Madaxwayne Siilaanyo Oo Mar Labaad Hambalyo U Diray Horn Cable Tv Iyo Shacabka Oo Ka Shakiyay In Horn Cable Isku Bedelay Tvgii Qaranka

0
Sunday June 02, 2013 - 10:24:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Siilaanyo Oo Mar Labaad Hambalyo U Diray Horn Cable Tv Iyo Shacabka Oo Ka Shakiyay In Horn Cable Isku Bedelay Tvgii Qaranka

    Hargeysa (xogreebnews.com-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa sheegay inay dawladiisu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa sheegay inay dawladiisu

Hargeysa (xogreebnews.com-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa sheegay inay dawladiisu sii wadayso dhiirigelinta xorriyadda saxaafadda.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa qoraal kooban oo la geliyay barta uu ku leeyahay twitterka wuxuu ku hambalyeeyay telefishanka HCTV, oo Arbacadii u dabaal degay 10 guuradiisii ka soo wareegtay markii la aasaasay. “Hambalyo HCTV. Dawladda Somaliland waxay sii wadaysaa inay dhiirigeliso xorriyadda saxaafadda. Waxaanu leenahay dhawr telefishan oo gaar loo leeyahay.” Ayuu ku yidhi qoraalkaas gaaban Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

madaxwayne siilaanyo ayaa todobaadkii hore dhamaadkiisii ka qayb galay xaflad loo qabtay tvga horncable tv isagoo madaxwayne siilaanyo sheegay inuu ku faraxsanyahay ka soo qayb galka xaflada lagu xusayo sanadguurada tobnaad ee horn cable tv, waxa is waydiin leh tvga horn cable tv miyaanu ahay tv madaxbanaan waa maxay hambalyadan madaxwaynuhu kala dalaay mise tvga horn cable tv iyo xukuumaddu waxay noqdeen heshiis sidaas darteed horn cable tv maaha telefishan madaxbanaan marhadii madaxwayne siilaanyo la dhacay waxqabadkiisa waxay u dhigantaa madaxwaynuhu tvga wuxuu ku arkay inuu dhankiisa u janjeedho waanu la heshiiyay arintan u nusqaan ku noqonaysa warbaahinta madaxa banaan

Geesta kale, waxa kale oo uu Madaxweynuhu bartiisan si kooban ugaga hadlay gudo-galkii ciidamadii SNM ee Hargeysa iyo Burco ee 1988 oo ay ka soo wareegtay 25 sannadood. “Guusha weyni waxay inta badan ka dhalataa naf hurid. Dagaalyahanadii SNM 25 sannadood ka hor waxay u kaceen inay badbaadiyaan dadkooda. Waa in la xasuustaa.” Sidaas ayuu ku yidhi Madaxweynuhu qoraalkiisa uu geliyay bartiisa Twitterka.

Labadan weedhood ee uu Madaxweynuhu baahiyay ee la xidhiidha xorriyadda saxaafadda iyo halgankii SNM ayaa fasiraado laga bixiyay. Qodobka xorriyadda saxaafadda ayay dadka qaarkii aaminsanyihiin in Madaxweynuhu sababta uu uga hadlay tahay dareen laga yaabo inuu ogaaday oo ah dhibaato ay saxaafadda madaxabanaani xukuumadiisa ka tirsato, halka qodobka ku saabsan gudo-galkii SNM uu isna yahay bogaadin maadaama oo uu wakhtigaas ahaa guddoomiyihii SNM.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured