi oo dhawaan guddi u saarray kasoo talo bixisa qiima dhaca shillinka Somaliland.
Guddidii Madaxweynuhu u saarray kasoo talo bixinta qiima dhaca shillinka Somaliland waxaa ka mid ahaa goaamaddii ay soo saareen in isticmaalka adeegyada Zaad iyo E-dahab ee dollarka loo badalo Shillinka Somaliland, haddaba waxay shirkadda Telesom taariikhdu markay ahayd 05/03/2018 soo bandhigtay adeega Somaliland Zaad shillin oo jawaab u ah goaankii dawladda. 
Haddaba adeegan Somaliland Zaad Shillin muxuu yahay? Faaiido intee leeg ayuu u leeyahay Bulshada Somaliland? Somaliland Zaad shillin wuxuu dhiirigelinayaa Shillinka Somaliland oo galaya halkii doollarka, wuxuuna u fududaynayaa bulshadda inay dollarkooda ugu jira Zaadka u bedelan karaan Somaliland Shillin waana xaddiga ka yar boqol dollar.



Wuxuu kaloo adeegani u fududaynayaa bulshadeena ku dhaqan miiya iyo meelaha ka durugsan magaalooyinka ee lacagi ugu jirto Zaadkooda inay si fudud ugu badalan karaan Somaliland shillin iyagoo halkooda jooga isla markaana ay ku muraadsan karaan kuna iibsan karaan waxay u baahnaayeen. Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay iswaydiinayaan tolow shirkaddii Telesom ma waxay isku bedeshay sarrifle oo waxay kusoo biirtay suuqii sarriflayaasha, sida ku caddayd bandhigii adeegan waxa keliya oo adeegan suuro geliyaa waa isku badal ee maaha sarrif, sida aynu wada ognahay sarrifku wuxu leeyahay gacan hore iyo mid dambe laakiin adeegani waa isku badal keliya aan faaiido lahayn.
Waxaan odhan karaa waa adeeg ka jawaabaya baahidii markii horeba taalay oo gaar ahaan aad u saamaysnaysa bulshada ku dhaqan miiga iyo meelaha ka durugsan magaalooyinka ee inta yaree ugu jirta Zaadkooda wali ku adeegan kara iyagoon sarrifle iyo meelkale u baahan. 
Adeeggani wuxuu aad u sahli doonaa dhag-dhaqaaqa ama sare/hoos u kaca/dhaca Shillinka Somaliland oo qiimihiisa uu goyn doono Bangiga dhexe ee Somaliland halka maanta sixirka lacagaha ay sarriflayaal aan ummaddan u tudhayn oo kolba halka ay doonaan ugu dhufta raadiyana keliya halka ay ugu jirto faaiidadu. Bangiga dhexa ayaa awood buuxda u leh maamulka sixirka lacagaha dhex wareegaya waddanka, arrintana way fududaynaysaa maamulida sixirka lacagaha oo qiimaha waxa jaraya Bangiga dhexe.
Guntii iyo gebo-gebadii waxaan leeyahay waa adeeg lagu diirsaday oo bulshadu aad u soo dhawaysay, Telesom waxaan leeyahay halkaa kasii wada dedaalka iyo ka jawaabista baahiyaha bulshada, Dawladduna way ku mahadsan tahay dedaalka ay ugu jirto raadinta dhabta ah ee qiima dhaca Shillinka Somaliland.

Dr. Cabdilaahi Cagaweyne  dcagaweyne@gmail.com Hargeisa Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured