Fadeexad: Khilaaf Dib Uga Istaadhmay Mashruuca Sahaminta Shidaal Gobolka Saaxil, Kaddib markii uu Wasiirka Macdantu Si Cad uga Baxay Heshiis u la galay Bulshada Gubanka Berbera... Shaqaale uu Wasiirku Kasoo Qortay Bariga Burco oo La Hawlgeliyey iyo Deegaanka oo la Qadiyey.

0
Tuesday February 27, 2018 - 04:40:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexad: Khilaaf Dib Uga Istaadhmay Mashruuca Sahaminta Shidaal Gobolka Saaxil, Kaddib markii uu Wasiirka Macdantu Si Cad uga Baxay Heshiis u la galay Bulshada Gubanka Berbera... Shaqaale uu Wasiirku Kasoo Qortay Bariga Burco oo La Hawlgeliyey iyo Deegaanka oo la Qadiyey.

    Fadeexad: Khilaaf Dib Uga Istaadhmay Mashruuca Sahaminta Shidaal Gobolka Saaxil, Kaddib markii uu Wasiirka Macdantu Si Cad uga Baxay Heshiis u la galay Bulshada Gubanka Berbera... Shaqaale uu Wasiirku Kasoo Qortay Bariga Burco oo La Hawlgeliyey iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexad: Khilaaf Dib Uga Istaadhmay Mashruuca Sahaminta Shidaal Gobolka Saaxil, Kaddib markii uu Wasiirka Macdantu Si Cad uga Baxay Heshiis u la galay Bulshada Gubanka Berbera... Shaqaale uu Wasiirku Kasoo Qortay Bariga Burco oo La Hawlgeliyey iyo Deegaanka oo la Qadiyey.
Berbera(Xogreebnews)-Wasiirka Wasaarada Macdanta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa si cad uga baxay heshiis uu dhowaan la galay Odayaasha, waxgaraadka iyo Golaha Deeganka gobolka Saaxil, heshiiskaasoo ku saabsanaa saami-qaybsiga mashruuca sahaminta shidaal ee laga bilaabay gobalka Saaxil.
Kaddib markii khilaaf ba'ani soo kala dhex-galay isagga iyo bulshada gobolka oo iyagu si cad ganafka ugu dhuftay musuq-maasuq shaqaalaha ah uu ku talaabsaday Wasiirka Macdanta Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana la isku mari-waayey saami-qaybsiga mashruucan iyo cidda maamuleysa.
Dib-u-dhac badan kaddib, waxa si toos ah heshiis ku kala saxeexday Wasiirka macdanta iyo Odayaasha iyo weliba mudanayaasha golaha deeganka Berbera, kuwasoo wada gaadhay heshiis rasmiya. Qodobada heshiiskaas, ayaa waxa Kamid ahaa in mashruuca laba loo kala jebiyo, isla markaana laba madax loo kala sameeyo, iyadoo uu markii hore Wasiirku shaqaalaha mashruuca ka wada dhigay Beeshiisa oo iyaddu aan deegaano badan ku lahayn gobalka Saaxil. Hase-yeeshee markii wasiirku ka tanaasuli waayey musuq mashruuca Sahaminta Shidaal ee Berbera, waxa lagu heshiiyey oo u Wasiirku Saxeexay in Beeshiisuna mashruuca gaar u maamulato intay ka marayso Sahamintu, Beesha Gobolka degtaana iyanna Wexeeda u madax-banaanato, isla markaana mashruuca laba madax loo sameeyo, sidoo kalena laba meelood ama laba deegaan la kala dejiyo.
Arrinkaasoo furo u noqday inuu aamuso ama damo khilaafkii meesha xun gaadhay, waxanay taasi sababtay in mashruuca Sahaminta Shidaal ee Gobolka Saaxil la Daah-furo. 
Hase-ahaatee xiisad hor leh, ayaa dib uga soo cusboonaatay deegaanada mashruuca Sahamintu marayso, kadib markii Wasiirka macdantu si badheedh ah uga baxay heshiiskii uu la galay duqayda iyo lebeenta Saaxil. Waxanu Wasiirku si badheedh ah u maamushay durba qaybtii uu bixiyey, isagoo deegaanka gubanka Saaxil ka hawlgeliyey shaqaale Beeshiisa ah oo u kasoo qortay bariga Burco, waxanay talaabadii cirka kusii shareertay khilaafkii la suuliyey, iyadoo ay durba caawa shirar doceedyo lagaga soo horjeedo qabyaalada wasiirku mashruuca ku shaasheynayno ka bilaabmay deegaanada Sahamintu marayso iyo degmada Berbera.
Teeda kale, Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahinta madaxabanaan, ayaa shaaca ka qaaday in Wasiirka macdantu tallaabooyinkan uu qaaday uu ugu talo-galay inuu ku fashiliyo mashruuca, isla markaana uu ka badheedhay in bulshada deegaanada sahaminta laga samaynaayo diidmo iyo iska hor imaad ku qaabilan markay iska dhex-waayan shaaqaalaha iyo hawlwadeenada mashruuca, taasoo aakhirka ku dambayn doonta sidii ay u fashilmi jireen mashaaricdii hore ee shidaal baadhista ahaa ee deeganada Oodweyne, Waraabeeye iyo caynaba oo ay ka horyimaadeen dadweynaha deegaanku markii la musuqmaasuqay shaqaalihii deeganaddu xaqa u lahaayeen. La soco wixii kasoo kordha.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured