GUULDARADA TARTANKA ORADKA MARATHONKA 42KM/10KM KA SOO GAADHEY WASIIR BOOS MIRE MAXAMED IYO DHIIRIGALIN LA'AANTA DHALINYADA XUKUUMADA QABYO EE UU GADHWADEENKA KA YAHAY MADAXWEYNE MUUSE BIIXI W/Q Oday Abbas Ahmed Abbas

Hordhaca maqaalka waxaynu ku ibo furaynaa tuducyo ka mid ah maansada
(HUURYO )
Hadaan huuryoo ku xagan
Xanjiyo xabag laysu dhajin
Xaashi xidiguhu huleen
Xisaabla’i lagu hago
Hanuunkana lagu hugoon
Hog iyo haadaamo dheer
Ayaad hilinkeed huleen
16th /Feb/2018 Waxaa caasimada Jamhuuriyada barakeysan ee Somaliland ka qabsoomay tartanka oradka Marathonka 42km/10km, tartankaasi oo ay ka qayb galeen oradyahano isugu jira muwaadiniin iyo ajaanib tiradooda lagu qiyaasay 130 qof, 105 ka mid ah oradyahanada tartankaasi wuxuu asalkoodu ahaa muwaadiniin u dhashay Somaliland, halka 25 oradyahana ajaanib ahaayeen,
Sidaynu la wada socono tartarkaasi wuxuu ku soo gabagaboobay si nabadgalya ah iyadoo ay kaalin mugleh ka qaateen ciidamada abniga iyo dhaqaatiirta wasaarada caafimaadka waxase iswaydiintu tahay kaalin intee leeg ayay ku lahayd wasaarada caafimaadka iyo wasiirkoodu yaase ku guulaystay kaalinta koowaad ee tartanka orodka 42km , muwaadiniintii 105 oradyahan ka koobnaa ee ka soo jeeday jamhuuriyada Somaliland kaalmahey ku guuleysteen yeyse ahayd inuu ku guuleysto kaalinta koowaad ee tartanka oradka loo yaqaan marathonķa 42km sida aynu ku hayno ilawareedyo lagu kalsoony yahay oradyahanada u dhashay Somalilandta badankoodu waxay ku tartamayeen tartanka oradka 10ka kilometer waxaana kaalinta koowaad u galay muwaadin oradyahan una dhashay jamhuuriyada Somaliland halka tartanka orodka 42km uu ku guuleystay muwaadin ingiriis ah kuna marti ahaa JSL,
Taasina waxay inoo muujinaysaa dhiirigalin la’aanta iyo itaaldarada aanay wax nafaqa ah iyo niyad ahaanba aanay ka dhisnayn oradyahanada u dhashay Somaliland mararka qaarna laga cuno nafaqada yar ee ay ka helaan wasaarada ciyaaraha, waxaana maragma doona shaqadii wasiirada ciyaaruhuna inay meesha ka madhan tahay,
Sakaaro xaar muuqday aastaaye wasiirka wasaarada ciyaaraha JSL mudane Boos Mire Maxamed isagoo ku faanaya kuna qanacsan shaqaday qabteen ciyaaryahanka ku abtirsanayey qaranka ay wasaaradiisu ka mid tahay inuu ku halqabsado ciyaaryahano tacab badan la galiyey guula ba’ana ka soo hooyey tartanka orada dunida intaan dalku burburin kuna abtirsan jiray taliskii militaryga ahaa ee dalka ka jiray ama wixii la isu odhan jiray Jamhuuriyadii Somaaliyeed ee burburtay Cabdi bile Cabdi iyo Jaamac karaaciin iyo kuwa hada ku abtirsada dalalka dunida ugu horumarsan xaga dhaqaalaha iyo farsamada casrigee technologyga ka mid yahay Mohamed farah ama Mo farah ninka loo yaqaan hadaba wasiir hadaduu dadaalkaagu yahay 10km amaba sanadkiiba halmar tartan qabanaya ciyaartoydaaduna nafaqadii laga cunayo bishiiba halmarna training sameynaya sideed ku helaysaa ciyaartoy u dhigma cabdi bile cabdi,jaamac karaaciin iyo Mo farah,Waxaan ku gunaanadayaa meerisyo ka mid ah maansadii cudoon
Cadceedu cidbay dishaa
Codkiisa nimaan cudoon
Cishaba kuwaba caawin karin
Wabilaahi qowfiiq Leave a comment |
|