Waxan Is lahayn Waadka Raysan-doontaane Miyey Weli na Maamulan!!! Somaliland ma Waxa Xukuma Safiir Baashe, Wasiir Sacad, Ex Wasiir Samsam iyo Xulufadii Xukunka ka Degtay, Mise Madaxweynihii la Doortay Muuse Biixi?.

0
Thursday March 01, 2018 - 04:01:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1627
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxan Is lahayn Waadka Raysan-doontaane Miyey Weli na Maamulan!!! Somaliland ma Waxa Xukuma Safiir Baashe, Wasiir Sacad, Ex Wasiir Samsam iyo Xulufadii Xukunka ka Degtay, Mise Madaxweynihii la Doortay Muuse Biixi?.

    Waxan Is lahayn Waadka Raysan-doontaane Miyey Weli na Maamulan!!! Somaliland ma Waxa Xukuma Safiir Baashe, Wasiir Sacad, Ex Wasiir Samsam iyo Xulufadii Xukunka ka Degtay, Mise Madaxweynihii la Doortay Muuse Biixi?.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxan Is lahayn Waadka Raysan-doontaane Miyey Weli na Maamulan!!! Somaliland ma Waxa Xukuma Safiir Baashe, Wasiir Sacad, Ex Wasiir Samsam iyo Xulufadii Xukunka ka Degtay, Mise Madaxweynihii la Doortay Muuse Biixi?.

Xogreebnews.net/Staff)-13-kii Novomber 2017-kii ayey Shacabweynaha Dalka dimiqiraadiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland si xor ah oo xalaal ah ugu dareereen doorashadda Hoggaamiyahooda ama Madaxweynaha shanta sanno ee soo socda. Doorashaddaas oo ay u tartameen saddex Musharrax iyo sadeexdoodii ku-xigeen waxa ay shacabweynaha S/land ku kala saareen cod aad u badan oo lagu tilmaami karo Codkii ugu badnaa abid ee Somaliland doorasho lagu kala guuleysto. Doorashadaas waxa kusoo baxay Madaxweynaha Maanta Md. Muuse Biixi Cabdi oo muddo saddex bilood ku dhow hagayey dalka.

Waxa isweydiin mudan, oo aan la dafiri Karin, oo weliba goob kastaa oo bulshada Somaliland iskugu timmaado lagu hadal hayaa, dhacdooyin aanay qaybaha ummaddu la dhacsanayn, kuwasoo shacabkii doortay Madaxweyne Muuse Biixi filayeen inay ka raysan doonaan ficil iyo xukun isku dul-maamulid hoggaaminta qaranka Somaliland. Arrimaha maamulkii tallada ka degay lagu nacay waxan ka xusi karnaa oo ugu weyn inuu lumay ama gacmo badan oo aan loo dirani Shookaanta qaranka laga hago saacad-saacad dareewallo uga ahaayeen, sidoo kale waxa jirtay oo marag-ma doon ah in hoggaaminta tallada dalka ay hayeen Kooxo kala duwan, kuwasoo dawladda lafteeda sii kala xulufaysan jiray. Dareenada saska leh ee shacabkii doortay Madaxweyne Muuse Biixi ay weli tabayaan waxa kamid ah go’aan adag oo shaqsiyadeed oo lagu tuhmaayey, sidoo kale dalka waxa laga filaayey isbedel la mahadiyo oo lagaga soo kabto waxyeeladii Shoofeeradda badani dalka dhaxalsiiyeen.

Haddaba, waxa maalmahan u dambaysay si weyn looga hadal-hayaa gudaha dalka iyo dibediisaba, isla markaana lagu faaqidayaa baraha bulshadu ku kulanto ee "Facebook” dood ka dhalatay dalka yaa Xukuma?. Taasoo ku taxaluqday muuqaalo laga soo duubay Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Siilaanyo iyo xubnihii Xukuumadiisi ugu awoodda badnaa oo Dalka isu-taga Imaaraadka Carabta isku urursaday, isla markaana ku goodiyaya inuu sii jiri-doono heshiiskii Somaliland la gashay Shirkadda DP World ee gacanku haynta dekedda Berbera iyo Saldhigga Mileteri ee Magaaladaas. Xubnaha Xukuumadii hore eek u sugan Magaaladda Dubai, waxa kamid ah Wasiirkii hore ee Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi, Marwadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Safiirkii Somaliland u fadhiyey Imaaraadka Mr. Baashe Cawil oo u Sodog u yahay Axmed Siilaanyo iyo Wasiirkii hore ee arrimaha dibeda Somaliland hadana xilkaas isagga dib loogu dhiibay Dr. Sacad Cali Shire.

Xulufadaasi waxa ay toos u maroorsadeen Xukunkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo arrimihii masiiriga ahaa ee dalka, maadaama oo ay shirar lidku ah u madax-banaanida Madaxweynaha cusub shaqadiisa ka wadan Wadanka Imaaraadka, kuwasoo ku sanduleysiinaya Madaxweynaha inuu sidiisa duuduub ugu qaato heshiisyadii awoodda ciidan lagu dhaafiyey golaha Wakiiladda ee shirkadda DP World iyo Saldhiga Mileteri. Danaha ugu jira shaqsiyaadka aan soo sheegnay mashaaricdani way badan yihiin, waxana kamid ah inay saamiyo-qarsoon ku leeyihiin xubnahani Shirkadda DP World, halka qaar kalena dilaalin ka yihiin mashruuca, sidoo kale xubno kale waxa ay iyagguna qaateen qandaraasyo dhismaha saldhigga Mileteri ah.

Haddaba waxa is-weydiin mudan muxuu u daawanaya Madaxweynaha la doortay dhaqdhaqaaqyada noocan oo kale ah?. Su’aashaas jawaabteeda inaggoo dhowri doona madaxweynaha la doortay, haddana waxa muuqata hadii ay sii socdaan arrimahaas iyo wixii lamid ahi, inay ka dhalan karto cawaaqib xumo dalka saameysaa. Hadii uu Madaxweyne Biixi si daawado heshiisyada laga ilaaliyey danaha qaran ee lagu dhaxal-wareejiyey hantidii masiiriga ahayd ee dalka, waxa uu ku dambayn doonaa shaqsi lamid ah xubnaha Saamiyadda qarsoon la siiyey ee danaha carabta wada, hadii’se Madaxweynaha la cusub uu dib u eegis iyo wax ka bedel u rog-rogo uu ku sameeyo arrimahaas waxa uu noqon doonaa Madaxweyne geesiya oo ku dhiiradda dantii umadiisa u dooratay inuu u fuliyo.

Teeda kale, waxa iyanna meesha maalin-ba maalinta ka dambaysaa meesha kasii baxaysaa aaminadii shacabku ka haysteen Xukuumada cusub, maadaama oo ay Xukuumadiisa kamid yihiin xubnihii caanka ku ahaa ehlu musuq-maasuqa, iyo inay boobkii baahsana ee dalka ka dhacay qayb ka ahaayeen. Shaqsiyaadkaa sida weyn shaambadda ku ah Xukuumadda cusub waxa kamid ah Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Baashe Cawil (Baashe Morgan). Labadaas masuul waxa ay bishi lasoo dhaafay samaysteen Shirkad maalgashi oo lagu soo shucubi doono dhaqaalaha mashaaricda Imaaraadka ee Somaliland, waxanay inoo sheegeen in la aamini waayey Somaliland oo la aaminey Shirkadaas ay labadoodu diiwaangeliyeen, isla markaana gacanta ku hayaan maamulkeeda, Shirkadaas waxa loogu talo-galay inay kusoo dhacaan Lacago kala duwan oo Mallaayin Dolar ah. Qodobkaasna waxa ay shacabka Xukuumadda cusub doortay u arkaan inuu yahay gef qaran iyo musuq-maasuqii dalka inuu sii laban laabmayo. La soco Warbixino taxane ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured