Musharrax Xildhibaan Ibraahin Jaamac Saleeban (Caanaha-riyaha) oo Shaaciyey inuu u Taagan-yahay Golaha Deegaanka Degmada Berbera Iyo Qaybaha Bulshada S/land oo si Weyn Usoo Dhoweeyey...

0
Wednesday February 21, 2018 - 04:18:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2098
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharrax Xildhibaan Ibraahin Jaamac Saleeban (Caanaha-riyaha) oo Shaaciyey inuu u Taagan-yahay Golaha Deegaanka Degmada Berbera Iyo Qaybaha Bulshada S/land oo si Weyn Usoo Dhoweeyey...

    Musharrax Xildhibaan Ibraahin Jaamac Saleeban (Caanaha-riyaha) oo Shaaciyey inuu u Taagan-yahay Golaha Deegaanka Degmada Berbera Iyo Qaybaha Bulshada S/land oo si Weyn Usoo Dhoweeyey...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musharrax Xildhibaan Ibraahin Jaamac Saleeban (Caanaha-riyaha) oo Shaaciyey inuu u Taagan-yahay Golaha Deegaanka Degmada Berbera Iyo Qaybaha Bulshada S/land oo si Weyn Usoo Dhoweeyey...
Hargeysa(Xogreebnews)-Ibraahin Jaamac Saleeban (Caanaha-riyaha), oo Kamid ah Dhalinyarada Haldoorka Somaliland, ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay 20/02/2018-ka inuu u taagan yahay Musharrax Xildhibaan golaha Deeganka degmada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil oo la filayo inay dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoonto badhtamaha sannaadka soo socda ee 2019.
Musharrax Xildhibaan Ibraahin Jaamac Saleeban (Caanaha-riyaha), oo ah shaqsi karti badan, isla markaana saameyn balaadhan ku leh qaybah bulshada Saaxil iyo guud ahaanba Somaliland, ayaa waxa dhawaqiisaas si weyn usoo dhoweeyey kumanaan Taageerayaashiisa ah, kuwasoo Baraha bulshaddu ku xiddhiidho uga hambalyeynayey Musharaxa. Sidoo kale  Musharrax Ibraahin Jaamac waxa uu kamid yahay dhalinyarada Siyaasiyiinta ah ee sumcada wanaagsan Ku yeeshay masraxa Siyaasadda,  waxanu Siyaasadda Somaliland kusoo biiray 2013-kii xilligaasoo uu kamid noqday golihii dhexe ee Xisbigii New Ucid ee garabkii Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, kasoo noqday Gudoomiyihii garabka dhalinyarada ee degmada gacan Libaax, waxanu waqtiyaadaas Ibraahin Jaamac sameeyey dedaalo iyo kasbasho shacbiyadeed oo aad u xoog badan, kaasoo noqday shaqsi firfircoon oo sida cadceeda uga dhex-muuqday Xisbigaas.
Musharax Xildhibaan Ibraahin Jaamac Saleeban, waxa ku kamid ahaa Garbihii iyo cuddudii xooga badan lahayd ee New Ucid, kuwasoo bilowgii 2017-kii si rasmiya ugu biiray Xisbiga Qaran ee Kulmiye, waxanu Musharrax gole deegan Ibraahin Jaamac doorweyn ka ciyaaray oloolihii guul dhalinta.
Sidaasna Waxa uu Musharax Ibraahin Jaamac Saleeban ku sheegay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook, halkaasoo u ku shaaciyey Musharaxnimadiisa iyo ogeysiinta Taagerayaashiisa, waxanu u dhignaa qoraalkiisaasi sidan.
"..Ogaysiis  :-shaacin musharax golaha deeganka degmada berbera 2019
20/02/2018 salaasa maalintuna tahay oo ku beegan maalinta dhalinyarada Somaliland iyo maalintii dhagax tuurka ufo waxaan shaacinayaa in aan ahay xildhibaan golaha deegaanka gobalka saaxil gaar ahaan degmada berbera munaasibadan qaaliya ah oon la sugaayey shaacintayda 
Markay igula taliyeen iguna  dhiiri galiyeen iguna  dadkan xuus ku xusan :-
1 asxaabtayda qaaliga ah gudo iyo dibad 
Rag iyo haweenba 
2 odayaasha reerkayga  Iyo  dhalinyarada 
3 bahda warbaahinta een saxiibada nahay 
4 bahda siyaasiyiinta een Soo wada shaqaynay
5 bahda ganacsatada shaqoyinku naga dhexeeyan.
6 iyo bulsha weynta kale.
Markaan arkay waxaas oo Soo jeedin ah iyo la talin ah iyo dhiiri galin ah ee bulsha weynta reer Somaliland ii Soo jeediyeen, Waxaan goaansaday maanta ooy taariikhdu tahay 20/02/2018 in aan isku sharaxo xildhibaan golaha deegaanka degmada berbera  taas oon filaayo in aan wax ka tari karo horumarka gobalka saaxil insha Allah". Ibraahin Jaamac Saleeban.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured