Danaha Shaqsi ee Wasiirka Macdanta oo Had iyo Jeer Galaafta Masiirka Shidaal Soo-saarista Somaliland Iyo Wasiir Jaamac Cigaalka Madaxweyne Muuse Dhowaan Magacaabay oo Raacay Jidkii guuldarada!.Warbixin

0
Thursday February 08, 2018 - 04:17:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1639
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Danaha Shaqsi ee Wasiirka Macdanta oo Had iyo Jeer Galaafta Masiirka Shidaal Soo-saarista Somaliland Iyo Wasiir Jaamac Cigaalka Madaxweyne Muuse Dhowaan Magacaabay oo Raacay Jidkii guuldarada!.Warbixin

    Danaha Shaqsi ee Wasiirka Macdanta oo Had iyo Jeer Galaafta Masiirka Shidaal Soo-saarista Somaliland Iyo Wasiir Jaamac Cigaalka Madaxweyne Muuse Dhowaan Magacaabay oo Raacay Jidkii guuldarada!.Warbixin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Danaha Shaqsi ee Wasiirka Macdanta oo Had iyo Jeer Galaafta Masiirka Shidaal Soo-saarista Somaliland Iyo Wasiir Jaamac Cigaalka Madaxweyne Muuse Dhowaan Magacaabay oo Raacay Jidkii guuldarada!.Warbixin
Hargeysa(Xogreebnews)-Wixii ka dambeeyay 2010-kii, markii ay talada dalka la wareegtay Xukuumadda talada ka degtay ee Madaxweyne Siilaanyo, waxa mar kale soo cusboonaaday hadalhaynta arrinta shidaalka, waxaana in mudo ah dhegaha shacabka haystay dhaqdhaqaaqyo qarsoodi ah oo ay Xukuumaddu kulammo kula yeelanayso shirkadaha sahaminta saliidda. Sannaddii 2012-kii ayaa waxa markii ugu horreysay ifka u soo baxay heshiisyo ay Xukuumaddu la gashay shirkadda shidaalka ee GENEL oo laga leeyahay dalka Turkiga, fadhigeedu na yahay waddanka Ingiriiska.
· Shirkadda GENEL 50%
· Shirkadda Jacka Resources 30%
· Shirkadda Petrosoma 20%
Bedka dhuleed ee GENEL sahamintiisa lagula heshiiyay waxa uu ahaa 40,300 square km.
Nidaamka heshiis ee dhexmaray Xukuumadda iyo Shirkadahan Shidaalka waxa loo yaqaannaa: "Production Sharing Agreement” oo macnaheedu yahay "Heshiiska Wadaagga Waxsoosaarka”. 
Faashilka qorshaha shidaal Baadhiseed waxa masuuliyadiisa lahaa Wasiirkii hore ee Wasaarada Macdanta Mr. Xuseen Ducaale, kaasoo in qorshahaasi si sax ah u fulo ka door-biday in jeebkiisa uu dhaqaale ku dhacoo Keliya. Kaddib markii ka leexday in deeganada shidaalka laga sahaminaayo uu siiyo xuquuqdooda ah in shaqaalaha mashruuca la siiyo saamigooda, sidoo kale, waxa uu Wasiirkaas hore uu doorbiday inuu dhamaan keligii qaato mashaaricda deeganka kastaba, isagoo shaqaalaha ka dhigay kuwo kasoo jeeda Beeshiisa, madaxyada mashruucana madax uga dhigay Ashkhaas isla Beeshiisa ah Kambenigana uu isagga leeyahay.  Hab-dhaqanada noocas ahi, waxa ay sababeen inuu gabi ahaanba istaago hawlihii sahaminta shidaal laga waday Somaliland. Waxanay Shirkadii wadday dalka kaga baxday markii ay gadood hubeysan kala kulantay bulshada ku dhaqan Deegaanada ay sahanka ku samayn lahayd.
Bilowgii mashruucii shiidaal baadhista, waxa sida fiinta uga qaylisay qaab guracan ee wasaarada macdantu umaamushay mashruucaasi bulshada deegaanada, waxanay la kowsadeen xiisado dhawr ah, kuwasoo lagu macneeyey diidmadooda mid la xidhiidhay qorshe qalooc ah oo wasiirka macdanta iyo tamartu u galay, kaasoo nuxurkiisuna ahaa Sadbursiimo beelaysan.
Waxaana wasiirkii hore iyo bulshada deegaanada dhex maray xiisad CAR iyo WIR ah oo udhaxaysay wasaaradda macdanta iyo bulshada shiidaalka laga sahaminayey deegankooda oo iyaguuna ku hanjabay markii dambe in aanay deegaanadooda fooda soo galin Karin shirkada shiidaalka qodanaysa. Waxanay aakhirkii noqotay in ay farba dhaqaajin waydo shirkadii hawlaha shidaal samayn lahayd.
Haddaba Maanta iyo Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa iyadduna waxa ay bilowday heshiis sahamin shidaal oo laga samaynaayo deegaano dhowr ah la gashay shirkad Chines ah la gashay. Waxana u saxeexay Wasiirka macdanta Md. Jaamac Maxamuud Cigaal.
Heshiiskan cusub ee Wasaaradda macdantu la gashay Shirkadda Jeynaha, ayaa isna durba waxa uu u muuqda mid qaadaya dhabihii guuldarada, kadib markii wasiirku madaxa iskaga duubay mashruuca dhaqaalihiisa uu damcay inuu ku dhaco jeebkiisa, isagoo sahankiisii kowaad ka bilaabayey dhulka Guban ee gobolka Saaxil, waxanu Wasiirka musuq-maasuq iyo qaraabo kiil ugu wanqalay markiiba. Waxana durba isku habar wacday bulshada deeganka ku dhaqan oo iyagguna diiday shaqaalaha iyo saamigoodii oo laga faro maroojiyey, isla markaana qabyaalad deegaankiisa uu Wasiirku kaga soo qortay. Arinkan ayaa hadii aanu Madaxweynuhu degdeg usoo farogelin ama aanu Wasirku ka laaban dantiisa shaqsi waxa ay dhaxli doontaa inuu gabi ahaanba fashilmo mashruucani oo maro jidkii uu maray kuwii hore aan soo aragnay. 
Qodobkan marka la eego, waxa muuqata in aanay Xukuumaddu wax qorshe ka lahayn hannaanka loo galayo iyo sida loo maaraynayo hawlaha shidaalka. Waxa sidoo kale jirta inaanay wax shuruudo ahi uga degsanayn noocyada shirkadaha ee ay heshiisyadan oo kale la gelayso. Waxa aan sidoo kale jirin siyaasad qoran oo si buuxda u qeexaysa arrimahan oo ay shacabka si furan ugu soo bandhigtay. Waxa sidoo kale aan jirin wakhti ay heshiisyadani si rasmi ah u soo afjarmayaan. Waxa aan jirin siyaasad loo qorsheeyay cashuurista macaashka shidaal ee shirkadaha shisheeye.
Xidhiidh-la’aan – Dawladda iyo Dadweynaha:
Waxa aan jirin wax warbixin iyo faahfaahin ah oo ay Xukuumaddu ka bixisay hannaan-socodka heshiisyadan iyo wacyigelin kobcin karta fahamka dadweynaha ee qaddiyaddan. Taasi waxay keentay in khilaafaad iyo iskudhacyo ay yimaaddaan, iyada oo bulshada deegaannada hawshu ka socotaa ka hor yimaaddeen qaabka hawshan loo maamulayo ee qabyaalada iyo eexda ah, isla markaana Wasiirku dantiisa ah inuu dhaqaale helo uu u baabinayo mashruuc Somaliland hodon ku noqon lahayd. La soco qaybaha dambe.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured