Muwaadin Naasir Cabdilaahi Nuur Dirir Oo Ka Hadlay Siday Maxkamaduhu Uga Garnaqeen Dacwadii Guriyihii Kiraystayaashu Ku Qabsadeen

0
Thursday March 08, 2018 - 21:31:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1358
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadin Naasir Cabdilaahi Nuur Dirir Oo Ka Hadlay Siday Maxkamaduhu Uga Garnaqeen Dacwadii Guriyihii Kiraystayaashu Ku Qabsadeen

    Muwaadin Naasir Cabdilaahi Nuur Dirir Oo Ka Hadlay Siday Maxkamaduhu Uga Garnaqeen Dacwadii Guriyihii Kiraystayaashu Ku Qabsadeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muwaadin Naasir Cabdilaahi Nuur Dirir Oo Ka Hadlay Siday Maxkamaduhu Uga Garnaqeen Dacwadii Guriyihii Kiraystayaashu Ku Qabsadeen
Hargeysa,(Xogreebnews.com)–Muwaadin Naasir Cabdilaahi Nuur Dirir oo dhawaan cabasho xoog leh ka muujiyey in Guryo dhaxal ah oo ay lahaayeen tan iyo 1952-dii oo ku yaala Faras magaalaha Hargeysa oo ay dad kiraystayaal ahaa ay u samaysteen Mulkiyad kale oo ay ku sheegteen lahaanshiyo, ayaa soo bandhigay sidii garsoorka dalku uga garnaqay dacwadahaasi oo uu saluug badan ka muujiyey. 
Waxaanu qaar ka mid ah garsoorayaashii dacwada uu ku eedeeyey eex qabiil iyo qabyaaladaysan ay ku garabsiinayaan kuwii guryaha ka kiraystay ee ku qabsaday ee uu ka midka ahaa Ganacsade Rashiib Ibraahim Ciise Durdur.
Mr Naasir Cabdilaahi Nuur Dirir isagoo arintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi "Ganacsade Rashiib Ibraahim Ciise Durdur waxa uu laaluushay Maxkamadihii oo uu lacag u qaybiyey si ay xukuno Been abuur ah ugu soo saaraan.
Waxaanu  guddi Cadaaladu u qornay warqad anshax marin ah balse Gudoomiyaha Maxkamada sare wax jawaab ah kamuu soo bixin wixii aanu u qornay oo wuu hortaagan yahay. 
Ganacsade Rashiib Ibraahim Ciise Durdur si fooljariya ayuu ku sameeyey mulkiyadaha hore ee aqaladayada waxaanu gaadhay inuu yidhaahdo ii xukuma aqaladayada, waxaas oo dhana waxa sameeyey garsoorayaashii ay isku reerka ahaayeen, waxaanu qoranay warqad anshax marin ah si xukunadaa been abuurka ah wax looga qabto, ilaa imika gudoomiyaha Maxkamada Sare wuu diidan yahay inuu warqadii uu jawaab celin ka soo sameeyo been abuurkii.” Ayuu yidhi Naasir Cabdilaahi Nuur Dirir, waxaanu intaasi ku daray "Musuqmaasuqa Dawlada Hoose ee Hargeysa ay samaysay ee ay u hirgalinayso oo ay musuqa Maxkamaduhu nagu sameeyeen ay ugu xalaalaynayaan waxay muujinaysaa inay noqotay Saylad, cadayntoodiina waanu wada haynaa sidaa warqadahaasi uu ina Ciise Durdur u dhigtay ee uu u samaysay.
Cadaalad darada la adeegsanayo ayay xoolo rag doonayaan inay hadal ku qaadaan, iyadoo hore inta mulkiyado loogu soo samaystay.
Gudoomiyaha Maxkamada Sare hadii aanu lug ku lahayn ha iska baraxo, waxaanan filayaa in degdeg ay arintaasi usoo bixi lahayd oo jawaab ayaa laga heli lahaa, wax walbana waxaan u hayaa cadaynteedii sida uu ina Ciise Durdur ugu badheedhay, sida raga garsoorayaasha ahi ay lacag ugu qaataan arintaasi.” Ayuu yidhi Naasir Cabdilaahi Nuur.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured