Fadeexado Musuq-maasuq oo Hadheeyey Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil, Dhaqaalaha Loo Qoondeeyey Shaqaalaha Deegaanada laga qoray oo aad Uga Hooseeya Dakhligii la Siin-jiray Sahamintii hore Iyo Tabashooyinka is-biirsaday oo Hadheeyey mashruuca...

0
Friday March 02, 2018 - 03:40:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 881
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexado Musuq-maasuq oo Hadheeyey Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil, Dhaqaalaha Loo Qoondeeyey Shaqaalaha Deegaanada laga qoray oo aad Uga Hooseeya Dakhligii la Siin-jiray Sahamintii hore Iyo Tabashooyinka is-biirsaday oo Hadheeyey mashruuca...

    Fadeexado Musuq-maasuq oo Hadheeyey Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil, Dhaqaalaha Loo Qoondeeyey Shaqaalaha Deegaanada laga qoray oo aad Uga Hooseeya Dakhligii la Siin-jiray Sahamintii hore Iyo Tabashooyinka is-biirsaday oo Hadheeyey mash

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexado Musuq-maasuq oo Hadheeyey Mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil, Dhaqaalaha Loo Qoondeeyey Shaqaalaha Deegaanada laga qoray oo aad Uga Hooseeya Dakhligii la Siin-jiray Sahamintii hore Iyo Tabashooyinka is-biirsaday oo Hadheeyey mashruuca...
Berbera(Xogreebnews.com)-Murano is-daba joog ah oo kala duwan, ayaa maalinba Maalinta ka Dambaysa lasoo deraya mashruuca Sahaminta Shidaal ee gobolka Saaxil. Kuwasoo la xidhiidha gacanku haynta mashruuca iyo saamiyada la kala siiyey bulshada deegaanada Sahaminta Shidaal laga samaynaayo.
Waxana xiisad aad u khatar ahi ka taagan tahay xulashada madax waaxeedyada mashruuca Sahaminta Shidaal oo Wasiirka macdantu dhaafiyey bulshada deegaanka, isla markaana siffo xigtaysi iyo qabyaalad ku siiyey nin ay isku beel yihiin. Sidoo kale waxa uu waaiirku Shaqaalaha mashruuca ugu talo galay inuu ℅70 inay noqdan isla Beeshiisa, halka ℅30 ka kalena u qorsheeyey beesha kowaad ee deegaanada Sahaminta Shidaal laga samaynaayo.
Hadaba qorshaha Wasiirka Macdanta Somaliland ugu talo galay, ayaa dhaliyey buuq iyo gadood dadweyne, kaasoo weli ka aloosan deegaanadaas. Waxana khilaafkii xaga saamiga kusoo kordhay xiisad kale, oo la xidhiidha dhaqaalaha maalin laha ah ee la siinaayo qofka Shaqaalaha mashruuca Sahaminta Shidaal ee berbera, kaasoo ah mid aad u hooseeya, isla markaana aan haba-yaraatee ahayd wax lagaga shaqeeyo dalka Somaliland oo ay aafeeyen Sixirbarar iyo nolosha qaaliga ah. 
Qofka Shaqaalaha mashruuca Sahaminta Shidaal, waxay u qorsheysay Shirkada Sahaminta Shidaal samaynaaysa iyo Wasiirka macdantu inuu qaato maalintii $5 oo lacagta Maraynkanka ah, taasoo ah mid ay liqi kari waayeen dadka Ku dhaqan deegaanada Sahaminta Shidaal laga samaynaayo, oo iyaggu Ku doodaya in la musuqmaasuyo dhaqaalihii Shaqaalaha mashruuca Sahaminta loo qoondeeyey. 
Bulshada deegaanka Sahaminta Shidaal laga samaynaayo, ayaa dhinacooda waxa kaloo ay Ku doodayaan in masharicdii Sahaminta Shidaal ee kan ka horaysay ee Shirkada Genel Energy ka samaysay deegaanada Oodweyne, Warabeeye iyo Caynaba uu qofka Shaqaalaha ah ee Kuuliga ahi maalintii qaadan jiray 14-Dolar. Hase-yeesha waxa mucjiso ahi, Iyadoo deegaanada hore lagu soo guuldaraystay murano ka dhacay awgeed, hadana in aan la garanayn sababta intaa leeg ee Shaqaalaha mashruuca Sahaminta Shidaal ee Saaxil uga hoosaysay dakhligaas oo iyadda Shaqaalaha la siinayo $5 dollar, xaggay martay lacagtii kale ee mushruu?.
Shirkada BGP oo iyaddu Somaliland la gashay heshiiskii labaad oo Sahaminta Shidaal, ayaa mashruucan ugu talogashay Lacag ka badan 15-Milyan oo Dolar. lacagahaasoo sida xogaha la helaya sheegayaan lagu soo shubay Acounnada mid kamid ah Xawaaladaha dalka. La soco qaybaha dambe 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured