Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha S/land Sharmarke Geelle Halyey Door-weyn Ku leh Himilooyinka Qaranka Iyo Hanaanka Tayada Badan ee Kala Haadinta Shaqaalaha Dawlada!W/Q Farxaan Guuleed Warsame.

0
Wednesday February 21, 2018 - 04:00:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1470
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha S/land Sharmarke Geelle Halyey Door-weyn Ku leh Himilooyinka Qaranka Iyo Hanaanka Tayada Badan ee Kala Haadinta Shaqaalaha Dawlada!W/Q Farxaan Guuleed Warsame.

    Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha S/land Sharmarke Geelle Halyey Door-weyn Ku leh Himilooyinka Qaranka Iyo Hanaanka Tayada Badan ee Kala Haadinta Shaqaalaha Dawlada!W/Q Farxaan Guuleed Warsame.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha S/land Sharmarke Geelle Halyey Door-weyn Ku leh Himilooyinka Qaranka Iyo Hanaanka Tayada Badan ee Kala Haadinta Shaqaalaha Dawlada!W/Q Farxaan Guuleed Warsame.
Leader ama (Hogaamiyaha) waxa la yidhaahdaa waa qofka Vision-ka (Hadafka) leh, ee dejinaya meesha loo socdo 5 sano ka bacdi ,10sano kadib, barta loo socdo marka uu dejiyana shaqaalihii ayuu u jiheeyaa in halkaa la gaadho, wuxuuna u isticmaalayaa Motivation ( Dhiiro galin ) si hadafkaa loo gaadho. Iyadoo uu hanaanka iyo hawl karnimada shaqo ee Gudoomiye Sharmarke uu ku metelo waxqabadka salka balaadhan ee laga filaayo Xukuumada cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Haddaba, Maanta waxaynu qormadeenan koowaad ku eegeynaa hoggaaminta wanaagsan ee Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha Dawlada Somaliland Sharmarke Geelle, kaasoo Ibbo furay Mushruuca balaadhan ee Tiro koobka shaqaalaha Dawladda. Gudoomiye Sharmarke Geelle waxa uu u taaganyahay waa leader (Hogaamiye) Hayada dawladeed maamula waa Manager (Maamule) waxaanu qabtaa shaqo maalin le ah, taasoo uu geliyo juhdi badan iyo waqti dheeraad ah, si uu xaqiijiyo himilada Qaranka Somaliland ee ah in la helo shaqaale sugan oo aqoontooda iyo tayadooduba sarayso.
Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha Dawlada Somaliland Md. Sharmarke waxa uu qorshayey hanaan dawladnimo oo gaan-gaadh ah, waxanu Keenay hindise cusub oo lagu tayeynaayo Shaqaalaha Dawlada Somaliland, isla markaana lagu sugaayo hab cadaaladeed hawlwadeenada qaranka ee u adeegaya bulshada. 
Sidoo kale, Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha Dawlada Sharmarke Geelle waxa uu kor u qaaday aqoonta iyo tayada shaqaalaha Mashruuca Tiro koobka Ku samaynaayo Shaqaalaha Dawlada Somaliland. Isagoo keenay isla markaana hawlgeliyey qalabkii huffaayey shaqaalaha ee musuqa ka saaraayey.
Teeda Kale, waxa uu Gudoomiye Sharmarke u hawlgeliyey nidaan casri ah oo aan weli Somaliland laga shaqeynsiin, kaddib markii u keenay qalab casri ah oo kala haadinaaya Shaqaalaha laba goobood ama wasaaradood ka mushahar qaata. Talaabadaasoo meesha ka saaraysaa Musuq-maasuqii shaqada iyo sidoo Kale si shaqo abuur loogu sameeyo qaybaha bulshada.
Nidaamka maareynta xogta Shaqaalaha Dawlada, ayaa tan iyo Maalintii Hayada Shaqaalaha Dawlada Somaliland loo soo magacaabay Gudoomiye Sharmarke, waxay Ku talaabsatay horumar aad u balaadhan iyo guul waaweyn oo qaranka faaido usoo kordhiyey ama sumcada Dawlada Somaliland kor u qaaday.
Arrimahaas, waxyaha u fudaydiyey Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha Dawlada Md. Sharmarke Geelle, Waxa la odhan karaa waa aqoontiisa, Dhalinyaranimadiisa daacadnimadiisa Iyo himiladiisa hoggaamineed oo Ku jaan go-an Mustaqbalka Somaliland iyo sumcada Dawladimo inay hagaagto, waxa kaloo, hiigsiga Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha Dawlada Somaliland Sharmarke Geelle, uu fure shaqsi ahaaneed u yahay waxqabad dhalinyaronimo iyo himiladiisa hoggaamineed oo sida cadcaada u iffaysa, isaggoo wixii uu beertay ee aqoonta ahaa ka shaqaysiiyey, isla markaana ku hagaajiyey habka dawladnimo, taasoo laga yaabo in beri ka maalin Midhaheeda uu Gudoomiye Sharmarke Geelle si dhib-yar u goosto. La soco qaybaha dambe.
Farxaan Guuleed Warsame.
Hargeysa /Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured