Kartida Dhalinyaranimo ee Gudoomiye Sharmarka Iyo Waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, Waa Himilo Guul-horaanteed ah!!! W/Q Cabdifatax Cali Faarax.

0
Sunday February 25, 2018 - 03:13:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1282
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kartida Dhalinyaranimo ee Gudoomiye Sharmarka Iyo Waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, Waa Himilo Guul-horaanteed ah!!! W/Q Cabdifatax Cali Faarax.

    Kartida Dhalinyaranimo ee Gudoomiye Sharmarka Iyo Waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, Waa Himilo Guul-horaanteed ah!!! W/Q Cabdifatax Cali Faarax.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kartida Dhalinyaranimo ee Gudoomiye Sharmarka Iyo Waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, Waa Himilo Guul-horaanteed ah!!! W/Q Cabdifatax Cali Faarax.

Hoggaamiye kastaa waxa guul-gaadhsiiya cidda garbihiisa joogta, waxaana lays weydiin karaa Ummadi ma noolaan kartaa Hogaan la´aan/ Madaxweyne la´aan? Jawaabtu waa Maya! Ma dhici karto inay jirto, ummad aan lahayn Hogaan, toosiya, Aayaheeda ka talisa, magaceeda iyo sumcadeeda-na kor u qaada. Hogaanku waxa uu lamid yahay abuurka qofka Bini-aadamka ahi qaab-dhismeedkiisa naf ahaaneed, mana jiro qof Nool oo bilaa Madax ahi oo noolada ama nafi ku jirto.

Haddaba, Iyaddoo Dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu leeyahay hadda Madaxweyne aad u firfircoon oo Ilahay Mahadi-haka gaadhee weli leh awoodii dhalinyaro-nimo iyo kartideedi, haddana waxa wax lagu farxo ah Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi inay garbihiisa taagan yihiin oo ay xukuumadiisa kamid yihiin dhalinyaro xilalka qaranka uu u igmaday, kuwasoo leh aragti waxqabad caafimaad qaba iyo hufnaan shaqo oo dhamaystiran. Shaqsiyaadka muraayadda ah ee waxqabadka iyo horumarka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi doorka weyn ka qaatay mudada yar ee ay jirtay waxa kamid ah Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Md. Sharmarke Geelle oo runtii ah masuul u hagar-baxay wax u qabashadda dawladnimo iyo sidii qaranka Somaliland u heli lahaa shaqaale dawladeed oo tayo-badan.

Hogaaminta dhalinyarada waxaa lagu tusaaleeya sida cagaf-cagafka oo kale, waa qalabka loo isticmaalo tacbashada beeraha, dhismaha qaranimo, nidaam shaqeeya oo dawladeed iyo weliba horumar kastaa oo bulsho gaadho. Sido kale dhalinyaranimaddu way dhici kartaa ama dhacdaa in loo isticmaali karaa duminta dhismo ama guri, ama qaranba.

Maanta Somaliland dhalinyaradu door weyn ayay ku leedahay hogaaminta iyo maamulka Xukuumadda jirtaa, waxana jira Hay’addo waaweyn oo ay maamulan, nasiib wanaag dhalinyaradda xilalka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi haysaa, waxay badan koodu noqdeen dad xilalka kasoo baxay oo leh aragti horumarineed oo qaran. Waxanaynu tusaale usoo qaadan karnaa shaqsiyaadka ifaya ee waxqabadkoodu sida dayaxa u muuqdo, Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda Somaliland Md. Sharmarke Geelle oo isaggu sameeyey ficilo shaqo oo qaranku qaan-gaadh ku noqonaayo. Gudoomiye Sharmarke waxa uu ku suntamay inuu yahay mid ka midho-dhaliyey awoodda dhalinyaronimo, sidoo kalena waxa uu muujiyey adkaysi masuuliyadeed oo ka waayo-aranimo batay dad ama masuuliyiin 30-sano in ka badan wax soo maamulaayey.

Akhriste Tani maha amaan iyo boggaadin dhalanteed ah, balse waa mid jirta oo ay ka markhaati yihiin shaqsi kastoo xog-ogaal u ah dhaqdhaqaaqyada dawladda cusub iyo aragtida fog ee Qaranka Somaliland leeyahay, waxanan hubbaa inuu Gudoomiye Sharmarke kamid noqon doono hoggaamiyaasha mustaqbalka ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo astaamaheedii oo dhamaystirani ka muuqdan. Hoggaamiye kastaa waxa uu himiladda dalka uu Xukuumo kaga dhabayn karaa waa xulushada hawladeenada qaranka uu xukumo, sidaa daraadeed waxan aaminsan nahay in Gudoomiyaha Hay’adda shaqaaluhuu yahay dadka ama masuuliyiinta Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi sharafteeda iyo karaamadeed kor-u-qaaday.

Gudoomiye Sharmarke mudadii uu joogay Hay’adaas, waxa uu gaadhsiiyey meel aanay hore u qaadhin intii Somaliland jirtay Waayo?. Waxa uu soo celiyey awoodii Dastuuriga ahayd ee Hay’addaas, sidoo kalena waxa uu ka shaqaysiiyey Maan-dhaydkii ay Qaranka Somaliland ku metelaysay, waxanu hadda waddaa Hay’adaasi mashruucii ugu balaadhnaa ee abid laga qabto dalka oo ah tiro-koobka shaqaalaha qaranka Somaliland oo runtii mashruuc hawshiisu culus tahay, balse karti iyo dedaal,dhabar-adag uu muujiyey Gudoomiye Sharmarke, iyadoo uu hadda mashruuca tiro-koobku maraaya meel aad u wanaagsan, isla markaana kuba dhow yahay gebo-gebo.la soco qaybaha dambe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured