Uhuru Kenyatta & Raila Odinga Oo Kulankii Ugu Horeeyey Yeeshay Ka Dib Doorashadii Lagu Murmay... Ma Dawlad wadaag ahbaa lagu heshisiiyey mise Wax kale...

0
Saturday March 10, 2018 - 01:25:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Uhuru Kenyatta & Raila Odinga Oo Kulankii Ugu Horeeyey Yeeshay Ka Dib Doorashadii Lagu Murmay... Ma Dawlad wadaag ahbaa lagu heshisiiyey mise Wax kale...

    Uhuru Kenyatta & Raila Odinga Oo Kulankii Ugu Horeeyey Yeeshay Ka Dib Doorashadii Lagu Murmay... Ma Dawlad wadaag ahbaa lagu heshisiiyey mise Wax kale...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Uhuru Kenyatta & Raila Odinga Oo Kulankii Ugu Horeeyey Yeeshay Ka Dib Doorashadii Lagu Murmay... Ma Dawlad wadaag ahbaa lagu heshisiiyey mise Wax kale...
Nayroobi(Xogreebnews)-Madaxwaynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa balanqaaday inay bilaabayaan Geeddi socod dib u heshiisiin ka dib doorashadii muranka dhalisay ee sanaddii hore ka dhacday dalkaas.
Labada hogaamiye ayaa warbaahinta si wadajir ah ula hadlay ka dib markii ay yeesheen kulankoodii ugu horreeyay tan iyo doorashadii, iyagoo horey ugu gacan seydhay kulan ay yeeshaan.
Dhowaan Mr. Odinga ayaa isu dhaariyay madaxwaynaha shacabka  waxaana uuna diiday inuu Mr Kenyatta u aqoonsado inuu doorashada ku guulaystay oo uu madaxwayne yahay.
Shirka jaraa’id ee ay sida wadajirka u qabteen ayuu madaxwayne Kenyatta waxa uu Mr Odinga ku tilmaamay walaalkiis "Waxaan billaabaynaa geedi socod aan uga wada xaajoonayno halka ay dhibaatada naga haysato iyo waxa na kala qaybinaya.” ayuu yidhi Kenyatta
Hogaamiyaha  mucaaradka Mr. Odinga ayaa dhinaciisa sheegay in la joogo waqtigii la xalin lahaa farqiga u dhaxeeya shacabka wadanka.


Madaxwayne Kenyatta ayaa markii labaad xilka loo dhaariyay bishii November ee sanadkii aanu soo dhaafnay isagoo ku ku guulaystay doorashadii ku celiska ahayd ee Kenya ka dhacday bishii October, taasoo Mr Odinga uu qaadacay.
Doorashadii guud ee Kenya ayaa markii hore la qabtay bishii August , balse maxkamad ayaa amartay in dib loogu celiyo , iyada oo sheegtay in guushii Mr Kenyatta ay wax isdabamarino badan hareeyeen.
Ugu yaraan 150 qof ayaa ku dhamitay ka dib muran iyo rabshado ka dhashay doorashadii dalkaasi ka dhacday waxaana ku dhaawacmay dad kale oo badan.
Kulankan labada nin ayaa ku soo aadaya xili maanta Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Rex Tillerson lagu wado inuu booqasho ku tago caasimadda Kenya ee Nairobi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured