Muusihii Dhiira'naa Maxaa Helay: Xukuumad aan ka Turjumeyn Xiisihii Iyo Xamaasadii Doorashada oo Madaxweyne Muuse Biixi Soo Dhisay iyo Aragtida Dawlada Qabyada 64-ka Maalmood ah?. Faallo; Cabdicasiis Bashiir Nuur.

0
Thursday February 15, 2018 - 05:57:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muusihii Dhiira'naa Maxaa Helay: Xukuumad aan ka Turjumeyn Xiisihii Iyo Xamaasadii Doorashada oo Madaxweyne Muuse Biixi Soo Dhisay iyo Aragtida Dawlada Qabyada 64-ka Maalmood ah?. Faallo; Cabdicasiis Bashiir Nuur.

    Cugashadii Dadweynaha Codka Dhiibtay iyo Siyaasiyiintii safka hore ee Waddani iyo Kulmiye…Maxaa Sababay in Kulmiye Codad Badan ka helo Gobolo aan Weligii laga Taageerin iyo Kuwo uu Cudud-weyn ku lahaa inuu Hoos ugu dhaco Codadkii looga bartay!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cugashadii Dadweynaha Codka Dhiibtay iyo Siyaasiyiintii safka hore ee Waddani iyo Kulmiye…Maxaa Sababay in Kulmiye Codad Badan ka helo Gobolo aan Weligii laga Taageerin iyo Kuwo uu Cudud-weyn ku lahaa inuu Hoos ugu dhaco Codadkii looga bartay!.

Oktoobar 21/ 2017-kii Waxa si rasmiya dalka Jamhuuriyadda Somaliland uga bilaabmay tartankii oloollaha Doorashadda Madaxtooyadda oo saddexdii Xisbi-qaran mid waliba todoba Cisho Fagaarayaasha Magaalooyinka waaweyn iyo degmooyinka dalka uu kusoo bandhigaayey dhoola-tusyo ka turjumaayey taageerada ay shacabka ka haystaan Xisbiyada Ucid, Kulmiye iyo Waddani.

Olollahaas oo socday 21-maalmood Saddexda Xisbi way ku kala awood-bateen waxana wareegii koowaadba hadhay Xisbiga Ucid oo u Musharrax u ahaa Faysal Cali Waraabe, kaasoo waayey taageerayaal u camira fagaarayaasha loo asteeyey tartankaas, balse labada Xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE waxa dhex-martay Ciyaar aad u xiiso iyo xamaasad-badnayd, oo midba kan kale ku muquuninaayey cududa taageero gobolkasta iyo degmo walba oo Somaliland ahayd. Madaxda ugu sarraysa labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani waxa dhex-maray Weeraro culculus oo dhinaca afka ah, kuwasoo qolo-waliba waxay eed haysay kan kale bulshada ku nacsiineysay musharraxa kasoo hor-jeeda iyo rakaabkiisa shidhka hore u fadhiya. Xisbiga Waddani waxa Musharrax Madaxweyne u ahaa Cabdiraxmaan maxamed Cabdilahi Cirro, halka uu Xisbiga Kulmiye-na uu musharrax Madaxweyne u ahaa Madaxweyne Muuse Biiixi, labadaas Musharrax waxa midkastaaba bulshada usoo bandhigaayey Barnaamij-siyaasadeedyo aad u qurux badan, sidoo kale, Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani waxa mid walbaaba safka hore soo tubay Ciyaar-yahanadda ama rug-cadaayadda Siyaasiyiinta ah ee uu bulshada ku kasbanaayey, sawiirka turjumaaya Xukuumadda uu soo dhisi-doono.

Musharraxii Xisbiga Kulmiye Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu eeddihii musuq-maasuq ee Xukuumadii Axmed Siilaanyo oo ay isku xisbi ahaayeen kaga baxsaday, waxa uu bulshada ugu khudbadeeyey inuu saxaayo khaladaadkii Xukuumaddii Siilaanyo, sidoo kale waxa uu garbihiisa soo tubay rug-cadaayo ama aqoonyahannada ugu sumcada iyo karaamadda badan arlada Somaliland, kuwasoo ah shaqsiyaad badan oo taageero shacbiyadeed uu ku helay, waxanu madaxweyne Muuse Biixi xilligaa adkaa bulshada u sheegaayey inuu haldoorka aqoonyahanka ahi, ay noqon doonaan Xukuumadda uu soo dhisaayo, si uu wax uga qabto aafooyinka kala duwan iyo mashaakilaadka shacabka haystaa oo u kamid yahay sixir-bararku. Aqoonyahanadda aadka loogu xushay doorashadii Xisbiga Kulmiye waxaynu ka xusi-karnaa Prof. Axmed Ismaacil Samatar iyo Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo shaqsiyaad kale oo saameyn taageero oo xoogan ku dhex leh qaybaha bulshada Somaliland.

Musharraxii Xisbiga Waddani, waxa uu isna dhinaciisa bulshada usoo xulay Siyaasiyiin waaweyn oo canka ah Somaliland, kuwasoo badankoodu xilal Wasiirnimo oo kala duwan kasoo qabteen Xukuumadihii kala dambeeyey ee soo maray Somaliland, Siyaasiyiinta safka hore uu keenay Musharrax Cabdiraxmaan Cirro, waxa kamid ahaa Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Xirsi Cali X. Xasan, Wasiirkii hore ee arrimaha dibeda Maxamed Biixi Yoonis, kuwasoo Xukuumadii Axmed Siilaanyo kamid noqday, waxa kaloo xusid mudan in rakaabka safka hore ee Xisbiga Waddani ay kamid ahaayeen Siyaasiyiinta kala ah Ismaacil-yare, Ismaacil Buubaa iyo xubno kaloo badan, oo xilal wasiirno kasoo qabtay Xukuumadii Marxuum Cigaal, Riyaale iyo Axmed Siilaanyo. Waxba yaanu inala taraarin xiisihii iyo xamaasadii oloolihii doorashadda aqalka madaxtooyadda Somaliland ee dhacday november-13-2017-kii, taasoo natiijadeediina lagu dhawaaqay November 21, 2017-ka. Doorashadaas oo uu ku guuleystay Xisbiga Kulmiye, isla markaana uu musharrax ka ahaa Madaxweynaha hadda Md. Muuse Biixi Cabdi, iyadoo uu helay Xisbiga Kulmiye aqlabiyadii codadkii la dhiibtay %55 in ka badan. Xisbiga Kulmiye 305,909 Cod Oo U Dhiganta 55.9%, Xisbiga Waddani 226,092 Cod Oo U Dhiganta 40.73%


Xisbiga Ucid 23.241 Cod Oo U Dhiganta 4.17%.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu xilka si rasmiya ula wareegay 13 Dec 2017-ka, bil kaddib Maalintii Doorashaddu dhacday, waxanu December 14, 2017-ka ku dhawaaqay golihiisa Wasiiradda oo ka koobnaa 23 Wasiir iyo 9 Wasiir kuxigeen, waxanay afar kamid ah golihiisa Wasiiraddu ahaayeen, wasiiraddii Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo, kuwasoo kala ahaa Dr. Sacad Cali Shire Wasiirka Arrimaha Dibadda, Yaasiin Faratoon Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska, Shugri Xaji Ismaacil Baandare Wasiirka Horrumarinta Reer-miiga iyo deeganka, Sheekh Khaliil Wasiirka Diinta iyo aw-qaafta iyo laba Wasiir ku-xigeenka Maxamed Muuse Diiriye amniga iyo maxamed Muuse Abees Wasiirku-xigeenka Warfaafinta. Xubnaha madaxweyne Muuse Biixi kala soo hadhay Xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilanyo may ahayn Wasiiro saamayn ku lahaa oloolihii doorashada ama si weyn uga dhex-muuqday, sidoo kalena may ahayn xubno saameyn leh oo bulshada taageero ka haystay, waxanay kamid ahaayeen Wasiiradda ugu liitay Xukuumaddii Axmed Siilaanyo ama loogu necebyahay, gaar ahaan labada Wasiir ee arrimaha dibeda Sacad Cali Shire iyo Wasiirka waxbarashadda uu ka dhigay oo markii hore ahaa Wasiirka arrimaha gudaha, waxanay ku calaamadsanaayeen laba wasiir oo ku fashilmay shaqadii qaranka. Wasiiradda kale ee Madaxweyne Muuse Magaacabay marka laga reebo afar Wasiir inta kale waxa ay ahaayeen dad aan masraxa Siyaasadda laga aqoon, sidoo kalena aan lahayn wax khibrad ah oo maamul, hadii aan ku horayno afarta Wasiir ee ka qayb-qaatay oloolihii doorashadda Kulmiye ee u magacaabay wax kamid ah Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin oo Gudoomiye-ku-xigeenka Kulmiye ah, Wasiirka xanaanada xoolaha Xasan-gaafaadhi oo isna ahaa afhayeenkii Xisbiga Kulmiye, Axmed Muumin seed oo isna ahaa dadkii halganka adag la galay Xisbiga Waddani iyo Wasiiradda Biyaha Saleebaan Cali Koore oo kamid ahaa Xildhibaanada golaha Wakiiladda. Golaha Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi marka laga reebo 8-da Wasiir inta kale waxay ahaayeen raad-barad Siyaasadeed oo u masraxa Siyaasadda soo geliyey madaxweyne Biixi, kuwasoo ka kooban 15-Wasiir iyo todoba-ku-xigeen 22-kaas masuul ma jirto rikoodh duuban oo ay ku lahaayeen tartankii xiisaha badnaa ee lasoo galay.

Aragtidii dadweynuhuu ku qaabileen golaha Wasiiradda cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi soo xushay tartan adag iyo duruufo qalafsan oo dalka ka jira dabeed, waxa lagu tilmaamay Xukuumad Madaxweyne Somaliland soo maray uu soo dhiso tii ugu liidatay, waxana lagu qaabilay dareeno diidmo ah, kuwasoo lagu dhaliilay inaanay xag saami-qaybsi beeleed ama gobol iyo xaga tayadda shaqsiyaadka waxqabadka shaqada loo dhiibay midna ka turjumayn. Sidoo kale, waxa dood badani ka dhalatay sababta Madaxweyne Muuse Biixi uga tagay ama golaha Xukuumadiisa uu uga reebay shaqsiyaadkii bud-dhiga u ahaa guushiisa, isla markaana shacabka Somaliland ku tuhmayeen inay waxka qaban karaan Faashilka lasoo dersay Siyaasadda arrimaha dibeda Somaliland iyo arrimaha mushkiladaha dhaqaale-gariir ee Sixir-bararku kow ka yahay ee raggaadiyey bulshadda Somaliland?. Jawaabta su’aasha weli waa mid ku taagan shacabka Somaliland ama taageerayaashii Kulmiye, weli-na Madaxweyne Muuse Biixi kamuu qancin dadweynaha, halkuu ku ilaabay haldoorkii ay ku xusheen Kulmiye uguna codeeyen, aqoonyahanadaas oo sabab u ahaa inuu Xisbiga Kulmiye gobolo aanu weligii Codka helin uu ka helo Codad aad u badan, kuwasoo kala ah Awdal iyo Saaxil, iyadoo sidoo kale ay jiraan hoos-u-dhac taageero oo u kula kulmay Xisbiga Kulmiye deegaano aan cidi kula tartami jirin, sida Gobolka Togdheer oo u galay gaalinta labaad, iyadoo afar doorasho ooh ore uu kaalinta koobad geli-jiray.

Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi waxa ay xilka haysay 64-maalmood ama laba bilood iyo afar Cisho oo u qasriga dalka looga arrimiyo uu fadhiyey, mana jirto weli tallaabo shacabku si weyn ugu boggaadiyeen hoggaamiyaha la doortay Muuse Biixi iyo Xukuumadiisa, hase-yeeshee waxa jirtaa dhaliilo maamul-xumo oo maalinba maalinta ka dambaysaa isa-soo taraysaa, kuwasoo ay kamid ahaayeen tallaabooyin degdeg ah oo u qaaday, sida bacsigii Ciidamada Boolisku suuqyada kaga Xiireen dhalinyarada Bi’laa camalka ah Timaha, eriska shaqaale ka badan 200 xilli shaqo-la’aani ay dalka ka jirto, sidoo kale waxa jira xiisado dagaal oo ka dhacay deegaanka darar-weyne iyo dhinaca bari ee Somaliland oo ay Ciidamadu hore ugu ruqaan-sadeen dhul-xuduudeed ka maqnaa, wallow tallaabada Ciidamaddu tahay mid shaqsiyan aan soo dhoweynaayo. Waxa kaloo xusid mudan 64-maalmood inay weli qabyo tahay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo aanu soo dhisin ama magacaabin Agaasimayaashii Guud ee Wasaaraddaha dalka, iyadoo ay weli xafiisyada fadhiyaan agaasimayaashii Xukuumadii Axmed Siilaanyo oo kamid ahaa ashkhaasta loo yaqaano inay musuq-maasugii dalka ka dhacay doorka ugu weyn ka ahaayeen, mana jirto wax tallaabo ah oo lagu diirsado oo tilmaamaya inuu Madaxweyne Muuse Biixi la dagaalamaayo musuq-maasuqii uu balanka ugu qaaday shacabka inuu cidhib-tiraayo, sidoo kale waxa ay bulshaddu la yaaban tahay talaabadda Xukuumadda Madaxweyne Biixi kaga hor-tagayso la dagaalanka Sixir-bararka oo u eg in laga bilaabay hawshaa meel aan habooneyn, kaddib markii ay Xukuumaddu amar kusoo rogtay adeega lacaga la isugu diro ee Saadka iyo E dahabka. La soco qaybaha dambe.

Tifaftiraha guud ee shabkadda Xogreebnews.com

Cabdicasiis Bashiir Nuur.

Info@Xogreebnews.com

Tel: 4144434

Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured