Xildhibaan Siciid Cilmi Rooblow Berbera kuma Meteshid Inaad Cad-quudheed Bariga Burco kaga soo qaadato Gudoomiye ku xigeen, wax kaa Soconayana maha adiga Wasiirkan Macdanta ee Raad-baradka isagoo ah qabyaalada ku Shaasheeyey Mashruuca Macdan Boobka Saaxil?. W/Q Cali Faarax Warsame

0
Saturday February 10, 2018 - 03:50:07 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1455
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Siciid Cilmi Rooblow Berbera kuma Meteshid Inaad Cad-quudheed Bariga Burco kaga soo qaadato Gudoomiye ku xigeen, wax kaa Soconayana maha adiga Wasiirkan Macdanta ee Raad-baradka isagoo ah qabyaalada ku Shaasheeyey Mashruuca Macdan Boobka Saaxil?. W/Q Cali Faarax Warsame

    Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu ahaa Nin ay u han-weynaayeen Bulshada ku dhaqan deegaanka Gobolka Saaxil, kaasoo hadda u banbaxay inuu duudsiga xuquuqda bulshada deegaankiisa inuu duudsiga, isla markaana wax hun-guri la mariyo siistay umaddii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu ahaa Nin ay u han-weynaayeen Bulshada ku dhaqan deegaanka Gobolka Saaxil, kaasoo hadda u banbaxay inuu duudsiga xuquuqda bulshada deegaankiisa inuu duudsiga, isla markaana wax hun-guri la mariyo siistay umaddii uu Codkooda ku fadhiyey. Xildhibaan Siciid waxa uu muddo ku 20-sanno ah kamid ahaa Xildhibaanada Gobolka Saaxil ee ku jira Golaha Wakiiladda, runtiina waa Xildhibaan lagu khasaaray. Waayo?.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu ahaa Nin ay u han-weynaayeen Bulshada ku dhaqan deegaanka Gobolka Saaxil, kaasoo hadda u banbaxay inuu duudsiga xuquuqda bulshada deegaankiisa inuu duudsiga, isla markaana wax hun-guri la mariyo siistay umaddii uu Codkooda ku fadhiyey. Xildhibaan Siciid waxa uu muddo ku 20-sanno ah kamid ahaa Xildhibaanada Gobolka Saaxil ee ku jira Golaha Wakiiladda, runtiina waa Xildhibaan lagu khasaaray. Waayo?. Waa mudane bulshadii uu metelaayey aan maalina is odhan dib wax ugu celi, waa shaqsi calooshii u shaqeyste ah, waa xildhibaan laalush ku gurtaa mucaaridbaan ahay.

Siciid Cilmi waa Xildhibaan Berbera magaca ka diley, maalin-naa hormuud kamuu noqon mashruuc deegaankiisa wax u tara,hase-yeeshee xaajadiisu waa afka ii buuxiya dan-yare yeelkiisee. Maanta waxaan leeyahay Xildhibaan ma imikaad u darayd oo aad cad-quudheed kusoo qaadatay inaad duudsido dadkii halkan ku keenay ilahay ka sekow, Xildhibaan miya waxaad lacag siisatay 100 qof oo xaq u leh inay iyaggu ka hawlgalaan mashruucan beenta ah ee macdanta lagu boobayo, Xildhibaan ma waxaad naga dooratay inaad shaqaale u noqoto Wasiir Beeshiisu kusoo duushay xuquuqdii dadkaaga?. Waxan rajeynayaa inuu ka jawaabo Xildhibaanku.

Sidoo kale, waxan leeyahay Wasiirkan cambaarta ku ah Xukuumadan aanu dooranay ee u hoggaamiyo Madaxweyne, Mujaahid Muuse Biixi, adeer kuwo kaa horreeyey ayaa toobiyaha qaaday, adiga iyo khayrkaa toona ka socon maysoo inaad xuquuqda bulshada deegaanka ilahay ku beeray aad duudsido, hana ku seexan inay mashruucan aad macdanta ku boobayso kaaga shaqeeyan dad aad kasoo tahriibisay bariga Burco.

Midna waxan ka leeyahay shirkadaha sheega inay shidaal baadhayaan ee indho sarcaadka bulshada u dhigaya, Dawladuhu iyagoo eegaya danahooga dhaqaale waxay isku dayaan inay shirkadahooda u fududeeyaan sidii ay dalalka khayraadka dabiiciga ah leh ee dunida saddexaad uga heli lahaayeen fursado ay ku maalgashadaan kuna macaashaan sida la soo bixitaanka iyo ka ganacsiga khayraadka dabiiciga ah taas oo ay faa’iido dhaqaale ugu jirto dalalka ay shirkadahaasi ka soo jeedaan. Shirkadahani waa kuwo macdanta gurta mana ahaa kuwo shidaal soo saara, balse waxay sahamiyaan deegaanada macdantu ku badan tahay, kaddibna way gurtaan oo ay dhoofiyaan.

Hadiise ay shirkaduhu carqalado kala kulmaan xukuumadaha ka taliya dalalka ay khayraadka u soo saarayaan waxay dawladaha ay shirkadahaasi ka soo jeedaan isku dayaan inay culays diblomaasiyadeed, dhaqaale ama xataa milatari saaraan xukuumadahaasi si ay u jooyinaan dhibaatooyinka ay shirkaduhu kaga cabanayaan. Waxa kale oo dhacda in shirkadaha laftoodu khilaafka abuuraan iyagoo doonaya macaash siyaado ah ama waxyaabo kale oo aanay jid u lahayn.

Waxa xaqiiqo ah in xukuumadeenii ku milantay qawlaysato ruqsadaha shidaal baadhista ee la siiyo iyaguna sii kala sarifta oo kolba qayb ka mid ah ruqsadahaasi la siiyey ku iibiya ama ka iibsada suuqyada lagaga ganacsado saamiyada (shares) shirkadaha ee loo yaqaano (stock exchange market).

W/Q

Cali Faarax Warsame

Berbera/Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured