Ceeb iyo Fadeexad Weyn: Maayirka Hargeysa iyo Maamulaha Dugsiga Gaarka loo Leeyahay ee ELM SCHOOL ( EX-YOUNG MUSLIM SCHOOL) oo Kumanaan Dolar Awood Dawladeed Kaga Urursanaya Arday Masaakinta ah

0
Sunday February 18, 2018 - 03:09:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1991
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ceeb iyo Fadeexad Weyn: Maayirka Hargeysa iyo Maamulaha Dugsiga Gaarka loo Leeyahay ee ELM SCHOOL ( EX-YOUNG MUSLIM SCHOOL) oo Kumanaan Dolar Awood Dawladeed Kaga Urursanaya Arday Masaakinta ah

    Mudooyinka u danbeeyay ayaa waxa soo baxaya musuqmaasuq baahsan oo dul hoganaya Mayor Soltelco oo lagu eedeeyay inuu qalabkan wadooyinka lagu dhiso si private ah ugu shaqaysto dakhli badana kasoo galo kaas oon ku leexan qasnada dawlada hoose

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudooyinka u danbeeyay ayaa waxa soo baxaya musuqmaasuq baahsan oo dul hoganaya Mayor Soltelco oo lagu eedeeyay inuu qalabkan wadooyinka lagu dhiso si private ah ugu shaqaysto dakhli badana kasoo galo kaas oon ku leexan qasnada dawlada hoose
MAAMULKA ELM SCHOOL IYO DAWLADA HOOSE EE HARGEYSA MA WAXAY KU HESHIIYEEN INAY BAADHAAN JEEBKA ARDAYDA. 
Maamulka iyo Mulkiilaha ELM SCHOOL ( EX-YOUNG MUSLIM SCHOOL) HARGEYSA, ayaa ku amray waalidiinta ardaydoodu dhigato iskuulka inay soo bixiyaan lacagta aan xaqa loogu lahayn waalidiinta sida ku cad qoraalkan wargalinta ah ee kasoo baxay Maamulka ELM SCHOOL, lacagtan oo ah $20 ayaa arday kasta laga rabo inta ka horaysa 19 Feb.2018 ayaa lagu sheegeen inay kaga qayb qaadanayaan Dhismaha wadada agmarta goobta uu iskuulku ku yaalo oo Dawlada hoose samaynayso. Waa arin ugub ah oon xaq loogu lahayn ardayga, waa budhcadnimo inaad ardayda jeebkooda baadhataan iyadoo aynu ognahay xadiga lacagta Fee ga ee arday kasta laga qaado bishii oon macquul ahayn marka horeba, Waa arin fool xumo ku ah sumcada SCHOOL. 


Hadii dawlada hoose ay qaadhaan kusoo qortay schoolka maaha in ardayda qasab lagaga dhigo inay soo bixiyaan lacagta, ( ardayga lagama rabo ee schoolka ayaa laga rabaa) waxa lay sheegay in schoolka ay dhigtaan arday kor u dhaafaysa 3,000 x $20 ardaygiiba waa lacag $60,000 kun oo dollar ah. Waxaana lay xaqiijiyay lacagta Dawlada hoose kusoo qortay schoolka ay tahay $10,000 kun oo dollar.  Waa musuqmaasuq qaawan oon indhaha laga qarsan karin, waa fadeexad wayn oo dul hoganaysa ELM SCHOOL. Waar umada u tudha oo joojiya xadgudubka qaawan ee bilaa naxariista ah. Waa tuugo casri ah oo si badheedha loo baadhaanayo jeebka ardayga. 

Dhinaca kale Dawlada Hoose iyo Maayorka Caasimadu hayska leexiyeen arintan hadii aanay ahayn farsamo ay kuwada shaqaysanayaan Dawlada hoose ee Hargeysa iyo maamulka schoolku. Waxaynu ognahay in Dawlada hoose wado kasta oo ay dhisayso ay bulshadu ka qayb qaadato oo guri kasta lacag laga qaado, may ahayn in hadana dhinac kale bulshadii lagaga soo wareego oo Schooladii lasoo dhex maro. Dawlada hoose imisa jeer ayay dadka lacag ka qaadaysaa inagoo ka warhayna in qalabka lagu dhiso wadooyinka ay dawlada hoose leedahay oonu kiro ahayn. Mudooyinka u danbeeyay ayaa waxa soo baxaya musuqmaasuq baahsan oo dul hoganaya Mayor Soltelco oo lagu eedeeyay inuu qalabkan wadooyinka lagu dhiso si private ah ugu shaqaysto dakhli badana kasoo galo kaas oon ku leexan qasnada dawlada hoose, balse ku dhaca jeebab leexsan. 

Wabilahi tawfiiq.
Jaamac Maxamed Faarax 
Hargeysa. Somaliland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured