DHACDO UGUB KU AH DALKA IYO XUKUUMADIHII U DAMBEEYEY VS WASIIR KU DHAGAN MUSHAHARKA SHAQAALAHA WASAARADIISA W/Q Oday Abbas Ahmed Abbas

0
Monday February 19, 2018 - 19:41:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1847
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHACDO UGUB KU AH DALKA IYO XUKUUMADIHII U DAMBEEYEY VS WASIIR KU DHAGAN MUSHAHARKA SHAQAALAHA WASAARADIISA W/Q Oday Abbas Ahmed Abbas

    DHACDO UGUB KU AH DALKA IYO XUKUUMADIHII U DAMBEEYEY VS WASIIR KU DHAGAN MUSHAHARKA SHAQAALAHA WASAARADIISA W/Q Oday Abbas Ahmed Abbas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DHACDO UGUB KU AH DALKA IYO XUKUUMADIHII U DAMBEEYEY VS WASIIR KU DHAGAN MUSHAHARKA SHAQAALAHA WASAARADIISA W/Q Oday Abbas Ahmed Abbas
19/02/2018 Waa maalin taariikhda dalka Jamhuuriyada barakeysan ee Somaliland gabi ahaanba ku suntan waxaanay tudhaale qaran u tahay  xukuumad walba oo dalkan soo marta, Sidaynu la wada socono waxaa dalkan isaga danbeeyey afar madaxweyne marka laga reebo madaxweynaha haatan talada dalka haya Muuse Biixi Cabdi oo xukuumadiisu ku dhowdahay boqol cisho hadaba inagoo yara milicsan doona isna dultaagi doona dhacdadan ugudka ku ah qarankan aan wali helin aqoonsi rasmiya mudo haatan laga joogo 27 sanno. ( 27/May/1991- 19/Feb/2018 ) waa markii ugu horeysay ee dhulkii Uduga iyo Bukhaarka xukuumad ka talisaa mid ka mid ah wasiiradeedu bixin kari waayo  mushaharkii shaqaalaha wasaradiisa aynuna ogsoonahay inay ka jilìcsanaayeen xukuumadihii ka horeeyey xag dhaqaale ama waa wasiir ganacsiyeed soo mara wasaarada ganacsiga iyo warshadaha iyadoo aanay jirin baahi la taaban karo oo loo cuskadò wasaaradihii lineministerka la ahaana mushaharaadkii shaqaalaha gabi ahaanba baxsheen waana markii koowaad ee shaqaalaha wasaaradaasi la kulmaan habacsanaan iyo kala daadsanaan xaga shaqada ama mushaharkoodii muran galo iyadoo ay jiraan dhaliilo ba’an oo dul hoganayey wasiir Maxamuud Xasan Saajin iyo xukuumadiisa boqolka cisho maalmo koobani uga hadhsan yihiin waa wax lala yaabo taariikhda xukuumadihii isaga danbeeyey talada dalka kuna cusub marka laga reebo xisbiga kulmiye ooynu ka dhaxalnay wasiir iyo wasiir kuxigeen isu reera tanina ay tii labaad tahay Wasiir,Agaasime guud iyo Agaadime waaxeed isu reer ah kana soo wada jeeda beel qudha kawada taliyaan wasaarad qudha  ma is odhan karnaa  madaxweyne muuse biixi   wuxuu fulinayaa siyaasadii madaxweynihii ka horeeyey Axmed Siilaanyo sida raysal wasaaraha iscasiley ee Ethiopia Hailemariam Desalegn  u fulinayey siyaasadii raysal wasaarihii geeriyooday,
 Hadaba iyadoo laga joogo mudadii wasaarada maaliyada J/SL si rasmi ah ku wargalisay wasaaradaha inay la bixi karaan qarashaadkooda  mushaharka shaqaaluhuna ka mid ka yahay 13 caanamaal ayaanay wali wax u hirgalay aanay jirin wasiir saajin iyo wasaaradiisa shaqaaluhuna u mashahar laayahay ma garan karno in madaxweynuhu arinkaa ka war hayo balse waxaa  loo turjuman karaa sida madaxweyne muuse biixi xukuumadiisu qabyo u tahay ayay shaqadii wasaarada ganacsiga ,warshadaha iyo dalxiiskuna u qabya tahay sabobo la xidhiidha dadka xilalka ka hayaa oon qibrad ku filan iyo aqoon toona u lahayn xisaabaadka iyo maamulka una badan dad siyaabo kala duwan loo xushay ama hayb qabiil halagu soo xusho ama  mid dhawanshiyo kale,
 Su,aasha isweydiinta làhi waxay tahay waa maxay sababta keenta in nin walboo madaxa ah amaba maamul kastoo dalka  soo maraa uga didaa ama u urursadaa aabahay goblanka? Maxaase keena educational phobia? 


Iba xirka maqaalkeenan waa meerisyo ka mid ah maansadii gudgude 1990 Abwaan maxamed ibraahim warsame hadraawi illaahay cimriga how dheereeyee,

"Xaajadu markay gobo’da iyo, gawda culus joogto
Keligii nin gaashaantay wuu, gola ka fuulaaye
Gadaashiisa uun baa durbaan, laga garaacaaye
Labadiisa geesood ma jiro, ruux ku gelayaaye
Arrin lalama guulee warkuu, gura yidhaahdaaye
Dadka wuxu u gacan haadiyaa, qof iyo gaarkiis

Gendi iyo dhukaan buu qabaa cudurro guumeed
Gogol wuu ku shaashoonayaa loo gudboonyahay
Sida goray fallaagoobay buu gooni joog yahaye,

Wabilaahi towfiiq
 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured