Hay'adda Shaqaaluhu Waa Muraayada Cadaaladda ee dawlada iyo Shaqaalaheeda, Gudoomiye Sharmarke oo ku Guuleystay inuu ka Shaqaysiiyo Awoodda Dastuurku siiyey Hay'ada u maamulo+ Mashruuca Tiro-koobka shaqaalaha oo Noqday Horumar iyo Guul lama Ilaawan ah oo ay ku Tallaabsatay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi!!!

0
Thursday February 22, 2018 - 04:35:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2130
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda Shaqaaluhu Waa Muraayada Cadaaladda ee dawlada iyo Shaqaalaheeda, Gudoomiye Sharmarke oo ku Guuleystay inuu ka Shaqaysiiyo Awoodda Dastuurku siiyey Hay'ada u maamulo+ Mashruuca Tiro-koobka shaqaalaha oo Noqday Horumar iyo Guul lama Ilaawan ah oo ay ku Tallaabsatay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi!!!

    "..Ma Og-tahay, Hadii aad tahay shaqaale dawladeed oo aad cadaalad-daro tirsanayso inay xuquqdaada oo aan baryo ahayn hadh-cad Hay'adda shaqaaluhu kusoo dhicinayso, hadii kibir shaqada lagaaga eryey inay dib ugu celinayso..".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"..Ma Og-tahay, Hadii aad tahay shaqaale dawladeed oo aad cadaalad-daro tirsanayso inay xuquqdaada oo aan baryo ahayn hadh-cad Hay'adda shaqaaluhu kusoo dhicinayso, hadii kibir shaqada lagaaga eryey inay dib ugu celinayso..".

Hargeysa(Xogreebnews)-Hay’adda shaqaalaha Dawladda Somaliland, waxa ay kamid tahay Hay’adaha Dastuuri ah, isla markaana si madax-banaan ugu adeegta dalka, sida ku cad Qodobka 113-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, kaaso u dhigan Sidan; "Hay'adaha Dawladda ee Qaranku waa:­ 1, Xeer-ilaalinta Guud 2, Baanka Dhexe, 3, Hay'adda Shaqaalaha Dawladda, 4, Hanti-dhawrka Guud”.

Sidaas daraadeed Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Sharmarke Muxumed Geelle, isaggoo ka duulaya waajibaadka shaqo ee u damaanad-qaaday Dastuurku waxa uu mudooyinkii u dambeeyey tiro-koob balaadhan ku wadday shaqaalaha dawladda, waxanu maalintii labada gelinba ku sugan yahay xafiiskiisa xarunta Hay’adda shaqaalaha, kaasoo heegan ugu jira dhamaystirka hawsha culus ee Hay’ada uu maamulo iyo shaqaalaheeddu wadan. Maha shaqa sahlan tiro koobka shaqaalaha dawladda, waana mid u baahan in loo maro dariiq cadaaladeed si loo helo shaqaale tayo-leh oo qaranka wax tara. Hay’adda shaqaaluhuu waxay iyaddu u taagan tahay mid ilaalineysaa xuquuqda labada dhinac ee kala ah dawladda iyo shaqaaleheeda. Iyadoo taas ka duuleysanaa waxay baadhitaano iyo fantishiid ku wadda dhamaan Wasaaraddaha dalka iyo hay’addaha madaxa-banaan ee qaranka Somaliland. Wasaarad-wasaarad u hufaysaa hawlwadeenadeedu inay yihiin kuwo sax ah oo cadaaladda Ilahay inoo jiddeeyey waafaqsan.

Hay’ada shaqaalaha dawladda Somaliland ee u hoggaamiyo Md. Sharmarke waxay jeexday jid cusub, mana ahaa mid ku kalsoonaatay Liisaska Wasaaradduhu usoo gudbiyaan ee shaqaalaheeda. Hase-yeeshee waxay daba-gal iyo baadhitaano cilmiyeysan ku daba-joogtaa Wasaarad kasta shaqaalaheeda Miisaaniyadda ugu jiraa inay yihiin kuwo is-waafaqsan, sidoo kale waxa himilooyinka Gudoomiyaha Hay’ada shaqaalaha Somaliland Md. Sharmarke kamid ah, in Bayroolka dawladda laga saaro shaqsiyaad badan oo ilaa saddex Wasaaradood ama laba ama badan ka mushahar qaata, kuwasoo u kala dooran-siiyey inay mid isaggu biyo shubtaan, boosaska kalena u banneeyan dadka bilaa camalka ah ee dalka la leh. Taasi waa mid guul u ah, isla markaana dhinacyo badan faa’idooyinka leh.

Gudoomiye Sharmarke oo runtii ah shaqsi cadaalada ku adag, waxa uu hadda diiwaangeliyey inta badan hawladeenada ka shaqeeya xarumaha dawladda, gaar ahaan gobolka Maroodi-jeex ee caasimadda Somaliland Hargeysa, waxana la filaya in todobaadyada soo socda uu u gudbo gobollada kale ee Somaliland, kuwasoo lasoo diiwaan-gelinaayo shaqaalaha dawladda ee ku sugan gobolladaas.

Teeda kale, waxa xusid mudan oo ay tahay in lagu amaanno Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Md. Sharmarke Geelle, qalab noociisu ku cusub-yahay Somaliland, kaasoo lagu diiwaangelinaayo ama lagu sugaayo tirada saxa ah ee shaqaalaha dawladda. Qalabkani waxa uu isaggu jiraa mid shaqaalaha dawladda lagaga qaadayo faraha, sidoo kalena waxa uu yahay mid Isha-bu’deeda shaqaalaha lagaga qaadayo. Waxanu qalabkani kala hufayaa ama kala haadi-nayaa shaqaalaha dhowr-wasaaradeed ka mushahar qaata. Waxa kaloo xusid mudan in qalabkan oo ah mid casriya uu suuro-geliyey inay shaqaalaha dawladda Somaliland helaan xuquuq dooda oo xalaal ah, isla markaana noqdaan shaqaale rasmiya oo u qaranku leeyahay.

Hawshan oo kale, marka la qabanaayo waxay leedahay culusyo badan, kuwasoo kaaga kala imanaya meelo-badan, waxana jira ashkhaas magac iyo maamus ku leh dalka, balse dhibkoodu aan arkayn, kuwasoo qaarkood dhowr wasaaradood ka mushahar qaatan, halka kuwo kalena doonayaan in sharci loo jebiyo oo aanu dawladda uba shaqeyn, isla markaana bishu markay dhamaato mushaharka uun soo doontaa, way badan yihiin dadkaasi. Hase-yeeshee dariiqa cadaaladda ayuu iska taaga Gudoomiyaha Hay’adda shaqaaluhuu caqabadaha noocaas ah, waxanu mariyaa nidaamka saxa ah, waxa kaloo iyanna taas lamid ah, waxa wasaaraddaha qaarkood ka mushahar qaata in ka badan 200 oo qof, waxana ka shaqeeya wasaarada labada boqol diiwaangashan yihiin wax aan gaadhin 50-qof, waad garan kartaa farqiga u dhexeeya, iyo miisaaniyadda dawladda kharashka kaaga baxa. Waxa kaloo intaa raacda waxa wasaaraddaha ka hawlgala shaqaale aan diiwan-gashanayn, balse ehelladooda oo qaar dhoofeen, qaar geeriyoodeen, kuwo kalena iskaba daayeen boosaskoodii lagu bedelay dadkale oo ehellada dadkaas ah. Hay’adda shaqaaluhuu waxay hababka noocaas ah ka leedahay istaraajiyad cad oo aan saffaad lahayn.

Haddaba, muwaadin ama shaqaale dawladeed ahow, ama ha ahaanina ma og-tahay inaad leedahay xuquuq dastuuri ah oo u dhexaysaa shaqaalaha iyo dawladda. Hadii aad tahay shaqaale-dawladeed oo aad tirsanayso cadaalad darro iyo dulmi lagugula kacay, ogow inay jirto hay’ad xuquuqdaada shaqaale-nimo ilaalinaysaa oo hadh-cad banaanka kugu soo dhicinaysaa xuquuqdaada oo aan baryo ahayn. Hay’addaasi waa hay’adda shaqaalaha dawladda oo shaqadeedu tahay cadaalad ama garsoorka shaqaalaha dawladda. Sidoo kale, waxa jira qaar kamid ah masuuliyiinta dawlad oo iyaggu ku xad-gudbaa awooddaha Hay’adda shaqaalaha dawladda Somalialnd. Waxana dhacda ama horeeba in badan u dhacday in Wasiirka, ama agaasimaha guud, ama shaqsi kaloo wasaarad ama hay’adda dawladeed maamula inuu goobta uu joogo ka dhigto meel uu ka shaqaaleysiiyo Beeshiisa. Tallaabadasi waa xad-gudub awoodeed oo gef ku ah Dastuurka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana hore loogu wiiqay awooddii Hay’adda shaqaalaha Dawladda, balse Maanta waxa awoodii Hay’adda shaqaalaha Somaliland dib usoo celiyey Gudoomiye Sharmarke oo isaggu diiday inuu mushahar uun iska qaato, hase-ahaatee geed-dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu u sugi lahaa xuquuqda shaqaalaha iyo xuquuqda dawladda labada-ba.

Hay’adda shaqaalaha Somaliland waxay ku daba-gashaa Hay’ad kastaa oo dawladeed shaqaalaheeda, waxanay leedahay awoodahan cad ee xeerka shaqaaluhuu siiyey, waana mi sharci ah oo si rasmiya u dhaqan-geliyey Gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladdu Md. Sharmarke.

1.Ilaalinta xuquuqda shaqaalaha sida saacadaha shaqada,fasaxyada, xaqal-ciidka, 2, Nidaamka shaqo qorista iyo diyaarinta heshiisyada shaqo. 3, Ka hortaga khatarta shaqo iyo badbaadinta shaqaalaha. 4, Xalinta dacwooyinka shaqo. 5, Diwaan gelinta shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha. 6, Dhismaha Ururada shaqaalaha. 7, Xilka iyo waajibaadka loo shaqeeyayaasha iyo shaqaalahahooda. 8, Awooda dhexe ee maamulka agaasinka shaqada ee W/Caafimaadka iyo shaqada. 9, Nidaamka farsamo baradka. 10, Qiimaynta xirfadlayaasha iyo farsamo yaqaanada. 11, Nidaamka ruqsad siinta shaqo ee shaqaalaha ajaanibka ah. Sharcigani wuxuu waafaq sanyahay Distoorka Dalka Jamhuuriyadda Somalilanad. La soco War-bixino kale oo taxane ah hadii Ebbe Idmo.

Shabakadda Warbaahinta Xogreebnews.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured