Maxakamadda Gabiley oo Maanta Bilaabaysa Dacwad Ka Dhan Ah Weriye Caan Ku Ah Sawir Gacmeedka

0
Sunday June 02, 2013 - 12:28:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxakamadda Gabiley oo Maanta Bilaabaysa Dacwad Ka Dhan Ah Weriye Caan Ku Ah Sawir Gacmeedka

    Gabiley (xogreebnews.com-) — Maxkamadda Gabiley ayaa lagu wadaa inay maanta bilawdo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabiley (xogreebnews.com-) — Maxkamadda Gabiley ayaa lagu wadaa inay maanta bilawdo Gabiley (xogreebnews.com-) — Maxkamadda Gabiley ayaa lagu wadaa inay maanta bilawdo dacwad ka dhan ah Wariye Cabdirashiid Muxumed Qalinle oo caan ku ah sawir gacmeedka (Political Cartoonis). Wariye Cabdirashiid ayaa xalay saqdii dhexe ciidamadda Baadhista danbiyaddu u geeyeen Amar maxkamadeed oo u muuqda in dhowr jeer Taariikhda laga bedelay, kaasoo lagu farayo inuu Maxkamadda maanta ku horyimaado.

Qoraalka Yeedhista waxaa ku saxeexan garsooraha Maxkamadda Gobolka iyo Degmadda Gabiley Sheekh Ciise Yuusuf Faahiye. Garsooruhu waxaa uu ku sheegay Qoraalkiisa inuu tixraacayo Warqad uu u soo gudbiyay madaxa baadhista danbiyadda ee Gabiley 25/05/2013. Taas oo uu ku codsadday in la qabto Wariye Cabdirashiid, Islamarkaana xeer ilaalintu ku waafaqday.


Wararka aanu ka helay magaaladda Gabiley waxay intaas ku darayaan in Wariye Cabdirashiid lagu haysto Sawir gacmeed uu ka sameeyay Guddoomiyaha Degmadda Gabiley 14-kii bishii aynu ka soo gudubnay ee May. Sawir gacmeedkaas oo ku soo baxay Wargeyska Saxafi Tirsigii 804. Waxaa uu ka hadlayay raashin gar-gaar ah oo uu dalka Turkigu ugu deeqay dadka saboolka ah ee ku dhaqan Somaliland, waxaana la tilmaamay inuu aad uga cadhaysiiyay Sawirkaasi Guddoomiyaha degmadda iyo Ganacsato ay aad isugu dhow-yihiin.

Xogaha aanu helay waxay intaas ku darayaan in Ganacsataddan oo loo arko inuu dabada ka wado maayarku ay abaabuleen dacwad iyagoo ku doodaya waxaa Sawir gacmeedka ku jiray magaca shirkad aanu leenahay oo la yidhaahdo Badar. “Horta ma jiro wax aanu gaar uga qornay ama sawir aanu ka sameynay shirkad la yidhaahdo Badar oo Gabiley xarunteedu tahay ilaa hadda, balse waxay leeyihiin ganacsatadan na ashkataysay, waxaanu leenahay magaca Badar la yidhaa oo anagaad noo jeedaan markaad ku soo darteen sawirka, In kasta oo aan shirkadaas iyo mid kale toona looga waabanayn hadii shaqaddu gasho. Haddana, sawirkaas In aan ganacsato gaar ah loo jeedin, waxaanu ku cadaynay Cadadkii Wargeyska Saxafi ee soo baxay 16-kii bishii May ee aynu ka soo gudubnay, kumana ay qancin. Markaa waxaanu u aragnay dagaal siyaasadeed oo weji dadban leh. Waxaa kale oo jira, Xeer ilaaliyaha iyo Danbi baadhaha dagaalkan Udub dhexaadka u ahi dhowr jeer ayay badaleen codsiyadooda maxkamadda, markii koowaad waxay soo gooyeen waaran Qabasho ah sida uu xeer ilaaliyaha laftiisu sheegay, haddana, way badaleen oo yeedhmo ayay ka dhigeen, ilaa hadana Cabdirashiidka ay eedaynayaan waxba may weydiin.” Sidaasna waxaa Wargeyska Hubaal u sheegay mid ka mid ah masuuliyiinta Wargeyska Saxafi oo aanu xalay wax ka weydiinay arrintan.

Si kastaba ha ahaatee, muddooyinkii ugu danbeeyay waxaa isa soo tarayay Weerarada noocyadda badan leh ee ka dhanka ah Warbaahinta Madaxabanaan ee Somaliland.

HUBAAL



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured