Somaliland Ma ka Badbaadi Faragelinta Dawladdo Shisheeye oo Danahoodu Isdiidan Yihiin? Faallo; M. Curad

0
Sunday March 04, 2018 - 02:53:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Ma ka Badbaadi Faragelinta Dawladdo Shisheeye oo Danahoodu Isdiidan Yihiin? Faallo; M. Curad

    nidaamka iyo qaabka saldhigyadda Milateri dalalku isku siyaan, waxa xusid mudan dawladda Maraykanku saldhigeeda Jabuuti, waxa ay sannadkii kiro ahaan ka biixisaa 63-Milyan oo Dollarka Maraykanka ah, sidoo kale, wadanka Shiinuhu fadhiisinka Ciidan ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

nidaamka iyo qaabka saldhigyadda Milateri dalalku isku siyaan, waxa xusid mudan dawladda Maraykanku saldhigeeda Jabuuti, waxa ay sannadkii kiro ahaan ka biixisaa 63-Milyan oo Dollarka Maraykanka ah, sidoo kale, wadanka Shiinuhu fadhiisinka Ciidan ee dalka Jabuuti uu ku leeyahay, waxa uu ka bixiyaa 20-Milyan oo Dollarka Maraykanka ah, iyo sidoo kale, mashaariic horuumarineed oo ka kooban dhismaha Jid Tarreenku maro oo isku xidha Jabuuti iyo Itoobiya, dhisme Dekedd cusub, xarrumo ganacsi iyo Bangiyo.

Somaliland waa Jamhuuriyadd curdin ah oo mar labaad 18-kii May, 1991-kii dib uga curatay dhulkii hore uga tirsanaa Maxmiyada Boqortooyadii Ingiriisku xukumi jirtey, kaasoo ay ka hoos baxday 26-kii June 1960-kii, balse nasiib darro madaxbannaanideedaasi ku luntay midowgii rayada ahaa ee 1-kii July 1960-kii ay la gashay gobolka Soomaalida Koonfureed ee Talyaanigu gumeysan jirey, waqtigaasoo haatan laga joogo muddo ku siman 27-sanno.

Inkastoo hoggaamiyeyaashii tallada Somaliland usoo kala danbeeyey mudadaa 27-ka sanno ah, waxay ku guuldareysteen hal wadan oo caalamka ka tirsan inay ku qanciyaan aqoonsiga madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland, balse hadana waxaan la dafiri karin oo hoggaamiyeyaashii tallada Somaliland mayalka usoo qabtay ku guuleysteen inay Jamhuuriyadda curdinka ak ka badbaadiyaan faragelin shisheeye oo dibedda kaga timaada, taasoo haddii ay dhici lahayd sababi lahayd sida Walaalaheena Koonfureed dagaalo sokeeye iyo hogaamiye kooxeedyo Somaliland ka dhex samaysma.

Hase-yeeshee madaxda tallada Somaliland isaga danbeeyey qaarkood mudadii masiirka qaranku gacantooda ku jirey, waxay kusoo maamuleen qaranka si lexo-jeclo ku jirto, balse taa bedelkeeda hoggaamiyeyaashii kasoo jeeday Xisbiga KULMIYE ee Kursiga dalka looga arrimo isku bedelay ee Md. Axmed Maxamed Maxamuud "Siilaanyo” oo Toddoba sanno qaranka usoo arriminayey iyo Md. Muuse Biixi Cabdi oo ah hoggaamiyaha hadda talladu gacantiisa ku jirto, waxay markii u horreysay Taariikhda Somaliland intii ay jirtay qaranka cagta u saareen dhabihii faragelinta dawladdo shisheeye usoo mari lahaayeen, kaasoo dabadda ku haya arrimo siyaasadeed iyo danno dhaqaale oo aanu midna midka kale la haysan.

Arrimahaasi waxa daliil u ah Saldhiga Milateri ee dawladda Imaaraaka Carabta laga siiyey Magaalo-xeebeedka Berbera, iyo weliba heshiiska shirkadda DP-WORLD kula wareegtay maamulka iyo gacan-ku-haynta Dekedda Berbera ee gobolka Saaxil. Labadaa mashruuc oo kan Dekeddu 11-May 2017-ka ka wareegay gacanta Somaliland, halka mashruuca Saldhiga Milateriga, oo runtii ah midka khataraha ugu badani ku geddaaman yihiin, isna hawshiisu si xawli ah uga socoto duleedka Galbeed ee Magaalada Berbera.

Mashaariicdan oo intii ay socdeen xoggo dhab ah bulshada reer Somaliland aan laga siin, isla markaana Xukuumadii tallad haysay waqtigaas oo gadh-wadeen uu ka ahaa Md. Axmed Siilaanyo haba-yaraatee qaranka usoo bandhigin faa’iidada qaranka ugu jirta, kolka laga reebo 15-Milyan oo Xaqul-qalina ah oo shirkadda DP-WORLD Dekedda ku bixisay markii heshiiskeed Jujuub lagu dhaafiyey Mudaneyaasha Aqalka Wakiilada, waxa kaloo intaa weheliyey balanqaado mustaqbalka ah, oo isugu jirey balaadhinta dhismaha Dekedda Berbera iyo deeqo mashaariic horuumarineed, oo iyana la dhaafsaday Saldhiga Milateri.

Kolka hadaba arrimahan oo kale la gelayo dunidda, waxa jira nidaam iyo shuruuc cad loo raaco, metelan mudada labada geesood ku jiraan wada hadaladda, waa wax cad oo aan qarsoodi ahayn kolba heer arrimuhu u marayaan, teeda kale marka hawshu dhammaatana Xukuumadda tallada haysaa, si mashruucu u xalaaloobo waxay u gudbisaa Aqalka Baarlamaan, kuwaasina dood iyo falaqayn kadib, waxay sameeyaan saddex arrin midkood, wax-ka-beddel, inay ishortaagaan iyo in sidiisa lagu ansixiyo mashruuca sharci ee laga soo dheegay heshiiska Xukuumaddu gashay.

Geesta kale, marka laga hadlayo heshiisyada maalgashi ee dal iyo shirkaddi wada-gelayaan, sida kan shirkadda DP-WORLD iyo Somaliland ee Dekedda Berbera, waxa marka hore la qiimeeyaa Asadka wadanku leeyahay, kolka taasi laga soo gudbo, hadana waxa la dejiyaa baaxadda qorshaha horuumarineed ee la rabo in laga qabto, halkaasi waxa kasoo baxa qadarka dhaqaalaha hawshaa ku baxaya, iyadoo ujeedada meesha ku jirtaa ee looga gol-leeyahayna tahay in la sugo saamiga ay yeelan doonto shirkadda maalgashiga wadaa.

Dhanka kale, saldhiga Milateri markay noqoto, waa dhacdaa dal inuu saldhig Milateri kasiiyo gudaha Ciidiisa wadan kale, sida dalka Jabuuti ee aynu deriska nahay oo ay wadamo badani saldhigyo Milateri ku leeyihiin, laakiin su’aasha meesha ku jirtaa, waxa ay tahay dunida miyay ka dhacday Saldhig Milateri oo la yidhaahdo Lacag kumaanu kirayne, waxaanu ku bedelanay mucaawinooyin, Somaliland kahor.

Metelan haddii Tusaaleyaal kooban aynu kasoo qaadano nidaamka iyo qaabka saldhigyadda Milateri dalalku isku siyaan, waxa xusid mudan dawladda Maraykanku saldhigeeda Jabuuti, waxa ay sannadkii kiro ahaan ka biixisaa 63-Milyan oo Dollarka Maraykanka ah, sidoo kale, wadanka Shiinuhu fadhiisinka Ciidan ee dalka Jabuuti uu ku leeyahay, waxa uu ka bixiyaa 20-Milyan oo Dollarka Maraykanka ah, iyo sidoo kale, mashaariic horuumarineed oo ka kooban dhismaha Jid Tarreenku maro oo isku xidha Jabuuti iyo Itoobiya, dhisme Dekedd cusub, xarrumo ganacsi iyo Bangiyo.

Hadabaa iyadoo haatan aad moodo heshiiskii Somaliland iyo Imaaraadka Carabta inay kasoo baxbaxayaan madmadow badan oo sharciyadiisa ku saabsan, iyo sidoo kale, khataro amni oo duullaan ku ah jiritaanka iyo nabad gelyada Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasoo ka dhalan kara danaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqaaale ee wadamada ku dhaqan mandaqadda Geeska Afrika oo is khilaafa, siiba dalka aynu deriska nahay ee itoobiya, oo isagu intii arrimahani bilaabmeen-ba indho dheer ku eegayay sida wax-u-socdaan, gaar ahaan arrinta saldhiga Milateri ee dawladda Imaaraadka laga siiyey Magaalada Berbera, kaasoo uu u arko mustaqbalka inay khataro kaga iman karaan joogitaanka ciidamadda Carbeed ee halkaas, maadaama ay jirto collaad guun ah oo ka dhexaysey iyaga iyo dalka Masar, taasoo salka ku haysa Biyaha Webiga Niilka.

Docda kale, dalka Jabuuti, ayaa isaguna dhankiisa, waxa uu si dhow ula socdaa dhaqdhaqaaqa Xukuumadaha Hargeysa iyo Abu Dhabi ee ku aadan heshiiska shirkadda DP-WORLD, kaasoo siyaasiyiin badan oo reer Somaliland ahi tuhunsan yihiin inuu qayb ka yahay heshiiska DP-WORLD iyo Somaliland ee Dekedda Berbera Ganacsadaha dibed-wareega ah ee Cabdirahmaan Boreh, oo isagu ka baxsaday dalka Jabuuti, kolkii Xukuumadda Madaxweyne Geelle ku heshay arrimo musuqmaasuq iyo wax-is-dabba marin uu ku sameeyey heshiis shirkadda DP-WORLD iyo dawladda Jabuuti wada-galeen.

Si kastaba ah ahaatee, waxa su’aali ka taagan tahay Madaxweynaha Layliga ah ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ma ka badbaadin doonaa Somaliland faragelinta dawladdo shisheeye?. Mise sida hadaba muuqata, isagoon qiimayn ku samayn duruufaha ka taagan saldhiga Milateri ee ku geddaaman dalkiisa, ayaa buu sida sheekaddii Waraabaha ee dhanka Hilibka u Bood, waxa uu garabka saari dawladda Imaaraadka, wadamadda deriska ee saamaynta inagu leh-na waa uu iska ilaabo?.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured