Fadeexado Musuq-maasuq oo Dul-hogganaaya Maamulaha Waaxda Cashuuraha beriga Berbera Ciise Muxumed Raage...Xukuumada iyo Wasaaradda Maaliyada oo looga Fadhiyo Inay Degdeg Wax uga Qabato qalin shubatonimo Cusub.W/Q Farxaan Guuleed Warsame

0
Tuesday February 20, 2018 - 04:16:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1514
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexado Musuq-maasuq oo Dul-hogganaaya Maamulaha Waaxda Cashuuraha beriga Berbera Ciise Muxumed Raage...Xukuumada iyo Wasaaradda Maaliyada oo looga Fadhiyo Inay Degdeg Wax uga Qabato qalin shubatonimo Cusub.W/Q Farxaan Guuleed Warsame

    Fadeexado Musuq-maasuq oo Dul-hogganaaya Maamulaha Waaxda Cashuuraha beriga Berbera Ciise Muxumed Raage...Xukuumada iyo Wasaaradda Maaliyada oo looga Fadhiyo Inay Degdeg Wax uga Qabato qalin shubatonimo Cusub.W/Q Farxaan Guuleed Warsame

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexado Musuq-maasuq oo Dul-hogganaaya Maamulaha Waaxda Cashuuraha beriga Berbera Ciise Muxumed Raage...Xukuumada iyo Wasaaradda Maaliyada oo looga Fadhiyo Inay Degdeg Wax uga Qabato qalin shubatonimo Cusub.W/Q Farxaan Guuleed Warsame
Maamulaha Cashuuraha beriga magaaladda Berbera Ciise Muxumed Raagge, ayaa farraha kula jira musuq-maasuq baahsan iyo wax isdaba marin nooceedu ku cusub yahay dalka, waxanu dhaqaale aan usoo xeroon dawladda wajiyo kala duwan kaga gurtaa ganacsatada dalka.
Maamulaha Cashuuraha beriga Berbera Ciise Muxumed Raagge, ayaa laalush ka baxsan cashuurta waajibka ku ah ganacsadaha ku sanduleeya dadweynaha cashuur bixiyaasha ah, hadii uu maamuluhu dalabkiisa shaqsi ahaaneed ka waayo muwaadinka wax loo cashuurayo, 
Waxa uu xannibaa ama dagaal la ku qaada cidda ka cago jiidaysaa in kharash gaar ah la siiyo.
Maamulaha, ayaa ku jees-jeesaha dadweynaha, kaasoo kula dhaqma filicilo kasoo hor jeeda masuuliyadda uu hayo, sidoo kale taas bedelkeeda waxa uu si wanaagsan ula macaamila shaqsiyaad iyaggu u ogol Lacago Laalushka. Hadii aad booqoto xafiiska ama xarunta waaxda cashuuraha beriga ee gobolka Saaxil, waa mid lagu cadibo dadweynaha, kuwasoo la kulma handidaad iyo cago juglayn aan hore loo arag.
Sidoo kale, Wiilkan maamulaha ka ah Waaxda Cashuuraha beriga Gobolka Saaxil oo ku faani jiray in Wasiiraddii Maaliyada Xukuumadii Axmed Siilaanyo meesha ku haysay, ayaa hadda ku doodaya in Wasiirka cusub ee Maaliyadu shuraako kula yahah lacagu dulsaar ah oo u ganacsatada iyo dadweynaha ka qaado. 
Haddaba Waxay bulshada Gobolka Saaxil waydiineysaa Wasiirka cusub ee Maaliyadu Md. Maxamed Yuusuf miyuu la og yahay, hadii'se aanu la oggeyn, waxanu Wasiirka ka codsanaynaa inuu tallaabo deg-deg ah ka qaado maamulahan dhiig miiratada ah. 
Arrinkan ayaa hadii aan Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, weliba Wasaaradiisa Maaliyadda talaabo degdeg ah ka qaadin Maamulaha faraha kula jira badweyn Musuq-maasuq, waxa ay Xukuumadu iyo wasaaradda Maaliyadduba dariiqa u jeexeen in laalush iyo musuqu meherad u noqdo Xukuumada cusub oo rejo weyn laga qabo inay waxka qabato nidaamyada wax lagu musuq-maasuqo.
Qaar kamida Ganacsatada lacagtan ka biyo-diiday ayaa ku tilmaamay qorshe qalin shubatonimo ah oo shaadhka dawladda lagu fulinayo, kaasoo ay sheegeen inay guuro Maamulaha Cashuuraha beriga Berbera, isla markaana meelna ka soo gelin dakhliga Dawladda, kuna caddeyn Miisaaniyada iyo Diiwaanka Cashuuraha.
Haddii aynu isku dayno inaynu si qotodheer u fahano nuxurka ereyga  Asal ahaan falka laga hadlayo oo loogu yeedhe musuq-maasuq waa fasaad xumaan iyo wax is dabo marin. Waa hanti xukun ama awood maamul dadweyne kaas oo qof ama kooxi uga faa’iidaysto dano gaar ah,  oo aan sharci jideyn. musuqmaasuqu wuu noocyo tiro badan, waxaana diidaya xeerar caalami ah kuwo diini ah kuwo dastuuri ah iyo kuwo dhaqanka iyo xeererka dadnimo la xidhiidha.
Sidaasi daraadeed, sida ay qabaan khubarada dhaqaalaha ee u dhuunta Daloosha arrimahani, wax ka qabashada lacagtan sifaha madow lagu samaystay waxay ka mid tahay khaladaadka horyaala Wasiirka Maaliyada, kasoo hadii uu  dhayalsado nusqaan inteeda le’eeg ku ah.
W/Q
Farxaan Guuleed Warsame Cali.
Berbera/Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured