Ganacsade Reer Jabuuti Ah Naasir Cabdilaahi Oo Cabasho Ka Muujiyey In Garsoorka Somaliland Ku Guuldaraystay Inuu Wax ka Qabto Dad Guryo Ka Kiraystay Oo Mulkiyado Kale U Samaystay

0
Sunday March 11, 2018 - 19:19:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsade Reer Jabuuti Ah Naasir Cabdilaahi Oo Cabasho Ka Muujiyey In Garsoorka Somaliland Ku Guuldaraystay Inuu Wax ka Qabto Dad Guryo Ka Kiraystay Oo Mulkiyado Kale U Samaystay

    Ganacsade Reer Jabuuti Ah Naasir Cabdilaahi Oo Cabasho Ka Muujiyey In Garsoorka Somaliland Ku Guuldaraystay Inuu Wax ka Qabto Dad Guryo Ka Kiraystay Oo Mulkiyado Kale U Samaystay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ganacsade Reer Jabuuti Ah Naasir Cabdilaahi Oo Cabasho Ka Muujiyey In Garsoorka Somaliland Ku Guuldaraystay Inuu Wax ka Qabto Dad Guryo Ka Kiraystay Oo Mulkiyado Kale U Samaystay H
Hargeysa,(Xogreebnews.com)- Ganacsade Naasir Cabdilaahi Nuur Dirir ayaa sheegay in Garsoorka Somaliland ku guuldaraystay inuu wax ka qabto dad guryo uu leeyahay ka kiraystay oo mulkiyado kale u samaystay, isla markaana diiday inay uga baxaan.
Naasir Cabdilaahi Nuur ayaa sidoo kale tilmaamay in dadkaasi Guryaha oo ku yaala farasmagaalaha Hargeysa ay kaga jireen mudo 20 sano ah balse hada ay diideen inay uga baxaan, isla markaana dacwado uu u gudbiyey Garsoorka dalka ay ka wax qaban waayeen.
Naasir Cabdilaahi Nuur Mar uu maanta la hadlayey warbaahinta dalka ayaa waxa uu yidhi "Rashiib Ibraahim Ciise Durdur waxa uu ku jiray labaatan sano, isagoo mulkiyadii guryahayaga uu naga kiraystay baanan lacago kaga amaahday, oo mulkiyado isaga u gaar ah uu samaysto oo uu doono qoyskayaga dhexdiisa inuu ka dhex kalluumaysto oo dadkii maatida ahaa iyo maxastii lacag qaadan karayey uu lacag siiyo oo aanu hayno cadaynta lacagtii uu siiyey qoyskayaga dhexdiisii oo uu dumarkii iyo ragayagii qaar intuu lacag siiyo oo uu yidhaahdo si aad ii badbaadisiin, dhaxalbaanu furaynaa oo dhaxalka ayaan idinku soo hagaajin doonaa.
Waxa uu noqday nin Maxkamadihii isagu iska yeeshay, wuxuu noqday nin isagu dawladii iska yeeshay oo lacagbaan hayaayoo sharci daro wax badan ku qaato, sidaasina waxaan kuu sheegayaa in xoolo rag aan waxaasi lagu qaadin iyo warqado yaryar oo tuugo ay soo saartay oo dalka doonaya inay kharibaan, waxaasi xoolo rag laguma qaadan karo, ina ciise durdurna inta aanu noolnahay iyo kaarto aboo iyo Ethiopia wixii la isku musuqmaasuqayey inuu noola yimaadaa iyo hebel ayaan ka sii iibsaday iyo hebel kale ayaan ka sii iibsaday, mar haduu arimahayaga iyo shakhsiyadayada iyo dhaxaladayada, konton sano ka dibna haduu sheegto, waa hadii jiritaankayaga iyo raganimadayada aanay waxba ka jirin.
Wuxuu noola kacay isagoo maxkamadii adegsanaya oo sharcigii dadka u dhexeeyey adeegsanaya oo Maxkamadii adeegsanaya oo hanjabaad iyo handidaad adeegsanaya isagoo inuu dambiile yahay ay cadahay inuu nagu sameeyey, intaas oo jeer ayaanu dacwad galnay oo aanu xeer ilaalinta u gudbinay oo waxba laga qaban waayey waxa uu noo cadeeyey in meel walba uu isagu nagaga gacan sareeyo.
Sidaa daraadeed waxa noo cadaatay markii ay gaadhay inuu sharcigiina gacanta ku haysto oo uu xaakino lacag siiyo oo kuwii aanu qabsanay uu lacag siiyo oo uu cid walba lacag siiyo oo uu u qaato inuu sharcigii nagaga sareeyo, waxa dhacday in warqadahaa aad halkaa ku arki doontaan uu noo hanjabo, markii uu Maxkamadihii isticmaalay oo gurigii aanu ka saaraynay aanu ka saari kari weynay, in intaas oo dhan uu hanjabaado lagula kacay oo markii aanu xeer-ilaalinta ka dacwaynay waxba laga qaadi waayey oo kiiskayagii halkii lagu daboolay.
Iyadoo ninkaasi Rashiib Ibraahim Ciise Durdur ee maatidayadii aanu dhaxalka wadalahayn ee aanaan kala qaybsanba uu lacag nagu kala qaybiyey oo uu warqado foojariya uu Dawlada Hoose ka samaystay, in arimahaasi la furo oo dib loo baadho, oo damacaasi uu ku doonayo inuu xoolahayaga ku qaato wax laga qabto oo sidaa lagu ogaado ayaan doonayaa.” Ayuu yidhi Naasir Cabdilaahi Nuur Dirir oo ah Muwaadin reer Jabuuti ah oo dhalasho ahaana ka soo jeeda Somaliland.
Dhinaca kale Muwaadin Naasir Cabdilaahi Nuur Dirir oo dhawaan cabasho xoog leh ka muujiyey in Guryo dhaxal ah oo ay lahaayeen tan iyo 1952-dii oo ku yaala Faras magaalaha Hargeysa oo ay dad kiraystayaal ahaa ay u samaysteen Mulkiyad kale oo ay ku sheegteen lahaanshiyo, ayaa soo bandhigay sidii garsoorka dalku uga garnaqay dacwadahaasi oo uu saluug badan ka muujiyey.
Waxaanu qaar ka mid ah garsoorayaashii dacwada uu ku eedeeyey eex qabiil iyo qabyaaladaysan ay ku garabsiinayaan kuwii guryaha ka kiraystay ee ku qabsaday ee uu ka midka ahaa Ganacsade Rashiib Ibraahim Ciise Durdur.
Mr Naasir Cabdilaahi Nuur Dirir isagoo arintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi "Ganacsade Rashiib Ibraahim Ciise Durdur waxa uu laaluushay Maxkamadihii oo uu lacag u qaybiyey si ay xukuno Been abuur ah ugu soo saaraan.
Waxaanu  guddi Cadaaladu u qornay warqad anshax marin ah balse Gudoomiyaha Maxkamada sare wax jawaab ah kamuu soo bixin wixii aanu u qornay oo wuu hortaagan yahay. 
Ganacsade Rashiib Ibraahim Ciise Durdur si fooljariya ayuu ku sameeyey mulkiyadaha hore ee aqaladayada waxaanu gaadhay inuu yidhaahdo ii xukuma aqaladayada, waxaas oo dhana waxa sameeyey garsoorayaashii ay isku reerka ahaayeen, waxaanu qoranay warqad anshax marin ah si xukunadaa been abuurka ah wax looga qabto, ilaa imika gudoomiyaha Maxkamada Sare wuu diidan yahay inuu warqadii uu jawaab celin ka soo sameeyo been abuurkii.” Ayuu yidhi Naasir Cabdilaahi Nuur Dirir, waxaanu intaasi ku daray "Musuqmaasuqa Dawlada Hoose ee Hargeysa ay samaysay ee ay u hirgalinayso oo ay musuqa Maxkamaduhu nagu sameeyeen ay ugu xalaalaynayaan waxay muujinaysaa inay noqotay Saylad, cadayntoodiina waanu wada haynaa sidaa warqadahaasi uu ina Ciise Durdur u dhigtay ee uu u samaysay.
Cadaalad darada la adeegsanayo ayay xoolo rag doonayaan inay hadal ku qaadaan, iyadoo hore inta mulkiyado loogu soo samaystay.
Gudoomiyaha Maxkamada Sare hadii aanu lug ku lahayn ha iska baraxo, waxaanan filayaa in degdeg ay arintaasi usoo bixi lahayd oo jawaab ayaa laga heli lahaa, wax walbana waxaan u hayaa cadaynteedii sida uu ina Ciise Durdur ugu badheedhay, sida raga garsoorayaasha ahi ay lacag ugu qaataan arintaasi.” Ayuu yidhi Naasir Cabdilaahi Nuur.SSawV



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured