Waxqabadka Dawladda Hoose ee Berbera iyo Doorka Muuqda ee Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde!!!. W/Q Farxaan Guuleed Warsame.

0
Sunday February 25, 2018 - 03:11:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxqabadka Dawladda Hoose ee Berbera iyo Doorka Muuqda ee Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde!!!. W/Q Farxaan Guuleed Warsame.

    Waxqabadka Dawladda Hoose ee Berbera iyo Doorka Muuqda ee Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde!!!. W/Q Farxaan Guuleed Warsame.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxqabadka Dawladda Hoose ee Berbera iyo Doorka Muuqda ee Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde!!!. W/Q Farxaan Guuleed Warsame.

Xoghayaha Fulinta ee Dawlada Hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde, waxa uu qayb-lexaad leh kaga jiraa, isla markaana ku suntan yahay waxqabadka mugga leh ee ay ku tallaabsatay dawladda hoose ee degmada Berbera. Xoghaye Cabdikariin oo ah aqoonyahan ku xeel-dheer nidaamka maamul, waxa uu dhaqaajiyey hawlaha shaqo ee dawlada hoose ee Degmada Berbera, isaggoo noqday mishiinka isku xidhaya dhamaan adeegyada bulsho ee dhanka fulinta iyo hawlgalintaba, waxanu noqday masuul si cilmiyeysan uga shaqaysiiyey awoodihiisa xoghaynimo ee u siiyey sharciga oo ah dhaqaajinta iyo hagida shaqaalaha dawlada hoose ee Berbera.

Waa Kuma Xoghayaha Dawladda Hoose ee Berbera, maxaa’se u sahlay inuu guul waxku ool ah ka gaadho shaqadii qaranka u hayay?. Xoghayaha Dawladda hoose ee Degmada Berbera Md. Cabdikariin Aadan Cadde waxa uu kamid ahaa madaxda ugu saraysaa ee Shirkadda Dahabshiil, gaar ahaan dhinaca Baanka Jabuuti, kaasoo maamule sare ka ahaa, sidoo kale waxa uu kamid yahay ashkhaasta faro-ku-tiriska ah ee u qaranka Somaliland leeyahay, isaggoo ah shaqsi ka madhan hanti urursi iyo qabyaalad.

Sidoo kale, Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde, waxa ku barbaaray, isla markaana wax ku bartay degmada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, Xoghaye Cabdikariin waa shaqsi ay ka go’aan tahay horumarinta magaaladaas, kaasoo sida ka muuqata hab-maamulkiisa ama waxqabadkiisa shaqo uu leeyahay hiigsi ah in Magaaladda Berberi noqoto Dubai-da geeska Africa, Maadaama oo ay degmadaasi tahay laf-dhabarka qaranka Somaliland leeyahay ee dhinaca dhaqaalaha.

Haddaba, Akhristayaal waxanu halkan idiinku soo gudbin doonaa dhawr arimood oo kamid ah waxyaabaha uu qabtay Xoghayaha Dawladda hoose ee Magaaladda Berbera Md. Cabdikariin Aadan Cadde, kuwasoo ah kuwo la taaban karo, iyadoo waxqabadkiisu yahay mid guud ahaan ka muuqda adeegyada aasaasiga ah ee Degmada Berbera.

1: Mashaariic tiro badan oo lagu Horumarineyey degmada Berbera, isla markaana hirgelay.

2. Wadashaqeynta iyo Xidhiidhka Saaxiibtinimo ee Maayarka & Xogahayaha

Waxa kaloo, wax lagu farxo ah xidhiidh saaxiibtinimo ama wada-shaqeyneed iyo is afgarad ee ka dhexeeya Xoghayaha iyo Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee Berbera Md. Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) taasoo aan hore loogu aqoon maamuladdii ka horeeyey ee soo maray D/hoose ee berbera oo iyaggu caanku ahaa is qabsi iyo murano raagaadiya hawl socodsiinta adeegyada dawladda hoose bixiso. Talo Wadaga iyo Wadashaqeynta Gudoomiyaha iyo Xoghayaha waxa ka faa'iidey dadka reer Berbera ee ku dhaqan magaalada guud ahaan gaar ahaana dadkii danyarta ahaa oo loo sharciyeeyey dhulalkoodii. Sidoo kale, Waa Markii ugu horeysay Taariikhda Wadooyin Laami ah oo casriya lamariyey Xaafada dhamaan Xaafadaha degmda Berbera, iyaddoo ay tiro beeleen laamiyaddu. Teeda kale, dhinaca Shaqaaleynta, waxa ay Xoghayaha iyo maayirka Degmada Berbera shaqaaleysiiyeen Dhalinyaro badan, kuwasoo ka hawlgala Dawlada hoose ee Berbera. La soco qaybaha dambe.

Qalinkii

Farxaan Guuleed Warsame.

Berbera/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured