Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil oo Qarka u Saaran inuu Fashilmo iyo Fadeexado Musuq-maasuq oo Dul-hoganaya Wasiirka Macdanta+ Madaxweynaha oo loogu Baaqayo inuu ka Badbaadiyo Wasiirka mashruuca....

0
Saturday March 10, 2018 - 20:51:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil oo Qarka u Saaran inuu Fashilmo iyo Fadeexado Musuq-maasuq oo Dul-hoganaya Wasiirka Macdanta+ Madaxweynaha oo loogu Baaqayo inuu ka Badbaadiyo Wasiirka mashruuca....

    Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil oo Qarka u Saaran inuu Fashilmo iyo Fadeexado Musuq-maasuq oo Dul-hoganaya Wasiirka Macdanta+ Madaxweynaha oo loogu Baaqayo inuu ka Badbaadiyo Wasiirka mashruuca....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil oo Qarka u Saaran inuu Fashilmo iyo Fadeexado Musuq-maasuq oo Dul-hoganaya Wasiirka Macdanta+ Madaxweynaha oo loogu Baaqayo inuu ka Badbaadiyo Wasiirka mashruuca....
Berbera(Xogreebnews)-Mashruuca Sahaminta Shidaal ee gobolka Saaxil, ayaa qarka u saaran inuu gabi-ahaanba Fashilmo, kaddib Markii Wasiirka Wasaarada Macdanta Somaliland Md. Jaamac Cigaal isku Cayn iyo bayd gooyey, isla markaana madaxa iskaga duubay dariiqii mashruucaasi ku hirgeli lahaa.
Wasiirka Macdanta, ayaa mashruuca u rogay Waji-qabiil, isla markaana dagaal isir ku faquuqay bulshada ku nool deegaanada Shidaal baadhista laga samaynaayo. Wasiir Jaamac Cigaal, ayaa siffo qabiil mashruuca Sahaminta ku naas-nuujiyaana Beesha uu kasoo jeedo, kaasoo hawladeenada mashruuca ka dhigay ehelladiisa iyo qabiilka uu kasoo jeedo, oo iyaggu %20, waxka yar ka degen deegaanada sahaminta laga samaynaayo, halka %80 in ka badan deegaanada sahaminta lagu samaynaayo bulshada ku dhaqan Wasiirka dagaal kula galay inaanay mashruucaas ka hawlgelin. 
Hab-dhaqanka Wasiirka Macdanta, ayaa cadho iyo gadood ku abuuray bulshada uu qabyaalada kaga foggeeyey inay ka hawlgalan mashruuca deegaankooda laga samaynaayo, kuwasoo nidar ku maray inaanu Wasiirka fooda soo gelin karin intaa uu qabyaalada iyo musuq-maasuqa ku maamulayo mashruuca Sahaminta.
Wararkii u dambeeyey ee laga helayo deegaanada sahaminta laga samaynaayo, ayaa sheegaya inuu mashruucaasi qaarka u saaran yahay inuu istaago oo fashilmo, isla markaana maro dariiqii hore ee dhicisoobi jiray ee sahamintii hore.
Haddaba waxgaraadka iyo odayaasha gobalka Saaxil gaar ahaan dhinaca gubanka, ayaa Madaxweynaha qaranka Somaliland Md.  Muuse Biixi Cabdi ugu baaqaya inuu Wasiirkiisa Macdanta ka badbaadiyo mashruucan uu curyaamiynaayo, isla markaana fashilinaayo. 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured