Horumarka Dekedda Berbera ka Hana-qaaday Mudadii Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi, Hiigsiga Mustaqbalka Iyo Waxka qabashada Khilaafyada ee muddada gaaban & Isla Jaan-qaadka labada Dhinac..?. W/ Q Farxaan Warsame Cali.

0
Sunday February 18, 2018 - 04:10:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1810
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horumarka Dekedda Berbera ka Hana-qaaday Mudadii Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi, Hiigsiga Mustaqbalka Iyo Waxka qabashada Khilaafyada ee muddada gaaban & Isla Jaan-qaadka labada Dhinac..?. W/ Q Farxaan Warsame Cali.

    Halku Dhigyadii Maareeyaha Dekedda oo Rummobey. "..Waxaan Balan Qaadayaa In Aan Dhameeyo Cabasho Kasta Oo Taalay Dekada, Idinkuna Iisoo Duceeya"...Waxaan ku rajo waynahay kana Shaqayn doona in si la mid ah Sida Dekeda Jebel Ali Port u shaqa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halku Dhigyadii Maareeyaha Dekedda oo Rummobey. "..Waxaan Balan Qaadayaa In Aan Dhameeyo Cabasho Kasta Oo Taalay Dekada, Idinkuna Iisoo Duceeya"...Waxaan ku rajo waynahay kana Shaqayn doona in si la mid ah Sida Dekeda Jebel Ali Port u shaqaynayso ay u shaqayn doonto Dekeda Berbera".Maareeyaha Dekedda Berbera Siciid Xasan Cabdilahi.
Maareeyaha faraca Somaliland ee Dekedda Caalamiga ah Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa guulo waaweyn iyo horumar balaadhan Ku sameeyey hanaanka shaqo ee Dekeda, isagoo laban-labay badeecadaha Kasoo dega Dekedda mudadii uu joogay.

Mareeyaha Dekedda Magaalada Berbera Eng. Siciid, waxa uu xaliyey mushkilado dhinacyo Badan oo Ku xeerna dekedda, waxanu Ku guuleystay xal u helida dhibaatooyinkaas oo hore albabada ugu xidhay Dekedda Berbera. Maareeye Siciid waxa uu muddo yar Ku fuliyey waxqabad sal balaadhan, oo kamid ah balan-qaadyadii u sameeyey wakhtigii u la wareegay. Maareeye Siciid Xasan, oo xiligii Dekedda Caalamiga ah ee Magaalada Berbera loo magacaabay ay xidhnayd Dekedu khilaafyona albaabada u laabeen, ayaa waxa uu maalintaas balanqaday inuu dhamayn doono xiisadaaas, isaggoo xiligaas hadlaayey waxa u yidhi, "..Waxaan Balan Qaadayaa In Aan Dhameeyo Cabasho Kasta Oo Taalay Dekada, Idinkuna Iisoo Duceeya".
Dhawaqaas degdeg ayuu Alla ka aqbalay Maareeyaha Cusub Siciid Xasan Cabdilahi, waxanu isla bil waxka yar uu Ku guuleystay inuu xaliyo khilaafyadii, isagoo dib albaabada ugu furay Dekedda Magaalada Berbera, isla markaana daraf kasta ka xaliyey khilaafyadii jiray.
Docda kale, Maareeye Siciid dheere oo ah aqoonyahan Engeer ah, waxa muddo kaddib safar ugu baxay Imaaraadka Carabta, isagoo soo indho-indheeyey Dekeddo waaweyn oo ay maamusho Shirkada Dp World, kuwasoo uu u dhabbo galay hanaankooda shaqo, maareeye Siciid waqtigaas waxa uu Sheegay inuu doonaayo in Dekedda Magaalada Berbera noqoto mid lamid ah Dekedda heer Caalamiga ee dunida ugu saxmada badan, waxanu yidhi Sidan. "..Waxaan ku rajo waynahay kana Shaqayn doona in si la mid ah Sida Dekeda Jebel Ali Port u shaqaynayso ay u shaqayn doonto Dekeda Berberaā€¯.Maareeyaha
 Dekedda Siciid Xasan Cabdilahi.
Hadaba waxa xusid mudan in maareeye Siciid Xasan Cabdilahi inuu yahay shaqsi daacad ah oo ay ka go-an tahay inuu wax u qabto qaranka Somaliland, isagoo dedaal aad u Badan u geliyey sidii tacab Badan loo gelin lahaa Dhismaha Dekedda Caalamiga ah ee Berbera looga midho dhalin lahaa Dhismaha Dekedda Caalamiga ah ee BERBERA


Maal-gelinta Dekedda Berbera, waa Qaranka Somaliland u noqon doona Udub-dhaqaale iyo Il diblomaasiyaddeed oo hor, soona jiidan doona Maal-gashadeyaal tiro badan oo kale, sida iminka muuqatana durba wax ka bedelay mustawihii ay Somaliland ka taagnayd caalamka, ayaa ku timi dedaal iyo halgan ay xukuumadda gashay sidii dalku u gaadhi lahaa yoolka uu higsanayo oo ay ugu weyn yihiin laba arrimood oo kala ah: awood Dhaqaale iyo Ictiraaf Caalami ah, labadaas arrimood oo ku iman kara Kasbasho iyo Kalsooni.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured