Munaasibad Balaadhan Oo Qado Sharaf ah Ayaa Maanta Loogu Sameeyey Magaalada Hargeysa Kooxda Kubada Cagta Ee Gobolka Saaxil.

2
Saturday June 01, 2013 - 19:47:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1037
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasibad Balaadhan Oo Qado Sharaf ah Ayaa Maanta Loogu Sameeyey Magaalada Hargeysa Kooxda Kubada Cagta Ee Gobolka Saaxil.

    Hargeysa(Xogreebnews)-munaasibad balaadhan oo qado sharaf ah ayaa maanta magaalada hargeysa loogu sameeyey kooxda kubada cagta ee gobolka saaxil,munaasibadaasi waxaa ka soo qayb galay wasiirada wasaaradaha Qorsheynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire,Madax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)-munaasibad balaadhan oo qado sharaf ah ayaa maanta magaalada hargeysa loogu sameeyey kooxda kubada cagta ee gobolka saaxil,munaasibadaasi waxaa ka soo qayb galay wasiirada wasaaradaha Qorsheynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire,Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan,Kaluumaysiga C/lahi Cismaan Jaamac (Geelle Jire), Munaasibad Balaadhan Oo Qado Sharaf ah Ayaa Maanta Loogu Sameeyey Magaalada Hargeysa Kooxda Kubada Cagta Ee Gobolka Saaxil.
Hargeysa(Xogreebnews)-munaasibad balaadhan oo qado sharaf ah ayaa maanta magaalada hargeysa loogu sameeyey kooxda kubada cagta ee gobolka saaxil,munaasibadaasi waxaa ka soo qayb galay wasiirada wasaaradaha Qorsheynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire,Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan,Kaluumaysiga C/lahi Cismaan Jaamac (Geelle Jire),Wasiir ku xigeenka amniga ee wasaaradaha arimaha gudaha C/lahi Abokor, Agaasimaha Guude ee wasaarada kaluumaysiga Maxamed Adan Cilmi(ilka case) ,Xildhibaanada golaha wakiilada iyo golaha deegaanka berbera, badhsaabka gobolka saaxil,Salaadiin,siyaasiyiin,aqoon yahano iyo daweyne kale oo aad u tiro badan.

ugu horeyn waxaa halkaasi xildhibaan siciid Climi Rooble oo kooxda kubada cagta ee gobolka saaxil kula dardaarmay inay ilaaliyaan anshaxa iyo akhlaaqiyaadka ciyaaraha ,isla markaana waxa uu u soo jeediyey inay ku dadaalaan sidii ay guul uga gaadhi lahaayeen ciyaaraha gobolada iyo degmooyinka ee maalinta bari ah caasimada magaalada Hargeysa ka bilaamaya, waxa kale oo halkaasi ka hadlay wasiirka wasaarada qorsheynta qaranka Dr Sacad Cali Shire oo tilmaamay inay qaranka somaliland guul u tahay inay qabtaan ciyaarihii gobolada iyo degmooyinka ,wasiirku waxa uu ku sifeeyay ciyaaraha dalka ka qabsoomaya maalinta bari ah kuga taariikhi ah isla markaana ay dunidu isha ku hayso, waxaanu ku soo jeediyay kooxda kubada cagta ee gobolka saaxil inay dharaan anshaxa ciyaaraha isla markaana ay si wanaagsan uga ciyaaraan ciyaartooyta dhigooda ah.
wasiirka wasaarada madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa isaguna tilmaamay in ciyaartooynta gobolka saaxil looga fadhiyo inay guul ka gaadhaan ciyaaraha gobolada iyo degmooyinka somaliland,wasiirka oo hadal kaftan ah ku yidhi ciyaartooynta ayaa yidhi reer saaxil waa hoygii ilbaha markaa waa in laga dareebaa ciyaarahiina.
agaasimaha wasaarada kaluumaysiga Maxamed Adan Cilmi (ilka case) ayaa kooxda kubada cagta ee gobolka saaxil u sheegay in madaxda gobolka saaxil ay taageero la garab taagan yihiin markasta kooxda kubada cagta ee gobolka saaxil isla markaana waxa uu kula dardaarmay in ciyaar wanaag ay muujiyaan iyo akhlaaq wanaag isla markaana waxa uu yidhi waa in maanta aad la soo baxdaan faa'iidadii kaluunka berbera sidaasi ayuu yidhi agaasimaha oo hadal kaftan ah ku yidhi kooxda kubada cagta ee gobolka saaxil.
dhamaan masuuliyiintii munaasibadaasi ka hadashay ayaa ugu hanbalyeeyey kooxda kubada cagta ee gobolka saaxil inay guul ka agadhaan ciyaaraha gobolada iyo degmooyinka ee maalinta bari ah ka bilaamaya caasimada somaliland ee Hargeysa.

Xasiiska Xogreebnews.com
Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured