Xoghayaha Dawladda Hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde Masuul Dhex-da u Xidhay u Harag-bixida Danaha dadweynaha Berbera iyo Danta Guud ee Qaranka. W/Q Farxaan Cali Warsame.

0
Saturday March 10, 2018 - 02:22:12 in Wararka by
  • Visits: 1235
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Dawladda Hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde Masuul Dhex-da u Xidhay u Harag-bixida Danaha dadweynaha Berbera iyo Danta Guud ee Qaranka. W/Q Farxaan Cali Warsame.

    Xoghayaha Dawladda Hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde Masuul Dhex-da u Xidhay u Harag-bixida Danaha dadweynaha Berbera iyo Danta Guud ee Qaranka. W/Q Farxaan Cali Warsame.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Dawladda Hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde Masuul Dhex-da u Xidhay u Harag-bixida Danaha dadweynaha Berbera iyo Danta Guud ee Qaranka. W/Q Farxaan Cali Warsame.

Waa Diiniyan inaad sheegto wanaaga qofka masuulka ah ee horumari-ya shaqadii uu qaranka u hayey, isla markaana kasoo baxa ama guta waajibaadkiisa shaqo. Sidaas daraadeed waxaynu manta qormadan kusoo qaadan doonaa waxqabad sal-balaadhan oo u gaadhsiiyey dawladda hoose ee Magaaladda Berbera Xoghayaha dawladda hoose ee degmada Berbera Cabdikariin Aadan Cadde. Waxqabadkaas oo aan qormo iyo laba toona lagu soo koobi Karin, waxaynu maanta soo qaadan doonaa intii alla innaga karansiiyo.

Xoghayaha dawladda hoose ee degmada Berbera Cabdikariin Aadan Cadde, waxa uu Horumarka balaadhan ka sameeyey dhinaca wadooyinka magaaladda berbera, kuwasoo uu ku sameeyey dayac-tir balaadhan, dhisida wadooyin mihiima oo aan la dhisin muddo dheer kuwaas oo kor u qaaday bilicda caasimada gobolka Saaxil, isla mar ahantana fududueyey wadooyinkii socodka magaaladda oo adkaa markii hore xaafadaha qaar in dadka iyo gawadhiduba kala kulmi jireen dhibaatoyin badan.

Xoghayaha dawladda hoose ee degmada Berbera Cabdikariin Aadan Cadde, waxa uu door weyn ku lahaa hirgelinta suuqyo ama xaafado kamid ah degmada berbera, kuwasoo isaggu jira daryeel u samayn ama daah-furid sariibado bulshaddu ku adeegato, iyo sidoo kale goobo kale oo laf-dhabar u ah bixinta adeegyada bulshada. Sidoo kale waxa uu Xoghayaha dawladda hoose ee degmada Berbera Cabdikariin Aadan Cadde kaalin wax ku ool leh kaga jiraa nadiifinta xaga saxada qashinka, kaasoo uu masuulkani dagaal weyn kula jiro in goob bulsho lagu arko xashiish iyo wax lamid ah, waxana la arkaa goobo shaaracyo ah oo masuulkani gacmihiisa ku nadiifinayo.

Xoghayaha dawladda hoose ee degmada Berbera Cabdikariin Aadan Cadde, waxaa uu suurto galiyey nidam lagu tayaynaayo shaqala waynaha Dawlada hoose ee Degmada Berbera kaasoo kor loogu qaadayo heerkooda aqooneed iyo kordhinta adeegyada bulshada ay u qabtaan shaqaalaha dawlada hoose. Sidoo kale Xoghayaha dawladda hoose ee degmada Berbera Cabdikariin Aadan Cadde waxa uu si toos ah Iskugu xidhay Dawlada hoose ee Berbera iyo Xukuumadda dhexe Somaliland.

Waxaa marara badan dhacda wada shaqayn la,aan soo kala dhex gashaa masuuliyiinta ugu saraysa dawladaha hoose ee dalka, hase-yeeshee waxay degmada Berberi nasiib u heshay maayir, gole deegaan iyo xoghaye u midoobay danta guud ee deegaankooda, sidoo kale, waxay nasiib u heshay beriberi masuuliyiin u shaqeynaaya danta guud, balse aan u shaqysan dantooda gaarka ah. waxqabad dhaba oo ku tiirsan wada shaqayn hufan iyo in hawl walba si wada jir ah loo qabto si loo xaqiijiyo hadafyada iyo yoolka dawlada hoose ee Berbera. La soco qaybaha dambe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured