Dacwadii UNta Ee Soomaaliya, Doodii Jaamacada Carabta Ee Doraad, Dagaalkii Dibloomaasiyada Ugu Danbeeyey Iyo Dareen La,aanta Wasaarada Khaarajiga Somaliland.Faalo: C.S.F(Jeesto).

0
Saturday March 10, 2018 - 22:26:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1305
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dacwadii UNta Ee Soomaaliya, Doodii Jaamacada Carabta Ee Doraad, Dagaalkii Dibloomaasiyada Ugu Danbeeyey Iyo Dareen La,aanta Wasaarada Khaarajiga Somaliland.Faalo: C.S.F(Jeesto).

    Dacwadii UNta Ee Soomaaliya, Doodii Jaamacada Carabta Ee Doraad, Dagaalkii Dibloomaasiyada Ugu Danbeeyey Iyo Dareen La,aanta Wasaarada Khaarajiga Somaliland.Faalo: C.S.F(Jeesto).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dacwadii UNta Ee Soomaaliya, Doodii Jaamacada Carabta Ee Doraad, Dagaalkii Dibloomaasiyada Ugu Danbeeyey Iyo Dareen La,aanta Wasaarada Khaarajiga Somaliland.Faalo: C.S.F(Jeesto).
Soomaalidaa  ku  Maah-maahda  (Cuni  Waydee  Ka  Ciidee), Taasi  waxa  u dhiganta  maanta arinta  ay  ku  hawlan  tahay  dawlada  federaalka  ee  Soomaaliya, Oo  meel  kasta  dhigtey  dacwad  ka  dhan  ah  dalka  (AUE) yadoo  sheeganaysa  in  faro-galin  dalkaasi  ku hayo  Soomaaliya  qaybo  ka  mid  ah  waa  Somalilandne, Arinkani  waxa  caalamka  u  qaybinaya  oo  ku  baahiyey  Wasiirka  Wasaarada  Khaarajiga  Soomaaliya  Mr.  Axmed  Ciise  Cawad  oo  ka  doodey  maalintii  doraad  aheyd  Xarunta  Jaamacada  Carabta  isagoo  cuskanaya  in  wada  Imaaraadka  haday  Soomaaliya  Fara-galiso  ka  ogolaaneyn  Dawada  (AUE), Sidaa  si  la  mid  ah  ayaanaan  u  ogolayn  in  dhulka  Soomaaliya  cid  kale  noo  soo  dhaafto  Waa  doodii  dacwada  uu  ninkaasi  ku  durayey  heshiiska  (D.P Word) ee  Marsada  Ber-bera.
Arintani  waa  bilawgii  dagaalka  dibloomaasiyada  kii  ugu  qadhaadhaa  ee  dhex  mara  wadamada  Soomaaliya  Iyo  Somaliland kaasoo  marba  marka  ka  danbaysa  hawada  u  sii  baxaya  hada  waxaan  ilo  xog-ogaal  ah  ka  helay  warer  sheegaya  in  hawshii  ugu  danbeysay  ee  Wasiirka  Khaarajigu  Soomaaliya qabtaa  ay  tahay  Waraaq  dacwada  ah  oo  uu  gudbiyey  (United  Nation) ama  Jimciyada  Quruumaha  ka  dhaxeysa, Yadoo  ay  wali  ka  quusan  laadahay  Soomaaliya  heshiiska  caalamiga  ah  ee  ay  Somaliland  la  gashey  dalka  Isu-taga-imaaraadka  oo  si  rasmi  ah  u  Maal-gashanaya  Dekeda  marinkeedu  muhiimka  yahay  ee  (Ber-bera Port),  Balse  markii  uu  dhacay  heshiikan  Ber-beraad  waxa  soo  baxaya  dagaalo  qaawan  oo  naxariis-daran  oo  dhinaca  dawlada  Soomaaliya  yadoo  ku  dacwooneysa  in  heshiiska  lala  baal-marey.


Dagaaladaa  culus  ee  ku  socda  dawlada  jamhuuriyada  Somaliland  ma  muuqato  wax  fal-celina  oo  xaga  Somaliland  ah , Marka  laga  reebo  hanjabadii  ay  muteysteen  walo-weyntu  Ee  Madaxweynaha  Dalkan  Somaliland  gaashaanka  ugu  daruurey  Mudane  (Muuse  Biixi  Cabdi),  Oo  isagu  gutey  waajibaadkii  Madaxweynenimo,  Balse  waxa  habacsanaani ka muuqataa  bilaa  qorshe  ah  ilaa  maantana  ka  Agnaan ah hawlaheedu  Waa  Wasaarada  Khaarajiga  Somaliland, Oon  far  kaliyaata  aan  dhaqin  umuuraheedana  dhinac  ugu  dhaq-dhaqaaqin si  ay  ugu  babac-dhigto  dhigeeda  Soomaaliya  ee  isku  dayeysa  iney  Somaliland  albaabada  caalamiga  ah  ka  xidho (Control  Option Step  Of  International  Community), Wasaaradani  caadi  ahaan  maba  moodid  mid  leh  qorshe  cad  oo  ay  ku  hawl-gasho  si  ay  u  buuxiso  gudashada  waajibaadkeeda  khaarajinimo  ee  dawlada  Somaliland  ay  u  bada-fadhiisato, Inta  badan  sanadahan  danbe  ilaa  muddo  Afar  sanno  laga  joogo   waxa  ka  muuqda  culays  badan  oo  hoos  u  dhac  ah.
Markaa  waxaan  talo  ahaan  soo  jeedinayaa  in  maanta  dawlada  Somaliland  ay  u  baahan  tahay  khabiiro  caalamiya  kuna  xidhan  dawladaha  caalamka  ama  dibloomaasiyiin aqoon  u  leh   shaqada  xidhiidhka  iyo  siyaasada  arimaha  dibbada,  Waayo  waxay  fadhiid  ku  noqotey  wasaarada  khaarajigu  ka  qayb  qaadashada  umuuraha   caalamiga  ee  sida  (Geeska-afrika,  Qaarada  Afrika, Jimciyada  Quruumaha  ka  dhaxeysa), Si  cad  oo  bilaa  turxaana  ayey  khadka  uga  baxdey  dawladii  Somaliland  dhinaca  Umuuraha  Dibbada  tanina  waxay  ku  keentay  in  maanta  muran  la  galiyo  heshiisyadii  ay  nasiibka  u  heshay  ee  la  xidhiidha   maal-gashiyada  caalamiga  ah,  Sida   ay  soomaaliya  u  sameynayso  dadaalada  ku  aadan  dhicana  soo  xidhitaan   suuqyada  caalamka ,  Yaduna   Somaliland   waa  iney  talaabo   ka   qaadaa  sidii  ay  ugu  guulaysan  lahayd  kasbashada  Beesha-caalamka  iyo  arimaha  kaga   xidhanba  taasina  waxa  suura-galin  kara  dibloomaasiyiin   bisil  oo  ay   Somaliland  wasaaradeeda  Khaarajigu   Hesho.

Saameyn  Intee  Leeg  Ayey  Somaliland  Ku  Keenaysaa  Dacwadaasi  Qaramada  Midoobey  Looga  Gudbiyey  Ee  Soomaaliya  Ay  Dabada  Ka  Wado????

Horta  arinkani  dhinac  waa  uga  jaanis  Somaliland  dhinaca  waa  u  hoog  iyo  habeen  baas  oo  u  dumey,  Aan  ku  bilaabo  dhinaca  jaaniska  u  ah  Somaliland  waa  iney  Somaliland  heshay  magac  ama  maqaam  lagu  soo  hadal-qaado  ama   ay  marti  u   noqoto  Xarunta  Jimciyada  Quruumaha  ka dhaxaysa  waa  hadii  dacwada  lagu  soo  casuumo  goob-joog  ahaa,  Runtii  waa  martabad  mar  hadii  (UNtu)  dhexdeeda  ay  Magaca  Somaliland  gaadho  iyo   madaxdeeduba  barrina  Madax-banaanideeda  uun  baa  lagaga  doodi,  Dhinaca  kale  ee  gabalka  baas  ah  waa  hadii  dacwadu  durto  Somaliland  sida  sharciyanka  ahna  la  qiimeeyo  Aqoonsiga  Soomaaliya  iyo   dawladnimadeeda  caalamiga  ah  oo  Somaliland  laga   dhigo  meel  ka  tirsan   Soomaaliya  isla  markaana  lagu  khasbo  dawlada  Imaaraadka  Carabta  iney   Soomaaliya  Soo  Maraan.

Guntiyo  gaba-gabadii  Somaliland  waxay  dooneysaa  amaba  ay  tabeysaa  dibloomaasiyiin  la  dagaal  gala  dibloomaasiyada  Soomaaliya  lana  qudhiya  si  caalamiya,  Imikana  xaqiiqatan  kuwaasi  ma  Joogaan  Wasaarada  Qaranka  U  igman  Ee  Khaarajiga  koox  dibloomaasiyiin  ah,  Laakiin  gudaha  Somaliland  wey  ku  nool  yihiin   waxaana   ka   mid  ah   raga  caalamiga   ee  dunida  in  badan  ina  soo   barey  (Amb; Xuseen  Cali  Ducaale ,Cawil) ,  (C/Laahi  Maxamed  Ducaale),  Iyo  waliba  (Amb: Aadan  Muuse  Jibriil)  safiirkii   shaley  istiqaalada  dhiibey  ee  Midawga  Afrika  Iyo  Igadd  u  qaabilsanaa  Jamhuuriyada  Somaliland  oo  isu-casiley   garsho  la,aanta  shaqo  ee  hogaanka  Wasaarada  KHaarajiga  Qaranka.
Qalinka:  C/raxmaan   Sayid   FaaraxI(Jeesto)
Diplomatic  Annalism.
Gabiley/Somaliland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured