"..Masuuliyaddu waa inay Qofka qalbigiisa degto ee maaha inuu Afka ka yidhaahdo...Madaxweynuhu waa shaqaale ummaddu dooratay, loogu talo-galay inuu Ummadda u adeego".Sheekh Aadan Siiro

0
Saturday February 24, 2018 - 02:42:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1409
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    "..Masuuliyaddu waa inay Qofka qalbigiisa degto ee maaha inuu Afka ka yidhaahdo...Madaxweynuhu waa shaqaale ummaddu dooratay, loogu talo-galay inuu Ummadda u adeego".Sheekh Aadan Siiro

    "..Masuuliyaddu waa inay Qofka qalbigiisa degto ee maaha inuu Afka ka yidhaahdo...Madaxweynuhu waa shaqaale ummaddu dooratay, loogu talo-galay inuu Ummadda u adeego".Sheekh Aadan Siiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"..Masuuliyaddu waa inay Qofka qalbigiisa degto ee maaha inuu Afka ka yidhaahdo...Madaxweynuhu waa shaqaale ummaddu dooratay, loogu talo-galay inuu Ummadda u adeego".Sheekh Aadan Siiro

Hargeysa (Xogreebnews.com) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Masuuliyadda iyo siday muhiim u tahay in qofka kasta oo Xil ummadeed hayaa uu ILAAHAY kaga yaabo oo uu si daacad ah ugu shaqeeyo.

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu soo jeediyey in Qof kasta Masuuliyad hayaa uu badsado Talooyinka la xidhiidha Amaanada uu Ummadda u hayo, waxaanu yidhi isagoo arrimahaa ka hadlaya "Waxaan ka hadlayaa Masuuliyadda, in Qofku uu Masuuliyad qaado ama Masuuliyad loo dhiibo ama Naf iyo Maalba ku bixiyo inuu Ummad Masuul ka noqdo, Macnaha ay leedahay, sidii Rasuulku (CSW) u arkayey ama Qur’aanku u tilmaamay ama sida Dadkii wanaagsanaa ee Diinta ILLAAHAY fahamsiiyey u arkayeen.”

 

Sheekhu waxa kale uu sheegay "ILLAAHAY wuxuu Qur’aankiisa ku yidhi ‘Masuuliyadda in Ammaano la qaado waxaanu u bandhignay Samooyinka, Dhulka iyo Buuraha inta ay leegyihiin aynu aragnay, qaarna aynaan arag ee laga warramay, laakiin way diiddeen inay Masuuliyaddaa ama amaanadaa qaadaan, laakiin Bani-aadamka ayaa qaaday, waanna mid dulmi badane ah Qofka bani-aadamka ahi.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey "Maxaa ka jira Gobollada Somaliland, Ummadda reer Somaliland qaarkood Guryahooda sidee loogu nool yahay ?, nolosha Carruurtoodu ku nooshahay siday tahay, markaa masuuliyaddu maxay tahay..”? ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey "Al imaamu xaaqaani wuxuu yidhi ‘Waa in Qofku dareemo oo ay qalbigiisa ka soo go’do in masuuliyadi saaran tahay in Waajib saaran yahay’ Masuuliyaddu waa inay Qofka qalbigiisa degto ee maaha inuu Afka ka yidhaahdo, waa inuu garto in waxa uu qaaday tahay Waajib ay tahay inuu guto.”

 

Sheekhu wuxuu taa barbar dhigay sida Masuuliyadda ay u yaqaanaan Dadka xilligan nooli "Masuuliyadda waxaynu u naqaanaa inaad xidhato dhar wanaagsan, Gaadhi wanaagsan oo aad kaxaysato, Xafiis wanaagsan oo lagu diyaariyo iyo Shirar ma dhalays ah oo la iskugu yimaaddo oo la qabto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey "Masuuliyaddu maaha waxaan ahay Xildhibaan Golaha Guurtida ah ama Golaha Wakiillada ah ee marka uu yimaaddo Mooshin ee Dadka iyo Dalka la iibinayo qaata 2,3, 4 ama 5 kun Dollar, iyagoo bil walba Mushahar u qaata laba kun oo Dollar.”

 

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu sheegay in Islaamku ka digay in Masuuliyad loo dhiibo Qof aan ku haboonayn "Islaamku wuu ka digay Masuuliyad aanu qaadi karayn, Islaamku wuu ka digay inaad Qof u Magacowdo Masuuliyad aanu qaadi karayn. Xadiisak Saxeexa ah ee Bukhaari ka wariyey Caa’isha, waxay tidhi Rasuulku (CSW) wuxuu na faray in Qofka walba halka uu ka habboon yahay la dhigo (Shaqada uu ku habboon yahay loo dhiibo)..”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey "Marka aynu Cid magacaabayno, ama Nin Masuul ah ha noqdo ama koox wax Magacowda ha noqotee waa in Qofku talada badsado, Waayo? Qofka la Magacaabayo Madaxweynuhu malaha ee Ummaddaa leh halka loo Magacaabayo, Madaxweynuhu waa shaqaale ummaddu dooratay, loogu talo-galay inuu Ummadda u adeego, laakiin la doonayo inuu ugu adeego siduu ugu dhaartay Kitaabka Quraanka ah inuu u ilaaliyo Amaanadooda.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured