Sirta ku Duugan Xilalka Badhaasabka iyo Taliyaha qaybta Gobolka Saaxil.. Kumuu Ahaa Askarigii Jidh Dilka & Garaacista Kula Kacay Xildhibaanadii kasoo Horjeestay Heshiiskii Saldhiga?.+Doorka Safiir Baashe Morgan

0
Thursday March 01, 2018 - 04:14:40 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1337
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sirta ku Duugan Xilalka Badhaasabka iyo Taliyaha qaybta Gobolka Saaxil.. Kumuu Ahaa Askarigii Jidh Dilka & Garaacista Kula Kacay Xildhibaanadii kasoo Horjeestay Heshiiskii Saldhiga?.+Doorka Safiir Baashe Morgan

    Sirta ku Duugan Xilalka Badhaasabka iyo Taliyaha qaybta Gobolka Saaxil.. Kumuu Ahaa Askarigii Jidh Dilka & Garaacista Kula Kacay Xildhibaanadii kasoo Horjeestay Heshiiskii Saldhiga?.+Doorka Safiir Baashe Morgan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sirta ku Duugan Xilalka Badhaasabka iyo Taliyaha qaybta Gobolka Saaxil.. Kumuu Ahaa Askarigii Jidh Dilka & Garaacista Kula Kacay Xildhibaanadii kasoo Horjeestay Heshiiskii Saldhiga?.+Doorka Safiir Baashe Morgan

Berbera(Xogreebnews)- Shaqsiyaadkii awoodda badan ku laha Xukuumadii Madaxweynihi hore ee Axmed Siilaanyo, ayaa weli saameyn mamaul oo aad u xoog-badan ku leh, Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, waxana isa-soo tarayaa xoggaha daaha ka faydaya Kooxo ka tirsanaa maamulkii hore, isla markaana saaxib dhow la ahaa xubno kamid ahaa qoyskii madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo ay ku guuleysteen inay xilalka dawladan mar kale sii hayaan kooxdaasi, oo iyaggu u diran ama u jaja-ban amarada xubnaha qoyska madaxtooyadii hore.

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta Amb. Baashe Moorgan, waxa uu dawladii hore ku lahaa awood aad u badan, waxanu magacaaban jiray shaqsiyaadka uu dhaga-nugul, shaqsiyaadka sida weyn ugu dhaga-nuglaa ee xilalka sii haya, waxa kamid ahaa Badhasaabka Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf (Jamac Daroogo) iyo taliyaha qaybta ee Gobolka Saaxil oo isna gacan-yare aad u firfircoon u ahaa Safiir Baashe, labadaas masuul oo hadda xukuumadan ka tirsani waxay weli si toos ah uga Aamar qaataan Safiir Baashe Moorgan.

Badhasaabka Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf waxa Safiir Baashe u keenay Nin ay Saaxibo ahaayeen oo ganacsade ah oo reer Boorama ah. Ninkaasoo ah mulkiilaha Huteelka Sow ee Boorama, oo dalka Imaaraadka degen, isla markaana aad ay iskugu dhow yihiin Safiirka. Sidoo kale Taliyaha qaybta Gobolka Saaxil Gaashaanle Aadan Cabdi Cawaale (Qushi), waxa uu kamid ahaa dadka la saaxibka ah ee u dhego nugul, kaasoo jiidha cid kastaa oo ku amro inuu Kabaha la dul-maro.

Gaashaanle Aadan Cabdi Cawaale (Qushi) oo sidan soo sheegnay gacan-yaraha Safiir Baashe waxa uu kamid ahaa, ama hoggaaminayey Ciidamadii sida sharci darrada ah u jidh Dilay Xildhibaanadii xasanadda lahaa ee kasoo hor-jeestay maalmarinta heshiiskii Saldhiga Ciidan ee Imaaradka fadhigii uu shir-gudoominaayey Gudoomiyaha Guurtidu Saleebaan Gaal. Sida ka muuqata Sawiiradda iyo muuqaalada Fidyowga ah ee la duubay "12 February 2017-kii”. Waxa uu taliyaha qaybta Gobolka Saaxil Gaashaanle Aadan Cabdi Cawaale (Qushi) uu si toosa u jidh-dilayaa, isla markaana uu golaha awood ciidan kaga saaray Xildhibaan Xaamud Kara-say oo kamid ah mudanayaasha laga soo doortay Gobolka Saaxil, kaasoo si weyn uga soo hor-jeestay Buug-yar oo lagu sheegay inuu ahaa heshiiskii Imaaraadka iyo Somaliland galeen ee Saldhiga Mileteri. Maalinta uu xildhibaan ka saaray Gaashaanle Aadan Cabdi Cawaale (Qushi), bil wax ka yar kaddib ayaa Taliyaha qaybta ee Golka Saaxil loo magacaabay.

Haddaba labadaas masuul maxay qabtaan?. Labadaas masuul sida aan kor kusoo sheegnay waxay weli ka joogan Kooxdii Moorgan ee Xukuumadii dhacday, waxanay u darban yihiin ilaalinta danaha Safiir Baashe iyo qoyskii madaxtooyadda, kuwasoo si toos ah u meel-mariya heshiisyada saamiyadda uu ku leeyahay ee Saldhigga iyo Dekedda Berbera. Badhasa-saabka Gobolka Saaxil waxa isagga ka go’aan sii xoojinta iyo meelm-marinta danaha Safiirka, isagoo si aan gabasho lahayn sharci kaga dhigaaya heshiisyadii qabyadda ahaa aan laga fiirsan ee Saldhiga iyo Dekedda. Sidoo kale Taliyaha aan soo sheegnay isaggu waa shaqsiga sida Kaaraha oo kale loo jiidhsiiyo wax alle iyo wixii Safiirku u arko inay caqabad ku yihiin danihiisa Saami. Waxa kaloo xusid mudan inuu Taliyaahasi noqday Basaas saacad-saacad xogaha ugu gudbiya Safiirka, kaasoo xaalad kastaa maalin iyo habeen Safiirka uga warbixiya halka uu maraayo Saldhigga Mileteri ee Imaaraadku. Daawo Sawiiradan iyo Muuqaalka.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured